Opiskelu Suomessa
Sharciga joogidda waddanka ee ardayda
Dadka ajnebiga ahi wax way ka badan karaan goobaha waxbarashada ee Finland. Wakhtiga waxbarshada waxay u baahan yihiin sharciga joogidda waddanka. Waa inaad sharci dalbataa, haddii waxbarashadaadu qaadanayso in saddex bilood ka badan.
Sharciga ugu horeeya ee joogidda waddanka ee aad Finland ku imaanayso waxaad ka dalbanaysaa safaaradda ama wakiilka Finland ay ku leedahay waddankaaga. Boggaga Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka (Maahanmuuttovirasto) ayaad ka heleysaa warar ku saabsan dalbashada iyo warqadaha aad codsiga dartiis u baahan tahay. Cusboonaysiinta sharciga waxaa laga dalbadaa booliska degmadaada.
Dadka leh dhalashada waddamada Ururka Midowga Yurub iyo muwaadiniinta Switzerland iyo Liechtenstein uma baahna sharciga joogidda waddanka. Hase ahaatee waa inay xuquuqdooda joogitaanka waddanka ka diwaangeliyaan saldhigga booliska, haddii muddada ay waddanka joogayaan saddex bilood ka badan tahay.
Muwaadiniinta Wadamada Waqooyiga (Iswidhan, Norway, Denmark iyo Iceland) uma baahna ogolaanshaha joogitaanka. Waa inay iska diiwaangeliyaan xafiiska diiwaangelinta ee degmadooda haddii joogitaanku qaadanayo wax ka badan lix bilood.
Hase ahaatee waxbarasho nooc walba ahi xaq kuuma siinayso sharciga. Sida caadiga ah waxbarashadu waa inay ahaataa mid xirfad lagu baranayo ama shahaado jaamacadeed lagu qaadanayo. Boggaga Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka ayaad ka heleysaa warar ku saabsan nooca waxbarashada ee aad ku heli karto sharciga joogidda waddanka.
Boggaga Xafiiska Hijrada Finnishka ayaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida laysugu ogolaado sharciga joogidda waddanka ee ardayda. Wararku waxay ku qoran yihiin af Finnish, af Iswiidhish, af Ingiriis, af Faransiis iyo af Ruush.
Dhaqaalaha lagu noolaanayo Finland gudeheeda
Sida caadiga ah markaad sharciga dalbanayso waa inaad soo caddaysaa sidii aad u maalgelin lahayd noloshaada, muddada aad waxbaranayso. Tusaale ahaan waa, inaad bangiga lacag dhigataa. Faah-faahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa boggaga Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka meeshiisa ”toimeentuloedellytys”.
Haddi ujeeddada uu qofku Finland u yimi tahay waxbarasho, looma arko inuu yahay mid si joogto ah Finland u deggan. Sidaa darteed xaq uma yeelanayo daryeelka arrimaha bulshada ee Hay’adda Hawlgabka Qaranku (Kela) bixiso. Faah-faahin dheeraad ah oo ku qoran af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis waxaad ka heleysaa boggaga Hay’adda Hawlgabka Qaranka (Kela).
Shaqaysashada adigoo arday ah
Haddii aad rabto muddada aad ardayga tahay waad shaqaysan kartaa, waase la xaddiday. Faah-faahin dheeraad ah boggaga Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka meesha (Wakhtiga waxbarashada ma la shaqayn karaa) ”Voiko opiskeluaikana tehdä työtä”.
Faah-faahin dheeraad ah
Bangiga wararka boggiisa Waxbarasahda–sivut waxaa ku qoran warar ku saabsan waxyaabo ay ka mid yihiin nidaamka waxbarasahda ee Finland iyo noocyada kala duduwan ee fursadaha waxbarashada.
Faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan sharciga joogidda waddanka ee ardayga ee Finland oo ku qoran luuqadahan soo socda:
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis
Khadka caawinta Adeegga Hijrada Finnishka waxay telefoonada ka jawaabaan Talaado, Arbaco iyo Khamiis 10.00-11.00, waxay ka jawaabaan su’aalo ku saabsan dalbashada fasaxa deganaanshada ee ardayda iyo cilmi-baareyaasha, ka wac 071 873 3720.