Työ Vantaalla
Shaqada Vantaa dhexdeeda
Bangiga wararka boggiisa Shaqada waxaa ku qoran warar guud oo ku saabsan sida shaqo loo raadsado , qofka shaqaalaha ah xuquuqda uu leeyahay iyo waajibaadka saaran, badbaadada shaqo la’aanta iyo sida Finland looga furto ganacsi ama shirkad.
Bangiga wararka qaybtiisa deegaanka magaalomadaxda boggiisa Shaqada waxaa ku qoran warar ku saabsan shaqada deegaanka magaalomadaxda.
Xafiisyada shaqada iyo xoogsashada ee Vantaa gudeheeda ku yaalla (Vantaan työ- ja elinkeinotoimistot)
Tikkurila
Vernissakatu 8 A
01300 Vantaa
Tel. 010 19 4108 iyo 010 60 40108
Faksi 010 60 71539
vantaa.tikkurila(at)mol.fi
marka shakhsi ahaan loo tegayo oo dano laga soo dhammaysanayo Isniin-Jimce saacadaha 9-15.45
Myyrmäki
Vaskivuorentie 25
01600 Vantaa
Tel. 010 19 4110 iyo 010 60 40110
Faksi 010 60 71801
vantaa.myyrmaki(at)mol.fi
marka shakhsi ahaan loo tegayo oo dano laga soo dhammaysanayo Isniin-Jimce saacadaha 9-15.45
Fahfaahin dheeraad ah oo af Finnish iyo af Iswiidhish ah oo ku saabsan xafiisyada shaqada iyo xoogsashada ee Vantaa waxaad ka heleysaa bogga shebekadda internetka ee Xafiiska shaqada iyo xoogsashada (Työ- ja elinkeinotoimisto).
Naadiga shaqo raadinta ee dadka waddanka u soo guurey
Naadiga (Klubi) waxaa loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey ee u baahan in lagala taliyo oo loo tilmaamo siday iskood ugu raadsan lahaayeen shaqo. Naadigu wuxuu u shaqeeya nidaam ah inuu iska socdo. Qofku markuu tilmaamid iyo talo u baahdo ayuu naadiga imaan karaa, kulamadana wuxuu ka qaybqaadan karaa ilaa intuu u arko inuu u baahan yahay. Hore la isuma soo qoro. Naadiga waxaa lagu kulmaa Arbaco walba saacadaha 12-14.
Naadiga shaqo raadinta ee dadka waddanka u soo guurey (Maahanmuuttajien työnhakuklubi)
Xarunta shaqada iyo xoogsashada ee Vantaa (Vantaan työ- ja elinkeinokeskus)
Xarunta shaqo raadinta ee Tikkurila (Tikkurilan työnhakukeskus)
Vernissakatu 8 A, dabaqa 1aad
01300 Vantaa
Telefoon 010 19 4458
Faksi 010 60 71671
E-Mail: vantaa.tyonhakukeskus(at)mol.fi
Waxay furan tahay Isniin-Jimce saacadaha 9-15.45
Hawlwadeenka xafiiska shaqada (Työvoimaohjaaja)
Tel. 010 6071 532
Tababarayaasha shaqada (Työvalmentajat)
Tel. 040 5467 961
Tel. 040 8342 866
U shaqaynta magaalada Vantaa?
Dhammaan boosaska shaqada ee ka bannaan ha’adaha magaalada oo dhan waxaa iyagoo la siu soo ururiyey ay ku qoran yihiin oo laga helaa boggaga shaqada, waxayna ku qoran yihiin af Finnish iyo af Iswiidhish.
Shaqooyin ku meelgaar ah oo laga helo magaalada Vantaa?
Wararka ku saabsan shaqooyinka ku meelgaarka ah ee magaalada Vantaa bixiso waxaad ka heleysaa boggaga shebekadda internetka ee Shirkadda adeegga shaqaalaynta dadka ee Seure (Seure-henkilöstöpalveluyhtiö).
Ganacsi ama shirkad ka furasho Vantaa?
Xarunta adeega shirkadaha ganacsiga ee Leija (Leija-yrityspalvelukeskus)
Xarunta adeega shirkadaha ganacsiga ee Leija waxaa la isugu soo ururiyey dhammaan qolyaha bixiya adeegyada shirkadaha ganacsiga loogu talagalay oo dhan. Leija waxaa laga helaa adeegyada talooyinka ah ee ay bixiyaan dowladda, ururada shirkadaha ganacsiga iyo Xarunta Ganacsiga Cusub ee Vantaa (Vantaan uusyrityskeskus).
Xarunta adeega shirkadaha ganacsiga ee Leija (waxay ku taallaa Aviapolis, Pakkala)
Elannontie 3
01510 Vantaa
Tel. (09) 8392 2728
vantaanleija(at)vantaa.fi
Faahfaain dheeraad ah oo ku saabsan Xarunta adeega shirkadaha ganacsiga ee Leija oo ah af Finnish.
Ururka Xarunta Ganacsiga Cusub ee Vantaa (Vantaan Uusyrityskeskus ry)
Ururka Xarunta Ganacsiga Cusub ee Vantaa dadka raba inay ganacsi samaynstaan ayuu ka caawiyaa siday fursadahooda si dhab ah ugu arki lahaayeen iyo siday ugu sii hormarin lahaayeen fikradooda ganacsiga siday u noqon lahayd mid faa’iido soo saarta. Xarunta Ganacsiga Cusub talooyinka ay bixiso oo dhan waa lacag la’aan.
Ururka Xarunta Ganacsiga Cusub ee Vantaa
Elannontie 3
01510 Vantaa
Faahfaahin dheeraada oo ah meelaha lagala xiriiro Ururka Xarunta Ganacsiga Cusub ee Vantaa af Finnish.
Qofka waddanka u soo guurey ee reer Vantaa ah ee raba inuu ganacsade noqdo wuxuu kaloo caawimo ka heli karaa goobta Adeegyada ganacsiga ee Shirkadda Helsinki (YritysHelsinki) ee loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey ee deegaanka magaalomadaxda deggan waxay dadka waddanka u soo guurey.
Shirkad Helsinki wexey u qeybisaa eyna siisaa caawinaad iyo talo bixin dadka deegaanka magaalo madaxda degan qaxootigooda wexey lee yihiin xafiis ka dhaxeyso ayaka oo ku taal eeriyada magaalo madaxda, ama su`aal kasto ku saabsan ganacsi ka jawaabeyso.
Warbixin Shirkad helsinki af Finnish, af Iswiidhish, af Ingiriis, af Istoniya, af Ruush iyo af Carabi .
Kii inuu gan ganacsi sameeyo doonaayo wuxuu ka heli karaa warbixin eeriyada magaalo madaxda xagga bogga shaqada Sida ganacsi ama shirkad looga furto deegaanka magaalomadaxda.