Aikuiskoulutus
"Da’ walba waxbaa lagu bartaa."
(Maahmaah Finnish ah)
Waxaa jirta waxbarasho khaas ahaan loogu talagalay dadka qaangaarka ah. Waxbarashada dadka waaweyn waxaa lagu qaataa shahaado ama shahaado sare. waxay kaloo noqon kartaa waxbarasho dhammaystir ah ama waxbarasho hiwaayad ah. Dadka waaweyn sidoo kale way ka qaybqaadan karaan waxbarashada loogu talagalay dhallinyarada.
Waxbarashada dadka waaweyn inta badan fiidkii baa la dhigtaa. Waxbarashaduna inta badan waa suuragal in la qaato iyadoon fasal la fariisanayn oo internetka lagu dhigto.
Dadka ah macaamiisha xafiiska shaqadu waxay dhigan karaan koorsooyinka xafiiska shaqadu bixiyo. Waxbarashada xafiiska shaqadu bixiyaa ardayda lacag la’aan bay u tahay. Guud ahaan waa waxbarasho xirfad lagu barto, laakiin waxay sidoo kale noqon kartaa tusaale ahaan waxbarasho luuqadda Finnishka ah. Faahfaahin dheeraad ah weydii xafiiskaaga shaqada.
Raadi wararka ku saabsan waxbarashada xafiiska shaqada ee dalbashadeedu socoto hadda.
Boggaga Guddiga waxbarashada waxaad ka heleysaa tilmaanbixiye ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn, kaas oo aad ka heleyso warar ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn ee dadka waddanka u soo guurey.
Sidoo kale boggagan soo socda ayaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn:
Dugsiga hoose/dhexe iyo dugsiga sare ee dadka waaweyn ee waddanka u soo guurey
Aikuiskoulutusopas 2009
Opintoluotsi
Yliopistojen täydennyskoulutus
Helsingin yliopisto - maahanmuuttajayksikkö
Koulutus- ja kehittämiskeskus Palmenia
Avoin yliopisto
Avoin ammattikorkeakoulutus
Kesäyliopistot
Kansanopistot
Kansalais-ja työväenopistot
Amiedu
Adulta
Edupoli
Turun ammatti-instituutti
Adeegga raadinta ee waxbarashada nolosha shaqada iyo koorsooyinka