Mistä apua syrjintätilanteessa?
Dhibaatooyinka nolosha shaqada:
ururkaaga shaqaalaha haddii aad urur shaqaale ka tirsan tahay
ururka badbaadada shaqaalaha ee deegaankaaga
Adeegyada shirkadaha:
Xafiiska wakiilka dadka jinsiyad ahaan waddanka ku yar (vähemmistövaltuutetun toimisto)
Adeegyada sooshalka ee degmada:
wakiilka arrimaha bulshada
Adeegyada daryeelka caafimaadka:
wakiilka bukaanka
Go’aan diidmo ah oo aad ka heshay Hay’adda Hawlgabka Qaranka (KELA) ama xafiiska sooshalka:
Samee qoraal codsasho sixitaan iyo haddii loo baahdo:
xafiiska caawimada arrimaha sharciga (oikeusaputoimisto)
qareenada barayfitka ah
Haddii asalka aad ka so jeedo dartiis iskuulka laguugu dhibo:
macallinka, maamulaha, shaqaalaha arrimaha sooshalka ee iskuulka (koulukuraattori)
shaqaalaha badbaadada carruurta ee degmadaada
Codsashada guryaha ijaarka ee magaaladu leedahay:
xafiiska wakiilka dadka jinsiyad ahaan waddanka ku yar
Khilaaf ka dhex dhaca dadka jinsiyadaha kala duwan ee dhismaha wada deggen:
wakiilka shirkadda guryaha (isännöitsijä), la taliyaha deggenaanshaha
Dagaalka qoyska dhexdiisa ah:
guriga ammaanka (turvakoti)
Go’aan laguugu diidayo qaxootinimada:
Ururka La talinta qaxootiga (Pakolaisneuvonta ry)
Go’aan laguugu diidayo sharciga joogidda waddanka:
xafiiska caawimada arrimaha sharciga (oikeusaputoimisto)
qareenada barayfitka ah
Ururka la talinta qaxootiga (Pakolaisneuvonta ry) ayaa weydiin kartaa talooyinka ku saabsan arrimaha xagga sharciga, haddii cunsurinimo lagugu sameeyo. Sidoo kale waxaad la xiriiri kartaa xafiiska wakiilka dadka jinsiyad ahaan waddanka ku yar.
Faahfaahin dheeraad ah