Terveys Kauniaisissa
Daryeelka caafimaadka ee Kauniainen gudeheeda
Bangiga wararka boggiisa Caafimaadka ayaad ka heleysaa wararka ku saabsan daryeelka caafimaadka ee Finland.
Deegaanka magaalomadaxda boggiisa Caafimaadka waxaa ku qoran warar ku saabsan daryeelka caafimaadka ee deegaanka magaalomadaxda.
Adeegga talosiinta daryeelka caafimaadka (Terveysneuvontapalvelu) (09) 10023 waxaad wici kartaa, mar walba oo aad u baahan tahay warar ku saabsan daryeelka caafimaadka ama haddii aad u baahato tilmaamo ku saabsan sida jirrada loo daaweeyo.
Rugta daryeelka caafimaadka
Kauniainen gudeheeda adeegyada daryeelka caafimaadka waxaa laga helaa rugta daryeelka caafimaadka. Rugta daryeelka caafimaadka waxaa jooga oo dadka qaabila dhakhtar, kalkaaliyaha daryeelka bukaanka iyo kalkaaliyaha daryeelka caafimaadka. Rugta daryeelka caafimaadku waxay furan tahay maalmaha shaqada saacadaha u dhexeeya 8.00-16.00.
Rugta daryeelka caafimaadka ee Kauniainen (Kauniaisten terveysasema)
Asematie 19
02700 Kauniainen
Tel. (09) 505 6600
Faksi (09) 505 6363
Boggaga shebekadda internetka ee magaalada waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis ah oo ku saabsan rugta daryeelka caafimaadka ee Kauniainen.
Heeganka
Rugta daryeelka caafimaadku way xiran tahay habeenkii iyo Sabtiyada iyo Axadaha. Wakhtiyadaas jirrooyinka degdegga ah iyo haddii shil yimaado waxaa la tagaa heeganka Isbitaalka Puolarmetsä iyo Isbitaalka Jorvi ee Espoo ku yaalla. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heeganka oo ku qoran af Finnish iyo af Iswiidhish waxaad ka heleysaa boggaga shebekadda internetka ee magaalada Kauniainen. Meelaha lagala xiriiro oo ku qoran af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis waxaad ka heleysaa boggaga internetka ee magaalada Espoo. Heeganka jirrooyinka carruurta ee Kauniainen wuxuu ku yaallaa isla meelaha uu ku yaallo heeganka dadka waaweyn.
Waxaad kaloo fiirisaa Bangiga wararka boggiisa Xaaladaha khatarta leh.
Daryeelka caafimaadka ee qofka ajnebiga ah ee si ku meelgaar ah u jooga Kauniainen
Wararka ku saabsan Kauniainen gudeheeda kharashka daryeelka caafimaadka ee aan degdegga ahayn waxaa laga helaa rugta daryeelka caafimaadka.
Tel. (09) 5056 600 saacadda 12 – 15
Daryeelka caafimaadka carruurta
Arrimaha daryeelka caafimaadka carruurta waxaa kaa caawinaya kalkaaliyaha daryeelka caafimaadka iyo dhakhtarka ee rugta daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka (neuvola), iyaga ayaadna weydiin kartaa wixii talo ah. Rugaha daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka (Neuvolat) ayaa qoysaska carruurta leh ka taageera waalidnimada iyo barbaarinta carruurta, waxayna qoysaska siiyaan daryeel iyo baaritaan taageeraya horumarka koriinka ee ilmaha.
Rugta daryeelka hooyanimada iyo ka hortagga uurka (Äitiys- ja ehkäisyneuvola)
Isniin-Jimce saacadda 12-13
Tel. (09) 5056 354
Rugta daryeelka carruurta (Lastenneuvola)
Isniin-Jimce saacadda 12-13
Tel. (09) 5056 357 ja 5056358
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan adeegyada daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee magaalada Kauniainen oo ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Markuu ilmuhu jirrado
Markuu ilmuhu kaa jirrado, waxaad la xiriirtaa rugta daryeelka caafimaadka ee Kauniainen ama waxaad wacdaa lambarka (09) 10023 la talinta daryeelka caafimaadka, oo laga jawaabo maalin walba 24 saac. Wakhtiyada aanay shaqadu jirin waxaad sidoo kale wici kartaa heeganka Isbitaalka Jorvi, tel. (09) 4718 3300. Waxaa laguugu adeegayaa af Finnish, af Iswiidhish iyo inta badan af Ingiriis.
Daryeelka caafimaadka ee iskuulka
Boggaga shebekadda internetka ee magaalada waxaa ku qoran warar
af Finnish iyo af Iswiidhish ah oo ku saabsan daryeelka caafimaadka ee iskuulleyda iyo ardayda ee Kauniainen gudeheeda.
Uurka
Adeegyada daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee Kauniainen waxaa laga helaa rugta daryeelka caafimaadka. Halkaas baana laga helaa wararka ku saabsan tegidda rugta daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka (neuvola), heerarka kala duwan ee uurka, tababarka qoyska (perhevalmennus) iyo ummulidda.
Tel. (09) 505 6357 (rugta daryeelka caafimaadka lastenneuvola) ama (09) 5056354 ( rugta daryeelka hooyanimada iyo ka hortagga äitiys- ja ehkäisyneuvola).
Dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda
Bangiga wararka qaybtiisa deegaanka magaalomadaxda boggiisa Adeegyada dhibaatooyinka degdegga ah waxa ku qoran warar ku saabsan adeegyada dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda ee deegaanka magaalomadaxda.
Qofka ay hayaan dhibaatooyin caafimaadka maskaxda ah wuxuu u tegi karaa rugta daryeelka caafimaadka. Dahkhaatiirta rugta daryeelka caafimaadka ayaa haddii loo baahdo dadka macaamiisha ah u gudbiya adeegyada daryeelka caafimaadka maskaxda ama daryeelka saykaateriga.
Rugta daryeelka caafimaadka ee Kauniainen af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Rugta daryeelka caafimaadka waxaa ka shaqeeya cilminafsiyaqaan (psykologi) ay dadka macaamiisha ah toos ula soo xiriiri karaan. Cilminafsiyaqaanku wuxuu kaa caawinayaa sidii loo ogaan lahaa dhibaatooyinku waxay yihiin , wuxuu ku siinayaa terabi dhebaatada degdegga ah iyo terabi wadahadallo ah. Kalkaaliyaha niyadjabka waxaa dadka u soo gudbiya dhakhtar .
Cilminafsiyaqaan (Psykologi)
Eva-Kristina Kemppainen
Saacadda 11-11.30
Tel. (09) 5056 356
Faahfaahin dheeraad ah oo ku qoran af Finnish iyo af Iswiidhish oo ku saabsan adeegyada daryeelka caafimaadka maskaxda waxaad ka heleysaa boggaga shebekadda internetka ee magaalada Kauniainen.
Dhibaatada jirta caawimadeeda degdegga ah
Dhibaatada jirta caawimadeeda degdegga ah waxaa laga helaa qaybta heeganka ee dhibaatooyinka iyo arrimaha bulshada ee Espoo, afar iyo labaatanka saacna waa heegan.
Tel. (09) 8164 2439.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan adeegyada degdegga ah ee dhibaatooyinka ee Kauniainen oo ku qoran af Finnish iyo af Iswiidhish.
Adeegyada daryeelka caafimaadka maskaxada ee carruurta iyo qoysaska carruurta leh
Qoysaska carruurta leh iyagoon dhakhtar u soo gudbin bay toos ula xiriiri karaan rugta daryeelka caafimaadka qoysaska (perheneuvola). Luuqadaha dadka loogu adeegaa waa af Finnish, af Iwiidhish iyo af Ingiriis. Meelaha lagala xiriiro rugta daryeelka caafimaadka qoysaska oo ku qoran af Finnish iyo af Iwiidhish.
Daryeelka ilkaha
Adeegyada la xiriira daryeelka ilkaha waxaa laga helaa rugta daryeelka ilkaha ee xarunta daryeelka caafimaadka ee Kauniainen (Kauniaisten terveyskeskuksen hammashoitola).
Ballan ka qabsashada, Isniin-Jimce saacadda 8-15
Tel. (09) 505 6379
Sabtiyada iyo Axadaha iyo maalmaha fasaxa ah dadka Kauniainen deggan oo dhan heegankoodu waa rugta daryeelka ilkaha ee Puolarmetsä (Puolarmetsän hammashoitola). Faahfaahin dheeraad ah oo af Finnish iyo af Iswiidhish ah.
Sekshiwaalka
Rugta kala talinta arrimaha ka hortagga uurka ee rugta daryeelka caafimaadka ee Kauniainen (Kauniaisten terveysaseman ehkäisyneuvonta) ayaa laga helaa caawiyoonka ku saabsan arrimaha ka hortagga uurka iyo qorshaynta qoyska. Faahfaahin dheeraad ah oo af Finnish iyo af Iswiidhish.
Bangiga wararka boggiisa Sekshiwaalka waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrimaha la xiriira sekshiwaalka.
Adeegyada cudurada dumarka
Cilladaha la xiriira cudurada dumarka dartood waxaa lala xiriiraa rugta caafimaadka, dhakhtar cudurada guud ku takhasusay ayaana baaritaan ku sameeya qofka bukaanka ah . Hase yeeshee xarumaha caafimaadka kama shaqeeyaan dhakhaatiir si gaar ah ugu takhasustay cudurada dumarka.
Cudurada ku dhaca xubnaha taranka
Cilladaha dumarka iyo cilladaha unugyada kaadimareenka dartood waxaa loola xiriiraa xarunta daryeelka caafimaadka ee Kauniainen. Dadka Kauniainen deggan xitaa iyadoon loo gudbin bay toos u tegi karaan Bolikiliniga cudurada xubnaha taranka ee Helsinki.