Työ Oulussa
Shaqada
Bangiga wararka boggiisa Shaqada waxaa ku qoran warar guud oo ku saabsan sida shaqo loo raadsado, qofka shaqaalaha ah xuquuqda uu leeyahay iyo waajibaadka saaran, badbaadada shaqo la’aanta iyo sida Finland looga furto ganacsi ama shirkad.
Wararka ku saabsan nolosha shaqada ee reer Oulu waxaad ka heleysaa magaalada Oulu boggageeda (af Ingiriis).
Xafiiska shaqada iyo xoogsashada ee Oulu
Xafiiska shaqada iyo xoogsashada ee Oulu ayaa iska diwaangelin kartaa inaad shaqoraadis tahay, halkaas ayaadna ka heli kartaa wararka ku saabsan shaqooyinka bannaan.
Xafiisku wuxuu ku yaallaa cinwaanka: Torikatu 34 – 40, 90100 Oulu. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa Xafiiska shaqada iyo xoogsashada ee Oulu boggiisa internetka af Finnish.
Khadad la xiriira shaqoraadinta:
Shaqooyinka bannaan ee loo soo sheegay xafiiska shaqada iyo xoogsashada af Finnish iyo af Iswiidhish.
Shaqooyinka ka bannaan magaalada Oulu af Finnish.
Qoraal Oulu ka sheekaynaya oo la yiraahdo A starter kit for newcomers to Oulu-esite af Ingiriis, PDF
Bogga Oulugogo.fi oo horumariya shaqo barbarashada caalamiga ah af Finnish iyo af Ingiriis.
Ganacsi ku yeelashada Oulu
Warar ku saabsan sida ganacsi looga furto deegaanka Oulu, waxaa laga helaa Adeegga shirkadaha ganacsiga ee deegaanka Oulu (Oulun seudun yrityspalvelut) af Finnish iyo af Ingiriis.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Oulu siday tahay, iyadoo ah goob shirkado ganacsi ku yaallaan, waxaad ka heleysaa magaalada Oulu boggageeda internetka af Ingiriis.
Dhallinyarada fursadahooda shaqo
Shaqoraadinta waxaad ka bilaabi kartaa xafiiska shaqada iyo xoogsashada (kor ka fiiri) iyo Dhallinyarada xaruntooda la talinta iyo wararka ee Nappi (Nuorten tieto- ja neuvontakeskus Nappi) (fiiri bogga Ku soo dhawow Oulu).
Goobaha shaqada ee dhallinyarada
Goobaha shaqada ee dhallinyaradu waxay fursado kala duwan oo shaqo iyo shaqo barbarasho siiyaan dhallinyarada reer Oulu ah ee da’doodu tahay 17 – 24 sano. Goobaha shaqada (Työpajat) ujeedadoodu waa, in dhallinyarada la caawiyo siday ugu gudbi lahaayeen nooca shaqada ee ay rabaan, iyo in kor loo sii qaado shaqaaloobidda iyo inay u fududaato siday waxbarashooyin u raadsan lahaayeen. Goobaha shaqada waxaa loogu talagalay dhallinyarada aan lahayn waxbarasho xirfadeed, ama dhallinyarada leh waxbarasho xirfadeed, laakiin aan lahayn waayo aragnimo shaqo.
Magaalada Oulu goobeheeda shaqada ee dhallinyarada waxqabadyadoodu boggaga internetka ee ay leeyihii af Finnish, af Ingiriis iyo af Ruush.
Khadadka kale ee gaar ahaan dhallinyarada loogu talagalay
Immigrant NettiNappi
www.oulu.com/youth/work.htm
Canshuuraha
Waddanka Finland dakhli walba oo qofka soo gala waxaa laga bixiyaa canshuur, waxaana loo baahan yahay kaarka canshuurta (verokortti). Xafiiska canshuuraha ee Oulu wuxuu ku yaallaa isla dhismaha uu ku yaallo xafiiska shaqada iyo xoogsashada ee Oulu, cinwaankuna waa:
Torikatu 34 B
90101 Oulu
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nidaamka canshuuraha ee Finland waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Canshuuraha.