Yhdistykset Kauniaisissa
Ururada Kauniainen gudeheeda
Bangiga wararka boggagiisa waddanka oo dhan ku saabsan waxaa ku qoran warar ku saabsan sida urur loo aasaaso iyo ururada dadka waddanka u soo guurey ee Finland ka jira.
Kauniainen waxaa ka jiraa qiyaastii 80 urur oo shaqeeya oo laamo kala duduwan metela.
Boggaga shebekadda internetka ee magaalada waxaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah oo ku qoran af Finnish iyo af Iswiidhish oo ku saabsan ururada ka jira Kauniainen.
Caawimooyinka
Ururada ka jira magaalada Kauniainen sannad walba waxay codsan karaan caawimooyin lagu taageerayo waxqabadkooda. Caawimooyinka la codsado waxaa sida caadiga ah sannadka bilowgiisa lagu soo qoraa joornaalka magaalada ka soo baxa iyo boggaga internetka ee magaalada, boggagaas baana laga helaa foomamka codsiga ee loo baahan yahay oo ku qoran af Finnish.