Verotoimisto
Finland qofku waa inuu dakhli walba canshuur ka bixiyaa. Shirkadda ama hay’adda loo shaqeeyo ee shaqobixiyaha ah ayaa qofka mushaharkiisa ka goysa canshuurta oo ah caddadka boqolkiiba ah ee qofka shaqaalaha ah kaarkiisa canshuurta ku qoran. Kaarka canshuurta waxaa bixiya oo laga dalbadaa xafiiska canshuuraha, qofka shaqaalaha ahna waa inuu isagu u geeyaa shaqabixiyaha uu u shaqeeyo.
Markaad kaarka canshuurta dalbanayso xafiiska diiwaangelinta (maistraatti) ayaad uga baahan tahay lambarka aqoonsiga ama lambar aqoonsi ah oo ku meelgaar ah. Bangigan wararka boggiisa Canshuuraha ayaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida canshuurta loo bixiyo.
Xafiisyada canshuuruhu meel walba oo Finland ah way ku yaallaan. Sida loola xiriiro xafiiska canshuuraha ee degmadaada waxaad ka heleysaa boggan.
Boggaga Maamulka canshuurta ayaa waxaa ku qoran warar badan oo canshuuraha Finland ku saabsan ooaf Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis..