Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Waayeellada

Vanhukset

"Haddii aad rabto inaad horumar samayso,saddex qof oo waaweyn la tasho."
(Maahmaah Shiinays ah)

Adeegyada waayeelka

Qofka waayeelka ah marka caafimaadkiisa iyo awoodiisa waxqabsigu hoos u dhacdo, wuxuu heli karaa adeegyo badan oo xagga caafimaadka iyo arrimaha bulshada ah. Adeegyada iyo taageerooyinka waxaa ka mid ah. taageerada ijaarka ee dadka hawlgabka qaata (eläkkeensaajan asumistuki), taageerada daryeelka ee dadka hawlgabka qaata (eläkkeensaajan hoitotuki), adeegga guriga (kotipalvelu), guri ku daryeelka bukaanka (kotisairaanhoito), adeegga cunto siinta (ateriapalvelu), u qubeyn (kylvetys), adeegga gaadiidka(kuljetuspalvelu) iyo hawsha wax ka beddelidda guriga (asunnon muutostyöt). Taageerooyinka qaarkood helidoodu waxay ku xiran tahay muddada uu qofka waayeelka ahi Finland deggenaa. Haddii qofka waayeelka ahi aanu awoodin inuu gurigiisa deggenaado, waxaa jira guryaha waayeelka oo ay degmadu leedahay iyo kuwo barayfit ah. Sidoo kale adeegga degenaanshahu wuxuu noqon karaa fursad wanaagsan. Tusaale ahaan faahfaahin dheeraad ah oo adeegyada waayeelka loogu talagalay ee xaafadaada waxaad ka heleysaa xafiiska arrimaha bulshada.

Adeegyada waa bixiyo ururo badan oo shacabka ah iyo jaalliyado, tusaale ahaan Xarunta dhexe ee Alzheimer (Alzheimer-keskusliitto), Ururka hawlgabka (Eläkeliitto), Xarunta dhexe ee hawlaha waayeelka (Vanhustyön keskusliitto) iyo ururada diimaha.

Waxaa jira ururo bixiya qof taageere ah. Qofka taageeraha ah waa qof saaxiib ah oo iskiis u ogolaaday, kaasoo qofka saaxiibka u baahan ama qofka sidiisa kale kelida u ah ku soo booqda meeshuu deggan yahay. Fiiri tusaale ahaan Ururka Laanqayrta Cas ee Finland qaybtiisa waxqabadka saaxiibada.

Sidoo kale kaniisadda evankelis-luteriyaanka ee Finland waxay waayeelka u qabanqaabisaa waxqabadyo. Faahfaahin dheeraad ah weydii lähimmästä kaniisadda kuugu dhow beesheeda diinta (seurakunta).

Guriga ma ku haysaa qof waayeel ah oo ehelkaaga ah?Hayntiisu ma tahay mid ku xanibaysa oo shaqo culus ah? Bangiga wararka boggisa Kaalmada haynta ehelka ayaad ka heleysaa warar ku anfacayaoo ku saabsan kaalmada daryeelka ehelka iyo meelo kugu xirayaba.

Miyaad ka welwelsan tahay xusuustaada? Tilmaanbixiyaha la yiraahdo "Katoavatko sanat -opas"  (=Tilmaanbixiyaha Erayadu Ma Kaa Lumaan) waxaad heleysaa isagoo luuqadahan ah:

Finnish
Ruush

Tilmaanbixiyaha waxaa ku qoran warar ku saabsan adeegyo badan oo waayeelka loogu talagalay.

Hawlgabka waayeelka

Dadka Finland soo deggenaa muddo dheer oo ah intii looga baahnaa, waxay hawlgabka helaan ugu dambayn markay da’ ahaan u buuxsanto 65 sano. Muddada uu qofku Finland deggenaa waxay sidoo kale saamayn ku yeelanaysaa caddadka lacagta hawlgabka intay noqonayso. Taas macneheedu waa qof walba oo waddanka u soo guurey xaq uma laha hawlgabka waayeelka. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa boggaga Kela-da  af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Faahfaahin dheeraad ah oo hawlgabka ku saabsan waxaad ka heleysaa bogga badbaadada hawlgabka ee Bangiga wararka.