Työ- ja elinkeinotoimisto
Xafiisyada shaqada iyo xoogsashadu waa qayb ka mid ah maamulka shaqada. Adeegyadooda ugu muhiimsani waa shaqo raadin, waxbarashada shaqaalaha, talosiinta arrimaha xirfad doorashada ku saabsan iyo adeegga siinta wararka ku saabsan waxbarashada iyo xirfadaha. Sidoo kale siday dadka waddanka u soo guurey halkan ula qabsan lahaayeen waxay ka mid tahay adeegyada xafiisyada shaqada iyo xoogsashada. Xafiisyada shaqada iyo xoogsashada ayaad ka dalban kartaa koorsooyinka luuqadda Finnishka. Xafiiska shaqada iyo xoogsashada ayaad ka soo ogaan kartaa meelaha shaqo ka bannaan tahay. Dadka xafiiska shaqada diwaanka ugu jira inay shaqo raadis yihiin waxaa suuragal u ah inay lacagta shaqa la’aanta ka dalbadaan Kelada.
Bangigan wararka boggagiisa shaqada ayaad ka heleysaa warar dheeraad ah oo ku saabsan, sida uu xafiiska shaqada iyo xoogsashadu ugu adeego macaamiisha shaqo raadiska ah.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan adeegyada Xafiiska shaqada iyo xoogsashada waxaad ka heleysaa boggaga Maamulka shaqada.
Waa xaggee xafiiska shaqada iyo xoogsashada ee ugu dhow?
Ka dooro bogga maamulka shaqada liiskiisa magaca degmada aad deggan tahay.