Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Turku

Waxbarashada dugsiga hoose/dhexe (perusopetus)

Barista hordhaca ah

Ujeedada barista hordhaca ah waa inuu helo ilmuhu aasaasiyaad uu ku bilaabi karo dugsi hoose/dhexe.


Barista hordhaca ah waxaa loogu tala galay dhammaan carruurta aan wali gaarin da`da iskuulka ee ku jira sanadka ka horreeya intaanu bilaabanin waajibka waxbarashada (7 sano).

Barista hordhaca ah waa bilaash. Waxaa la socda daryeel maalmeed ilmuhu u baahan karo oo lacag ah.

Barista hordhaca ah waxaa lagu galaa/bilaabaa iyadoo la buuxinayo foom diiwaangalin, kaasoo la geynayo xanaanada ilmaha la rabo inuu tago/bilaabo.

Dugsi hoose/dhexe

Goormuu ilmuhu billaabaa dugsi hoose/dhexe?

Ilmuhu wuxuu iskuul billaabaa isla sannadka uu galo 7 sano

Intee ayuu socdaa dugsiga hoose/dhexe?

Sida caadada ah iskuulku wuxuu qaataa/socdaa 9 sano. Markey dhammaato waxbarashada hoose/dhexe, ilmuhu wuxuu helayaa shahaado qalinjabin. Shahaadadu waa muhiim, maxaa yeelay waxaa lagu tiigsan karaa waxbarashada xigta iyo shaqooyinka.

Muxuu ilmuhu sameynayaa markuu ka boxo dugsi hoose/dhexe?

Ilmuhu wuxuu u gudbayaa marxaladda labaad ee xigta, isagoo tiigsanaya inuu wax ka barto dugsiyada farsamada ama dugsi sare.

Sidee ayuu ilmuhu ku galaa dugsi hoose/dhexe?

Marka hore ilmuhu wuxuu u baahan yahay shahaado caafimaad, haddii uu ka yimid wadan ka baxsan midowga Yurub (EU) ama uu ka yimid Istooniya, Latvia, Liyutweeniya, Poland, Slovakia, Slovenia, Jamhuuriyadda Czech, Hangari, Malta, Qubrus, Romaania iyo Bulgaariya.

Shahaadada caafimaadka waxaa laga helaa xarunta caafimaadka.

Markaad ballan ka qabsati dhakhtarka, ilmaha iskuulka waad ka diiwaangalin kartaa.

Iskuulkee ayuu ilmuhu billaabayaa?

Haddii uusan ilmuhu wali garaneynin luuqadda finishka, wuxuu marka hore billaabayaa Waxbarasho bacrimis ah. Waxbarashadaas bacriminta ah markuu ku jiro, koox tiro kooban ayuu la dhiganayaa luuqadda finishka iyo maadooyin kale muddo sannad ah. Kooxaha tirada kooban ee dhigta waxbarashada bacriminta ah waxey ka kala jiraan dhowr iskuul.

Waxaad caawimaad ka heleysaa iskuullada oo dhan ama xarunta adeegga waxbarashada, oo adareeskeedu yahay:

Käsityöläiskatu 10,

20100 Turku

Taleefan: 02 - 2629 344.

Hadii ilmuhu yaqaanno luuqadda finishka, sida caadada ah wuxuu tagaa iskuulka guriga u dhow.

Haddii ilmuhu uu si aad u wanaagsan u yaqaanno luuqadda ingiriiska, wuxuu tiigsan karaa iskuulka caalamiga ee Turku (Turun kansainväliseen kouluun).

Iskuulka wax ma looga baran karaa luuqadaada hooyo?

Iskuullada qaarkood waxaa ka jira macallimiin afka hooyo ku hadla iyo gacan yareyaal iskuul, kuwaasoo ka caawinaya ardeyga sidii uu maadooyinka kala duwan ugu fahmi lahaa afkiisa hooyo.

Dugsiyada hoose/dhexe ee Turku waxaa la iska baraa in ka badan 20 luuqadood. Macluumaadka is diiwaangalinta iyo barashada afka hooyo waxaad ka heleysaa iskuulkaaga. Markaad iska diiwaangalisid waxbarashada afka hooyo waad ku qasban tahay inaad xiisada iska xaadirisid, reerka ilmaha ayaa ka taxadaraya safarka lagu aadayo waxbarashada afka hooyo. Waxbarashadu waa bilaash.

Halkee laga baran karaa luuqadda finishka?

Ardeyda dhigata dugsiyada hoose/dhexe ee afkooda hooyo yahay luuqad kale waxey iskuuladooda ku bartaan finish luuqad labaad ahaan oo kaleloo dhigto (finish ka yara sahlan kan ardeyda u dhalatay ay bartaan)

Ciddii kale ee xiiseyneysa barashada luuqadda finishka waxey tafaasiil ku saabsan barashada af finishka ka helayaan kalenderka koorasyada(kurssikalenteri) waxbarasho ee dal usoo guurayaasha loogu tala galay ama bogga internetka ee magaalada/dagmada Turku halkaas oo ay ku qoran tahay tacliinta dadka waaweyn ee soo guurayaasha ah  ee ka jirta Turku gudeheeda ”Aikuisten maahanmuuttajien koulutus Turussa”

Macluumaadka waxbarashada dhallinyarada dal usoo guurayaasha  ah waxaad ka heleysaa dugsiga sare ee galabtii la dhigto (iltalukio).

Dugsiga sare ee galabta ee Turku

Eskelinkatu 4,

20100 TURKU

Xogheynta iskuulka 

Lii Puolakainen

tel. 02-2629882

Baris dheeri ah ”galaaska tobnaad”

Galaaska tobnaad waxbarashadiisa dheeriga ah waxaa loola jeeda waxbarasho xoojin ah oo qoto dheer, taasoo la siinayo ardeyda kasoo qalin jabisay dugsiga hoose/dhexe. Ka qeyb qaadashada waxbarashadaas waa mid ardeygu xor u yahay oo aan qasab aheyn. U jeedada laga leeyahay galaaska tobnaad waa in la taakuleeyo horumarka iyo koboca ardeyga.

In wax laga barto galaaska tobnaad waxaa shardi u ah tagida iskuulka oo joogto noqota iyo ilaalinta xeerka kala dambeynta iskuulka.

Macluumaadka barista dheeriga ah ee Turku gudeheeda ka jirta.

Ma weyday boos waxbarasho ama shaqo?

Ohjaamo waxey taakuleysaa oo ay caawisaa dhallinyarada15–20-jirrada ah, oo aan helin boos waxbarasho kadib markey ka qalin jabiyeen dugsigii dhexe. U jeedada laga leeyahay waa in loo helo qofkaas dhalinta yar boos waxbarasho oo xiisa galiya. Dahllinyarada waxaa lagu hagaa dalbashada boosaska waxbarasho ee soo haray waxaana laga caawiyaa dajinta/qorida arjiga dalabka wakhtiga dalabka caamka ah uu socdo. Intaas waxaa dheer oo ay Ohjaamo ka caawisaa qofka nidaaminta tababarro shaqo iyo helitaanka wax markaas uu qofku xiiseeyo/isku mashquuliyo..

Ohjaamo waxey ku taallaa gudaha daarta Vimma,adareeskeeduna waa Aurakatu 16, waxey la siman tahay jidka.

Warbixin dheeri ah: www.turku.fi/ohjaamo

Tacliinta dugsiga sare (lukio)

Turku gudeheeda waxaa ka jira 11 dugsi sare iyo dugsiga sare ee dadka waaweyn, kaasoo  sida caadiga ah galabtii la dhigto.  Dugsiga sare ee galabtii waxaa laga abaabulaa waxbarasho dal usoo guurayaasha loo hufay.

Dugsiyada sare ee Turku waxey badankoodu hoos yimaaddaa dagmada/magaalada. Hal mid oo dugsiyada sare ka mid ah ayaa waxa tacliinta lagu qaataa afka iswidhishka, kaasoo lagu magacaabo Katedralskolan i Åbo. Dugsiga sare ee iskuulka caadiga ah ee Turku (Turun Normaalikoulun lukio) waxaa iska leh dawladda. Dugsiga sare ee  Turun Steiner-koulun lukio waa mid si gaar ah loo leeyahay

Tacliinta dugsiga sare waxaa lagudhigan karaa af ingiriis iyadoo markaa la diyaarinayo shahaadada International Baccalaureate (IB), taasoo lagu diyaarinayo dugsiga sare ee iskuulka caadiga ah Turku(Turun normaalikoulun lukio) ama dugsiga sare ee iskuulka caalamiga Turku (Turun kansainvälisen koulun lukio).

Warbixin dheeri ah waxaad ka heli kartaa : Bogga internetka hogaanka waxbarashada ee Turku

Macluumaadka tacliinta dugsiga sare ee Turku gudeheeda

Cinwaanada dugsiyada sare ee Turku gudeheeda ku yaalla:

Tacliinta farsamada ee marxaladda xigta/labaad (toisen asteen ammatillinen koulutus)

Dhallinyarada

Maxaa kallifay in dhallinyarada dal usoo guurayaasha ah ay maraan imtaxaanka luuqadda ee machadka xirfadaha ee Turku (Turun ammatti-instituutti)? 

Dhammaan dadka dalbanaya tacliinta farsamada ee ku haminaya iney qaataan shahaado xirfadeed, oo markaas luuqadooda hooyana aysan aheen finish ama iswidhish, waxaa loogu yeeraa iney kasoo qeyb galaan imtaxaan luuqadda ah. Imtaxaanka luuqadda waxaa lagu hubsanayaa/ogaanayaa inuu shakhsigu yaqaanno luuqadda finishka illa xad ku filan oo uu markaas kaga bixi karo waxbarashada xirfadaha. Imtaxaanka waxaa la qabtaa sanad walba xilliyada gu`ga iyo deyrta.

Maloo baahna  in imtaxaanka luuqadda laga qeyb galo, haddii:

-  shahaadada dalbadaha uu dugsiga dhexe kaga baxay loogu qoray ama laga siiyay buundo maaddada luuqadda finishka.

- uu dalbaduhu shahaado ka heysta imtaxaan luuqadeed  (darajada 3 aad)

- uu dalbaduhu Finland gudeheeda horey ugu soo dhigtay tacliin marxaladda labaad ah, taasoo luuqadda wax lagu baranayey ay aheyd finish ama iswidhish.

Waa maxay tacliinta machadka xirfadaha ee Turku (Turun ammatti-instituutti) uu sida gaarka ah dal usoo guurayaasha ugu tala galay?

Machadka xirfadaha ee Turku waxaa lagu dhigaa tacliin dhallinyarada asalkoodu dal usoo guurayaasha ah loogu bacriminayo waxbarashada xirfadaha, taasoo ardeyga lagu siinayo diyaar garowga waxbarashada kuliyadaha kala duwan ee xirfadaha. U jeeddada tacliintan waa in lagu wanaajiyo fursadda uu ardeygu ugu gudbayo duruusta xirfadaha.

Inta ay tacliintu socoto waxaa la baranayaa luuqadda finishka,  maadooyinka cilmiga bulshada iyo xisaabta, waxaa lasoo booqanayaa kuliyado kala duwan oo lagu barto xirfadaha. Ardeyga waxaa loo sameynayaa manhaj waxbarasho oo isaga u gaar ah. Tacliintu waxey soconeysaa qiyaasti muddo sannad ah.

Ardeyda dhigata tacliinta bacrimiska waxey xaq u leeyihiin lacagta kaalmada waxbarashada ee caadiga ah iyo kaalmada safarka iskoolka. Ardeygu waxaa sidoo kale uu xaq u leeyahay taakuleynta dhaqaale ee la qabsiga waddanka, haddii tacliinta bacrimiska ay ku jirto/lagu daray qorshihiisa la qabsiga waddanka.

Maxaa taakuleyn ah oo uu ardeyga dal usoo guuraha ah  heli karaa muddada uu ku jiro duruusta farsamo ee machadka xirfadaha ee Turku ?

Daaraha/saraha iskuulada hoos yimaadda machadka xirfadaha ee Turku waxaa ka shaqeeya hage waxbarasho iyo kalkaaliso caafimaad. Intaa waxaa dheer oo machadka ka jira koox taakuleyn, oo ay xubno ka yihiin labo qof oo cilmunafsi yaqaan ah, labo qof oo qorsheeya/saadaaliya mustaqbalka shaqo, labo qof oo isku dubaridayaal ah, qof qaabilsan isku dubaridka arrimaha bulshada  iyo maareeyaha hawlaha ardeyda.

Dhammaan dadkaan oo dhan wuxuu ardeygu ka helayaa caawimaad la xiriirta xaaladaha waxbarasho iyo taakuleyn ku saabsan xaaladaha nolosha ee cakiran.

Maxaa taakuleyn dhaqaale ah oo uu ardeygu helayaa mudada uu duruusta dhigto?

Ardeyga sida joogtada ah wax uuga barta machadka xirfadda wuxuu xaq u leeyahay  kaalmada waxbarashada ee Keladu bixiso. Kaalmada waxbarashada waxey u qeybsantaa saddex qeybood oo kala ah: Lacagta waxbarashada, kaalmada kirada iyo deynta waxbarashada la isku siiyo.oo ay dawladdu damiinka ka tahay.

Lacagta waxbarashada waa dakhli ay canshuur ka go`do. Inta ay  lacagta waxbarashada cadad ahaan dhan tahay waxey ku xiran tahay oo saameeya da`da qofka, guriga/qaabka uu kunool yahay iyo inuu reer leeyahay ama uu iskaabulo yahay. Goysmada sabab la`aan xiisadaha loo gooyo waxey jari kartaa kaalmada dhaqaale ee waxbarashada.

Kaalmada kirada waxaa loogu tala galay ardeyga ku nool guri ijaar/kiro ah. Ardeyda la nool waalidkood ama ku nool guri ay iyagu iskood u leeyihiin lama siiyo kaalmo kiro. Ardeyda reeraha leh (xaas) waxey dalbadaan kaalmada kirada ee caamka ah.

Lacagta deynta waxbarashada ee ay dawladdu damiinato waxaa loo ogolaan karaa ardeyga qaata lacagta waxbarashada.  xaaladaha qaar dhif ah ayaa deynta waxbarashada waxaa xataa loo ogolaan karaa qof aan qaadan lacagta waxbarashada, tusaale ahaan ardeyga kaligiis daggan ee dakhliga waalidkiis soo gala uu ka xanibay in loo ogolaado lacagta waxbarashada ama ardeyga da`diisu ka yar tahay 17 sano oo ay lacagta ilmanimada la isku siiyo ay ka xanibtay in loo ogolaado lacag waxbarasho.

Farsamadee ayaan baran karaa, xageense ka baran karaa?

Turku gudeheeda waxaa laga baran karaan farsamooyin badan. Liiska hoos ku qoran ayaa waxaa ku yaalla magaca machadka, kulliyadda tacliinta, xirfadaha iyo macluumaadka cinwaanada lagala xiriiri karo. Duruustu waxey socotaa muddo saddex sano ah.

Daarta iskuulka Aninkainen

Laamaha tacliinta; Laanta raashinka iyo cuntada, kuliyadda maryaha iyo dharka, kuliyadda daryeelka quruxda

Xirfadaha laga barto (darajada uu ardeygu helayo markuu qalinjabiyo): Raashin diyaariye, rootiile-doolshe sameeye, kuug, harqaanle/dawaarle, harqaanlaha tola marooyinka wax lagu qurxiyo, timo jare-shanleeye, qurxiye, la taliye is qurxis

Jidka Aninkaistenkatu 7,  daarta iskuulka xafiiskeedu wuxuu ku yaalaa dabaqa  4aad. Xafiiska duruusta wuxuu adeegaa xilliga sanad dugsiyeedka socdo maalmaha isniinta –jimcaha saacadaha 8.15–9.30 iyo 10.00–15.30

Taleefoon toos ah  (02) 2633 3000

Daarta iskuulka Juhannuskukkula

Laamaha tacliinta ; Laamaha tignikada kimistariga, sheybaarka, korontada iyo daabacaadda warfaafinta

Xirfadaha laga barto (darajada uu ardeygu helayo markuu qalinjabiyo):sheybaariiste, daryeelaha boroseeska warshadaha, koronto galiye/xire, gacan yare waxsoosaar daabacaad, madbacadle

Jidka Kukkulakuja 3, daarta iskuulka xafiiskeedu wuxuu furan yahay maalmaha la shaqeeyo saacadaha 8.15 - 15.45

Taleefoon toos ah  (02) 2633 4502

Daarta iskuulka Kellonsoittajankatu

Laamaha tacliinta; ganacsiga iyo tignikada kumpiyuutarka, handel och data (waxbarasho af iswidish ah)

Xirfadaha laga barto (darajada uu ardeygu helayo markuu qalinjabiyo): merkonomiiste iyo datanomiiste (waxbarasho iswiidhish ah)

Jidka Kellonsoittajankatu 9-11, xogheynta daarta iskuulka waxey adeegtaa malmaha la shaqeeyo saacadaha 9 - 11 ja 12 - 15

Taleefoon toos ah  (02) 2633 3716

Daarta iskuulka Lemminkäisenkatu

Laamaha tacliinta; Laamaha makhaayadda-hoteelka iyo tamashleynta safarrada

Xirfadaha laga barto (darajada uu ardeygu helayo markuu qalinjabiyo): soo dhoweeye/qaabile, kabalyeeri, kuug, safar gade

Jidka Lemminkäisenkatu 18, Xogheynta daarta iskuulka waxey furan tahay maalmaha la shaqeeyo saacadaha 9 - 15

Taleefoon toos ah  (02) 2633 3404

Daarta iskuulka Peltola

Laamaha tacliinta ; Biraha iyo mashiinnada, LVI (diirinta, biyaha iyo aarkudhiishanka), baabuurta iyo lojistikada, dhismaha, looxaanta (najaar) iyo cabirka dhulka

Xirfadaha laga barto (darajada uu ardeygu helayo markuu qalinjabiyo): Otomaatig xire/galiye, markab dhise, mashiin xire, mashiimeeye, alxanle, soo saare qalab lagu shaqeeyo, qaboojiye rakibe, aarkudhiishan rakibe, tuubo/dhuun rakibe, soo saaraha laamayeeriga baabuurta, baabuur sameeye, mashiin hagaajiye, darawal, darawal gaadiid isku dhaf ah, darawal bas, khariidad dajiye, fuundi/guri dhise.

Jidka Hamppukatu 2, Xogheynta daarta iskuulka waxey furan tahay maalmaha la shaqeeyo saacadaha 9-12 ja 13-15

  Taleefoon toos ah  (02) 2633 4303

Daarta iskuulka Tommilankatu

Laamaha tacliinta; Adeegga guryaha, adeegga dhaqaaleynta xarumaha waaweyn iyo adeegga nadaafadda

Xirfadaha laga barto (darajada uu ardeygu helayo markuu qalinjabiyo):guri nadiifiye, nadiifiye xarumo ay hawlo ka socdaan sida xafiisyada

Jidka Tommilankatu 24, xafiiska daarta iskuulka wuxuu furan yahay maalmaha la shaqeeyo saacadaha 8.15 - 15.45.


Albaabka markuu xiran yahay garaac/yeeri saacadda gambaleelka. Albaabka waxaa ku dhinac yaalla dariishad waraaqaha lagu rido/laga soo tuuro.

Taleefoon toos ah  (02) 2633 3302

Daarta iskuulka Uudenmaantie

Laamaha tacliinta; laamaha caafimaadka iyo bulshada, farmasiga iyo daryeelka kale ee daawooyinka

Xirfadaha laga barto (darajada uu ardeygu helayo markuu qalinjabiyo): kalkaaliso, daawo sameeye, farmasiiste

Jidka Uudenmaantie 43, xogheynta daarta iskuulka waxey furan tahay maalmaha la shaqeeyo saacadaha 8 - 16
Xafiiska waxbarashada wuxuu furan yahay saacadaha 9.45 - 12.30

Fakis toos ah (02) 2633 4102

Sidee ayey dadka waaweyn xirfad ku yeelan karaan?

Iskuulada hoos yimaada machadka xirfadaha ee Turku ee kor ku xusan waxaa laga helaa fursado waxbarasho oo dadka waaweyn khuseeya, taasoo lagaga qalinjabin karo in ka badan 70 farsamo. Bogga internetka  ayey badankoodu ku xusan yihiin www.turkuai.fi