Kriisitilanteet pääkaupunkiseudulla
Xaaladaha dhibaatada ah ee deegaanka magaalomadaxda gudihiisa
Bangiga wararka boggiisa Xaaladaha dhibaatada ah waxaa ku qoran warar ku saabsan, meesha waddanka Finland laga helo caawimo markay yimaadaan xaaladaha dhibaatada ah.
Lambarka Xarunta caawimada degdegga ah (Hätäkeskus) oo ah 112 waxaa la wici karaa, haddii qofka naftiisu khatar ku jirtoa, ama si degdeg ah loogu baahdo caawimada booliska ama haddii la rabo in la soo sheego meel dab qabsaday oo gubanaysa.
Haddii ay jirto xaalad jirro oo caadi ah waxaa lala xiriira xarunta caafimaadka ee ugu dhow. Telefoonka la talinta caafimaadka (Terveysneuvontapuhelin) wuxuu ku caawinayaa, markaad u baahan tahay warar ku saabsan sida loo daryeelo cudur ama jirro, ama markaad u baahan tahay warar ku saabsan adeegyada daryeelka caafimaadka ama meelada daryeelka caafimaadka ee deegaanka magaalomadaxda. Tel . (09) 10023.
Xaaladaha dhibaatada ah ee Helsinki gudeheeda
Xaaladaha dhibaatada ah ee Espoo gudeheeda
Xaaladaha dhibaatada ah ee Vantaa gudeheeda ah
Xaaladaha dhibaatada ah ee Kauniainen gudeheeda
Adeegyada hay’adaha kala duwan ee loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey
Ururka dumarka ee Monika (Monika-Naisten liitto ry)
Ururka dumarka ee Monika wuxuu adeegyo siiyaa dumarka iyo carruurta asalkoodu yahay dadka waddanka u soo guurey ee dhibaatooyinka dagaallamidda la kulmay. Luuqado badan oo kala duduwan ayaa dadka loogu adeegaa.
Xarunta awoodda ee dhaqamada kala duduwan ee Monika (Monikulttuurinen Voimavarakeskus Monika) telefoonkeeda heeganka ee waddanka oo dhan waa
Tel. (09) 692 2304
Isniin-Axad 24 saac/maalintii
info(at)monikanaiset.fi
Xarunta SOS (SOS-keskus)
Xarunta SOS/ waaxda ajnebiga ee adeegyada dhibaatooyinka (SOS -keskus/Ulkomaalaisten kriisipalvelu ) waxay caawisaa dadka Finland deggan ee waddanka u soo guurey iyo qoysaskooda.
Tel. (09) 413 50501
Xarunta baxnaaninta dadka jirdilka lagu sameeyey (Kidutettujen Kuntoutuskeskus)
Xarunta baxnaaninta dadka jirdilka lagu sameeyey (Kidutettujen Kuntoutuskeskus ) waxay caawisaa dadka qaxootiga ah iyo dadka magangelyada codsaday ee markay waddankoodii joogeen jirdil lagu sameeyey.
Tel. (09) 7750 4584
Dhibaatooyinka alkolada
AA (Alkoliistayaasha oo magac la’aan Nimettömät alkoholistit)
Telefoon caawiya saacadaha 9-21
Tel. (09) 750 200 (Inta badan adeegu waa af Finnish)
Cinwaan: Hämeentie 1 F 45, 00530 Helsinki
Faahfaahin dheeraad ah af Finnish. Boggagu waxay kaloo leeyihiin meelo kugu xiraya kooxo luuqadda Iswiidhishka iyo luuqadda Ingiriiska ah.
Qabatinka khamaarka
GA - Gamblers Anonymous (Khamaaryahannada oo magac la’aan ah)
GA waa koox istaageersata oo ah dadka ciyaaridda khamaarku dhibaatada ku hayso. Si kooxdaas looga mid noqdo, waxa keliya ee la isaga baahan yahay waa inuu qofku rabo inuu khamaarka joojiyo. Dhallinyarada ah dadka waddanka u soo guurey waxay leeyihiin koox u gaar ah. Faahfaahin dheeraad ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Sumoobidda
Xarunta aqoonta sumoobidda (Myrkytystietokeskus ) maalin walba 24 saacba waxay ka jawaabtaa su’aal walba oo la xiriirta ka hortagga sumoobidda degdegga ah iyo sida loo daaweeyo.
Tel. (09) 471 977 (toos) ama (09) 4711 (lambarka laga gudbiyo).
Xaaladaha dagaallamidda (Väkivaltatilanteet)
Xarunta ragga (Miesten Keskus)
Dhibaatada dagaallamidda caawimadeeda raggu waxay ka heli karaan Xarunta ragga, tel. (09) 4542 440
Laynka dumarka (Naisten Linja)
Laynka dumarka waa layn telefoon oo lacag la’aan ah oo waddanka oo dhan ah. Waxaa laga helaa talooyin, tilmaamid iyo taageero uu siiyo dumarka iyo gabdhaha dagaalka lagu sameeyey ama ku sugan khatarta ah in dagaal lagu sameeyo ama ka cabsanayaa in dagaal lagu sameeyo iyo ehelkooda.
Lambarka telefoonka ee Laynka dumarku (Naisten Linja) waa 0800 02400
Heeganka
- af Finnish Isniinta ilaa Jimcaha saacadda 16-20 (4 galabnimo – 8 fiidnimo)
- af Iswiidhish Arbacooyinka saacadda 16-20 (4 galabnimo – 8 fiidnimo)
- af Ingiriis Jimcayaasha saacadda 16-20 (4 galabnimo – 8 fiidnimo)
Telefoonadu waa aammin oo dad kale looma sheegay. Xitaa adoon isa sheegin baad soo wici kartaa.
E-mail: toimisto(at)naistenlinja.fi
Guryo la’aanta deeganka magaalomadaxda
Dadka guryo la’aanta ah
Dhimashada
Wararka la xiriira dhimashada ka fiiri Bangiga wararka boggiisa Dhimashada.