Perusopetus
"Haddii aad rabto inaad ogaato xaqiiqda kama dambaysta ah, alifbeetada ka soo bilow."
(maahmaah Jabaanays ah)
Waxbarashada hore
Waxbarashara hore (esiopetus) waa hal sano. Waxay bilaabantaa markuu ilmuhu 6 sano jirsado. Waxbarashada hore waxaa suuragal ah inuu ilmuhu ku qaato xannaanada, laakiin dugsiyada hoose/dhexena waa lagu dhigaa. Waxbarashada hore waa lacag la'aan.
Waxbarashada aasaasiga ah
Carruurta sida joogtada ah Finland u deggan, waxbarashadu waajib ayey ku tahay. Waxbarashadu waxay ilmaha waajib ku noqonaysaa laga bilaabo sannadka ay toddoba sano u buuxsamayso waxayna ku eg tahay, markuu ilmuhu dhammaysto waxbarashada aasaasiga ah (perusopetus) ama markay waajibaadka waxbarashada ka soo wareegtey 10 sannadood. Fasallada 1-6 waa dugsiga hoose, fasallada 7-9 waa dugsiga dhexe. Waxbarashada aasaasiga ah waa lacag la’aan.
Degmooyinka halka luuqad keliya leh waxbarashada aasaasiga ah waxaa la qabanqaabiyaa iyadoo ah ugu yaraan luuqadda rasmiga ah ee degmadu leedahay, degmooyinka labada luuqadood leh iyadoo ah af Finnish iyo af Iswiidhish.
Haddii aad rabtid inaad dhigatid waxbarashada lagu qaato shahaadada dugsiga hoose/dhexe, dadka waaweyn xitaa waa u suuragal. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa dugsiyada sare ee dadka waaweyn.
thisisFinland waxaa ku qoran warar af Ingiriis ah oo ku saabsan iskuullada caalamiga ah ee Finland ku yaalla.
Wikipedia waxaa ku jira warar af Finnish ah oo ku saabsan dugsiga hoose/dhexe.
Waxbarashada ah u diyaarinta waxbarashada aasaasiga
Waxbarashada ah u diyaarinta waxbarashada aasaasiga ah waxaa loogu talagalay ardayga asalkiisu yahay dadka waddanka u soo guurey, ee ah arday aqoontiisa luuqadda Finnishku ama luuqadda Iswiidhishku aanay weli ku filnayn inuu waxbarashada ku qaato fasalka caadiga ah. Waxbarashada diyaarinta ah waxay qaadataa hal sannad-dugsiyeed. Inta wakhtigaas lagu jiro ardayga waxaa la siiyaa ah luuqadda Finnishka ama luuqadda Iswiidhishka iyo waxbarasho ah maadooyinka waxbarashada aasaasiga ah. Waxbarashada diyaarinta ah ka dib ardaygu wuxuu waxbarashadiisa ku sii wataa fasalka caadiga ah.
Waxbarashada diyaarinta ah qorsheheeda waxbaridda waxyaabaha salka u ah oo af Finnish ah (2009) (100 kb, pdf)
Waxbarashada luuqadda Finnishka ama luuqadda Iswiidhishka oo ah luuqad labaad
Waxbarashada aasaasiga ah ardaygu wuxuu luuqad labaad ahaan u bartaa luuqadda Finnishka ama luuqadda Iswiidhishka, haddii ardayga aqoontiisa af Finnishku ama Iswiidhishku aanay ahayn heer u dhiganta heerka luuqadda hooyo. Waxbarashada waxaa sida caadiga ah la dhigaa iyadoo gaar ah oo ah waxbarashada luuqadda labaad oo ah Finnish ama Iswiidhish ama iyadoo ah waxbarashada luuqadda Finnishka oo ah luuqadda hooyo.
Haddafka laga leeyahay waxbarashada luuqadda Finnishka ama luuqadda Iswiidhishka oo ah luuqad labaad, waa in ardaygu gaaro heerka aqoonta luuqadda oo aasaasiga ah, oo ku filan inuu wax ku qabsado ama wax ku barto af Finnish ama af Iswiidhish.
Suomen sanoin – monin tavoin ee Guddiga waxbarashada. Qoraalka soo bandhigaha ah ee Af Finnishka oo luuqad labaad ah ee waxbarashada aasaasiga ah (Suomi toisena kielenä perusopetuksessa –esite) (2008) (3,3 Mb, pdf)
Tilmaansiiyaha waxbarashada luuqadda hooyo (Oman äidinkielen opetus)
Sida fiican ee loo yaqaan luuqadda hooyo waxay taageertaa barashada luuqadaha kale iyo maadooyinka kale. Dadka waddanka u soo guurey luuqadooda hooyo waxbarashadeedu waa waxbarasho sii buuxisa waxbarashada aasaasiga ah oo khasab ma aha.
Warar ku saabsan siday macno u leedahay luuqadda hooyo ee dadka waddanka u soo guuray waxbarashadeedu, waxaa laga helaa boggaga Edu.fi, waana af Carabi, af Albaaniyaan, af Ingiriis, af Kurdi, af Iswiidhish, af Soomaali, af Ruush, af Fiitnaam iyo af Istooniyaan.
Oma kieli – oma mieli ee Guddiga waxbarashada. Tilmaansiiye la xiriira taageeridda barashada luuqadda hooyo (Opas oman äidinkielen oppimisen tukemiseen) (2009) (3,3 Mb, pdf)
Waxbarashada dheeraadka ah "fasalka tobnaad"
Waxbarashada dheeraadka oo uu qofku ikhtiyaarka u leeyahay waa hal sano oo dugsiga hoose/dhexe ka dib ah. Ujeeddaduna waa in la kordhisto oo kor loo qaado fursadda mustaqbalka.
Yaa talo laga helaa?
Iskuullada waxaa jooga shaqaale waxbarashada ah (opinto-ohjaaja), kuwaas oo aad ka heleyso waxyaabaha ku saabsan waxbarashada iskuulkaaga. Waxay kaloo ku siinayaan wararka ku saabsan goobaha kale ee waxbarashada iyo iyo sida loo dalbado.
Bogga Opintoluotsi waxaad ka raadsan kartaa meelaha aad ka heli karto talooyin waxbarashada ku saabsan, iyadoo la eegayo xaaladda nolosha ee aad ku jirto. Xitaa si toos ah ayaad wararka uga raadsan kartaa goobta waxbarashada.
Boggaga Moped ee Guddiga waxbarashada iyo magaalada Turku waxaa laga helaa warar ku saabsan nolosha caadiga ah ee iskuulka ka jirta iyo foomam badan oo maamulidda ah oo iskuullada looga baahan yahay, oo luuqado kala duduwan ku qoran.