Structure_LogoPart1



Xafiiska diiwaangelinta

Maistraatti

Xafiisyada diiwaangelintu waa hay’ado maamulka dowladda ah oo degmooyinka ka furan. Hawlahooda waxaa ka mid ah diiwaangelinta. Nidaamka wararka dadka waxaa lagu qoraa macluumaadka aasaasiga ah ee dadka Finland deggan. Xafiiska diiwaangelinta waa in la ogeysiiyaa haddii aad Finland u soo guurtid, ama aad Finland dhexdeeda meel ka guurtid oo meel kale u guurto ama haddii aad Finland ka guurto. Xafiisyada diiwaangelintu waxay qabtaan hawlo kale oo badan. Xafiiska diiwaangelinta qofka dadka diiwaangeliyaa dadkuu isu nikaaxaa. Sidoo kale dadku markay is-guursanayaan haday rabaan inay samaystaan heshiiska shuruudaha guurka waxaa la geeyaa xafiiska diiwaangelinta si loo qoro. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan adeegyada Xafiiska diiwaangelinta boggagiisa. Guddiga Maamulka Hawsha, waxaad xittaa ka heli kartaa shahaadada deganaanshada, oo aad ku caddeyn karto meesha aad ku nooleed ama meesha aad iminka ku nooshahay. Waxaad shahaadada ku codsan kartaa  telefoon ama email.

Xafiiska diiwaangelinta (maistraatti) ee kuugu dhow sida loola xiriiro waxaad ka heleysaa boggaan. Bogagga waxaa ku jiro macluumaadkaan, tusaale ahaan, mawduucyadaan:

Waa maxay Warqadda aqoonsiga shakhsiyeed? Ku qoran af Finnish, Iswiidhish

Hijrada ku qoran  Finnish

Guuritaanka ku qoran Finnish, Iswiidhish

Xafladda nikaaxa ajnebiga ku qoran Finnish, Ingiriis

Diiwanagelinta nikaaxa ajnabiga, ku qoran Finnish, Iswiidhish