Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Helsinki

Kriisitilanteet Helsingissä

Xaaladaha dhibaatada ah ee Helsinki gudeheeda

Bangiga wararka boggiisa Xaaladaha dhibaatada ah waxaa ku qoran warar ku saabsan, meesha waddanka Finland laga helo caawimo markay yimaadaan xaaladaha dhibaatada ah.

Waxaad kaloo fiirisaa deegaanka magaalomadaxda boggiisa Xaaladaha dhibaatada ah.

Heeganka arrimaha bulshada

Heeganka arrimaha bulshadu 020 696006 wuxuu dadka caawiyaa saacadaha u dhexeeya 16.00 - 8  .00 (4 galabnimo - 8 subaxnimo) hadday yimaadaan xaalado ah in si degdeg ah loogu baahan yahay waxqabadka sooshalka. Luuqadaha dadka loogu adeegaa waa Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis.

Saacadaha xafiisyadu furan yihiin (saacadaha 8 - 4 galabnimo) adeegyada waxaa ugu horayn laga helaa xafiiska sooshalka ee qaabilsan deegaanka uu qofku deggan yahay. Meelaha lagala xiriiro oo ku qoran af Finnish .

Dhaqaatiirka deg dega (kriisipäivystys)

Hadaad u baahato neersi maskaxeed ama gargaar deg dega ah xaga maskaxda ah waxaad la xiriiri kartaa dhinaca talefoonka isbitaalka deg dega ah. shaqaalaha deg dega wexey xataa kuugu imaanaayaan meesha shilka uu kuugu dhacay

Isbitaalka deg dega tel. 09 3104 4222 waad soo wici kartaa xili kasto habeen iyo maalinba af Finnish .

Dhibaatooyinka caafimaadka

Warbixinta caafimaadka bogga Infopanki Daryeelka caafimaadka ee Helsinki gudeheeda.

Dhibaatooyinka carruurta iyo dhallinyarada iyo qoysaska

Rugta la talinta ee arrimaha carruurta af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Meelaha lagala xiriiro rugaha la talinta qoysaska oo xaafad-xaafad ah af Finnish.

Xarumaha qoysaska ee Helsinki ayaa dadka ka caawiya dhibaatooyinka qoysaska. Xarumaha qoysaska ee Helsinki  af Finnish.

Dhibaatooyinka dhallinyarada 

Xarunta wargelinta eee dhallinyarada ee Kompassi (Nuorisotiedotuskeskus Kompassi) boggageeda waxaa ku qoran warar ku saabsan meelaha ay dhallinyaradu caawimo ka helaan markay jiraan xaaladaha kala duwan ee dhibaatooyinka ah.

Guriga ammaanka ee dhallinyarada

Guriga ammaanka ee dhallinyarada waxaa loogu talagalay dhallinyarada u baahan meel nabadgelyo leh oo ay u hoydaan. Guriga ammaanka wakhti walba waa la soo wici karaa. Waxaana la imaan karaa wixii ka dambeeya markay saacaddu tahay 5 galabnimo oo waxaa la joogi karaa ilaa 10 subaxnimo. Guriga ammaanka si joogto ah looma deggenaan karo.

Guriga ammaanka ee dhallinyarada (Nuorten turvatalo)
Uudenmaankatu 32 A
00120 Helsinki
Tel. (09) 622 4322
Cinwaanka E-mailka: turvatalo.helsinki(at)redcross.fi 

Meelaha kale ee Helsinki ku yaalla ee caawimo laga heli karo:
Laanta dhibaatooyinka degdegga ah ee dhallinyarada ee Helsinki Mission (Helsinki Missionin Nuorten kriisipiste) af Finnish.

Xaaladaha dagaallamidda

Guriga ammaanka ee deegaanka magaalomadaxda (Pääkaupungin turvakoti)
Steniuksentie 20
00320 Helsinki
Tel. (09) 477 7180

Guriga ammaanka waxaa loogu talagalay dadka 18 sano u buuxsantay ee la kulma dhibaato dagaal oo jir ahaaneed ama nafsad ahaaneed.

Dhibaatooyinka waxyaabaha maskaxda dooriya

Bogga adeega ee Oma-apupalvelut ee waaxda sooshalka waxaa af Finnish ahaan ugu jira tijaabooyin iyo habab kale oo la kaashado marka la rabo in la joojiyo isticimaalka waxyaabaha maskaxda dooriya.

Saldhigyada dhallinyaradu waxay u adeegaan dhallinyarada da’doodu ka yar tahay 24 sano ee welwelka ka qaba waxyaabaha maskaxda dooriya ee ay isticimaalaa ama waxyaabaha kale ee adhigtidhka lagu noqdo. Faahfaahin dheeraad ah iyo meelaha lagala xiriiro oo ah af Finnish iyo af Iswiidhish.

Kilinigyada khamrigu (A-klinikat) waxay u adeegaan dadka qaangaarka ah ee uu welwelka ku hayo waxyaabaha maskaxda dooriya ama waxyaabaha kale ee adhigtidhka lagu noqdo oo ay iyagu isticimaalaan ama ehelkoodu isticimaalo. Faahfaahin dheeraad ah iyo meelaha lagala xiriiro oo ah af Finnish iyo af Iswiidhish.

Dadka gurya la’aanta ah waxay la xiriiri karaa xafiiska sooshalka ee qaabilsan adeegyada dadka gurya la’aanta ah, tel. (09) 310 74065, wuxuu furan yahay saacadaha 8.15 - 16.00. Faahfaahin dheeraad ah oo ah af Finnish.


Arrimaha la xiriira sidaad u joojin lahayd isticimaalka khamriga iyo sigaarka waxaad kala xiriiri kartaa rugta caafimaadka ee xaafadaada. Rugaha caafimaadla ee Helsinki af Finnish af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Lambarka la talinta ee adeega daryeelka caafimaadka (09) 10023 waxaa laga jawaabaa 24 saacba.

Daryeelka ka joojinta ahi (Katkaisuhoito) wuxuu dadka ka caawiyaa siday u joojin lahaayeen waxyaabaha maskaxda dooriya ee ay muddada dheer isticimaalayeen. Faahfaahin dheeraad ah af Finnish.

Dhibaatooyinka mukhaadaraadka

Kiliniga arrimaha daroogada ballan la’aan baa la imaan karaa. Kilinigu wuxuu qiyaasayaa daryeelka uu qofku u baahan yahay, ka dibna wuxuu u gudbiyaa daryeelka ku haboon. Faahfaahin dheeraad ah iyo meelaha lagala xiriiro oo ah af Finnish.

Adeegyada ururada shacabka 

Aasaasiyadda kiliniga khamriga boggiisa mukhaadaraadka (A-klinikkasäätiön Päihdelinkki) ayaad waxaad ku samayn kartaa tijaabo aad ku cabbirayso siduu yahay isticimaalkaaga mukhaadaraadka af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Hay’adda Diakoniyaha ee Helsinki (Helsingin Diakonissalaitos) iyo Ururka Elämä on parasta huumetta ry (Nolosha waxaa u fiican mukhaadaraad la’aan)

Talosiinta shebekadda (Nettineuvonta)
Telefoonka talosiinta 0800 900 45 (waa lacag la’aan, maalin walba 24 saac wuu furan yahay)

Bog lagu sheekaysto oo la yiraahdo Kuivaushuone (Qolka qallajinta) oo ah adeega mukhaadaraadka ee Aasaasiyadda kiliniga khamriga (A-klinikkasäätiön Päihdelinkki-palvelun Kuivaushuone) af Finnish.

Telefoonka adeega ee Ururka ka fuq mukhaadaraadka (Irti Huumeista ry:n palveleva puhelin)
Tel. 010 80 4550 maalmaha shaqada saacadaha 9 - 15 iyo 18 - 21 (6 maqribnimo ilaa 9 fiidnimo). Adeega luuqadda Iswiidhishka ah lambarkiisu waa 050 371 3455 Khamiisa saacadaha 17 - 20 (5 galabnimo ilaa 8 fiidnimo).

Ururka Elämä on parasta huumetta ry talosiintiisa socota (Mobiilivinkki) waxay fariinta telefoonka kugu siinaysaa wakhtiyada ay furan yihiin meelaha la talinta ee daryeelka caafimaadku wakhtiyada ay furan yihiin, cinwaannadooda iyo adeegyada laga helo.

NA - daroogiistayaasha oo magacooda sheegayn

Dhibaatooyinka deynka

Waxaad la xiriiri kartaa xafiiska sooshalka dhaqaalaha iyo xafiiska deen warbixinta (sosiaaliviraston talous- ja velkaneuvontayksikkö) ,haddaad u baahatid caawinaad ku saabsan dhaqaalaha ama deen wax quseeyo talefoonka aad kala xiriiri karto hoos ka fiirso.

Xiriirka:
Hämeentie 31 A, 4. krs
00500 Helsinki
Balan qabadka iyo talobixinta
puh. 09 3104 3887 ma-pe 9-12

Ka sii aqriso bogga magaalada Helsinki af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .

Talooyinka sharciyada

Xafiiska caawimada arrimaha maxakamadaha ee Helsinki (Helsingin oikeusaputoimisto) af Finnish iyo af Iswiidhish.

Looyar heegan ah oo lacag la’aan ah ayaa jooga Laybareeriga Töölö af Finnish iyo af Iswiidhish.

Ururka Arrimaha Dumarka (Naisasialiitto Union) looyar heegan ah oo lacag la’aan u ah dumarka af Finnish iyo af Iswiidhish.

Guryo la’aanta

Dadka guryo la’aanta ah ee reer Helsinki ah waxaa qaabilsan Xafiiska adeegyada khaaska ah ee arrimaha bulshada ee magaalada Helsinki.

Waxaa kaloo jirta, in tusaale ahaan qolada la yiraahdo Ciidanka badbaadinta (Pelastusarmeija ) iyo Hay’adda Diyakoniya (Diakonissalaitos)ay leeyihiin meelo la dego loogu talagalay dadka guryo la’aanta ah ee reer Helsinki. Guriga Bilowga ee Helsinki (Helsingin ensikoti ) waxaa loogu talagalay hooyooyinka dhallinyarada ah ee keligood ah ee uurka leh.

Dhimashada

Wararka ku saabsan dhimashada ka fiiri Bangiga wararka boggiisa Dhimashada.