Työ Kauniaisissa
Shaqada Kauniainen gudeheeda
Wararka la xiriira shaqada waxaad ka heleysaa deegaanka magaalomadaxda boggiisa Shaqada iyo bogga Shaqada Espoo gudeheeda (dadka Kauniainen deggan waxaa qaabilsan oo ay danahooda ka soo dhammaystaan xafiiska shaqada iyo xoogsashada ee Espoo, waxayna isticimaalaa isla adeegyada ay dadka reer Espoo isticimaalaan ee ku saabsan sida shirkad ama ganacsi loo samaysto).
U shaqaynta magaalada Kauniainen?
Magaalada Kauniainen waxaa u shaqeeyo in ku dhow 700 oo qof. Dhammaan boosaska shaqada ee ee bannaan ee ah shaqooyinka joogta ah iyo shaqooyinka ku simidda ah ee ugu yaraan 4 bilood soconaya ee magaalada Kauniainen waxaa laga helaa boggaga Shaqooyinka bannaan. Boosaska shaqooyinka ee bannaan oo ku qoran af Finnish iyo af Iswiidhish waxaa loo soo gudbiyaa oo loo soo sheegaa xafiiska shaqada iyo xoogsashada adeegyadiisa shaqo raadinta.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan shaqooyinka magaalada iyo xirfadaha shaqada iyo weliba magaaladu shaqabixiye ahaan sida tahay waxaad ka heleysaa boggaga shebekadda internetka ee magaalada Kauniainen, faahfaahimahaasi waxay ku qoran yihiin af Finnish iyo
af Iswiidhish.