Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Xaaladaha dagaalka

Väkivaltatilanteet

Markay jirto xaalad dagaal ah waxaa muhiiim ah inaad caawimo raadsato. Haddii aad isla markaas u baahan tahay inay boolisku ku caawiyaan xaalad khatar ah oo jirta awgeed, waxaad wacaysaa lambarka booliska ee khatarta: 112. Lambarka furaha ah uma baahnid xitaa haddii aad ka wacayso telefoonka gacanta.

Waxaa jira degmooyin badan oo kaalmeeya dadka dhibaatooyinka dagaalka ah lagu sameeyey. Waxaad la xiriiri kartaa tusaale ahaan Heeganka dadka dhibanayaasha ah ee dembiga lagu sameeyey(rikosuhripäivystys), tel. 0203-16116).

Dumarka iyo gabdhaha dagaalka la kulmay waxay soo wici karaan Laynka Dumarka (Naisten Linja), kaas oo dadka ugu adeegga luuqadahan soo socda:

Finnish
Iswiidhish
Ingiriis

Ururka Dumarka ee Monika (Monika-naiset Liitto ry) wuxuu caawiyaa dumarka iyo carruurta asalkoodu yahay dadka waddanka u soo guurey ee dhibaatooyinka dagaalka lagu sameeyo la kulma. Monika waxaa ku caawinaya dad kugula hadlaya luuqadaha Carabiga, Dariga, Ingiriiska, Isbeynka, Farsiga, Hindiga, Talyaaniga, Kurdiga, Bortiqiiska, Faransiiska, Roomaaniyaanka, Iswiidhishka, Jarmalka, Soomaaliga, Finnishka, Tagaloga, Thaiga, Turkiga, Ruushka, Fiitnaamka iyo Istooniyaanka.

Lambarka telefoonka ee Monika ee waddanka oo dhan (Isniin-Axad 24 saac), tel. 09-692 2304

Mashruuca Ururka xuquuqul insaanka ee Kitke wuxuu isku dayaa in uu ka hortago dagaal-sharafeedka iyo siis socoshadiisa. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dagaal-sharafeedka iyo mashruuca Kitke waxaad ku heleysaa finnish, ingiriis iyo turki.

 Telefoonka heeganka ee Ururka xuquuqul inshaanku wuxuu ku adeegaa finnish, ingiriis, turki, tataari, kurdi, dari iyo faarsi 040 760 0323, saacadda isniin-Jimco 9-15.

Heegabka telefoonku waa  Isniinaha saacadaha 10-12 iyo Khamiisaha saacadaha 12-1,4 tel. 044 311 3141. Wararka ku saabsan telefoonka la talinta oo ah af Farsi, af Kurdi (108 kb, pdf) iyo af Turki (351 kb, doc).

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dembiyada iyo dembiyada cunsuriyadda ah

Dagaalka qoyska dhexdiisa

Dagaalka sekshiwalka ah

Dembiga sekshiwalku wuxuu noqon karaa kufsasho, ku khasbid wax sekshiwal ah, faraxumayn sekshiwal ah iyo in adeegyada sekshiwalka laga gato qof aan qaangaar ahayn. Dagaalka sekshiwalka ahi wuxuu ka dhici karaa xitaa labada qof ee isqaba ama xiriirka leh.

Xarunta Tukinainen waxay leedahay lambar lacag la’aan ah (tel. 0800-97899) oo loogu talagalay dadka lagu sameeyey dembiyada sekshiwalka ah. Ururka caafimaadka maskaxda ee Finland (Suomen mielenterveysseura) waxay meelo kala duduwan oo Finland ah ku leedahay xarumo dhibka degdeg ah.

Mabnuuucidda u soo dhawaanshaha

Qofka si jjoogta ah kuugu hanjaba ama kuu dhiba waxaad booliska ka codsan kartaa in lagu xukumo mabnuucidda u soo dhawaanshaha, warar ku saabsanna waxay ku jiraan boggaga booliska (poliisi) iyagooo ku qoran 8 luuqadood. waxaad kaloo talo weydiin kartaa shaqaalaha maamulka ee arrimaha bulshada.

Ku dhibidda goobta shaqada

ku dhibidda goobta shaqadu waa dagaal xagga nafsadda ah, qofka madaxda ahna waxaa waajib ku ah inuu wax ka qabto. Waxaad kaloo caawimo ka heleysaa wakiilka badbaadada shaqaalaha ee goobtaada shaqada ama qaybta daryeelka caafimaadka shaqaalaha. Inaad caawimo dalbataa ceeb ma aha!