Tervetuloa Ouluun!
Ku soo dhawow Oulu!
Warar ku saabsan Oulu
Magaalada Oulu waxay ku taallaa xeebta Gacanka Pohja (Pohjanlahti), waxayna Helsinki u jirtaa qiyaastii 600 oo kilomitir oo waxay ka xigtaa dhinaca waqooyiga. Oulu waa xarunta Waqooyiga Finland, waana magaalada lixaad ee Finland ugu weyn. Deegaanka Oulu waxaa ku nool in ka badan 200 000 oo qof, waana Finland deegaanka magaalo ee sida ugu dhakhsaha badan u kordhaya.
Oulu waxaa lagu yaqaan oo ay caan ku tahay, in dadkeedu yihiin dad leh awood wadashaqayn iyo aqoon, firfircooni horumar leh, adeegyo tayo sare leh iyo iyadoo leh shaqooyin iyo habab nolosha lagula soo baxo oo noocyo badan leh. Oulu Finland iyo adduunkaba waxaa looga yaqaan inay tahay magaalo farsamada sare ku horumartay.
Oulu waxay leedahay taariikh dheer oo ah inay tahay deegaan caalami ah. Magaaladu muddo boqolaal sano ah ayey badmareenimada iyo ganacsiga dartiis xiriir caalami ah la lahayd adduunka kale. Dadka ajnebiga ah ee Oulu jooga tiradoodu si siman ayey u korodhaa marba marka ka dambaysa. Sannadkii 2009 dadka dhalashada ajnebiga ah leh ee Oulu ku noolaa tiradoodu waxay ahayd qiyaas ahaan 3000 oo qof oo ka kala yimi 114 waddan oo kala duwan.
Oulu waxaa yimaada gaadiidyo isku xiridda ah oo kala duduwan oo dhakhso ah, fiicanna, magaaladana ka soo gala dhinac walba. Oulu waxaa ku yaalla garoon diyaaradaha oo caalami ah, maalin walbana garoonka qiyaastii 15 mar ayaa looga duulaa Helsinki. Deegaanka wadooyinkiisa waaweyn oo dhan waxay tagaan Oulu. Saldhigga tareemada ee magaaladuna wuxuu ka mid yahay kuwa loogu isticimaal badan yahay Finland.
Warar aasaasi ah oo ku saabsan Oulu waxaad iyagoo ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis ka heleysaa bogga internetka ee magaalada Oulu.
Sawirro Oulu ah waxaad ka heleysaa af Finnish iyo af Ingiriis.
Qofka Oulu u soo guuraya
Bangiga wararka (Infopankki) boggiisa Ku soo dhowow Finland ayaad ka heleysaa warar ku saabsan waxyaabaha guud ee qofka Finland u soo guuraya looga baahan yahay inuu tixgeliyo.
Hoos waxaa ku qoran dhowr qolo oo muhiim ah oo markaad magaalada u soo guurto, ku caawinaya bilowga hore.
Goobta Oulu 10 iyo goobta la talinta dalxiiska
Goobta Oulu10waa goob adeeg oo loogu talagalay dadka magaalada deggan oo dhan, waxaadna goobtaas ka heleysaa warar, talooyin iyo tilmaamo ku saabsan adeegyada ay bixiso magaalada Oulu. Goobta Oulu10 waxaad ka heleysaa caawimo ah tusaale ahaan arrimaha la xiriira daryeellada carruurta iyo waayeelka, siday dadka magaalada deggan suuragal ugu tahay inay saamayn ku yeeshaan arrimaha, meelaha laga kalluumaysto iyo sharciyada kalluumaysiga ee loo baahan yahay, dhulka yar yar ee la beerto (viljelypalsta) iyo meelaha la ijaarto ee doomaha la dhigto iyo weliba fursadaha isboortiga iyo socsocodka ee jira. Goobta Oulu10 waxaa yaalla oo aad ka heleysaa qoraallo lagu soo bandhigayo magaalada Oulu iyo foomam ay magaaladu leedahay iyo khariidado magaalada ah iyo weliba basaska magaalada ka dhex shaqeeya jedwelkooda. Meesha waxaad kaloo ka codsan kartaa in lagaa caawiyo sida loo buuxbuuxiyo foomamka magaalada ee la buuxbuuxiyo.
Goobta adeegga ee Oulu10 dhinaceeda waxaa ku yaalla goobta la talinta dalxiiska ee magaalada Oulu (Oulun kaupungin matkailuneuvonta), meeshaasna waxaad weydiin kartaa wax walba oo la xiriira waxyaabaha la sameeyo wakhtiyada firaaqada ah, iyo weliba waxaad xitaa wax ka weydiin kartaa waxqabadyada kale ee ah kuwa ay magaalada mooyee qolyo kale qabanqaabiyaan-
Goobta Oulu 10 iyo goobta la talinta dalxiiska (Oulu10 ja matkailuneuvonta)
Cinwaan: Torikatu 10
90100 Oulu
Tel. 08 558 558 00
E-Mail:oulu10@ouka.fi.
Bogga internetka af Finnish iyo af Ingiriis
Xarunta waxqabadka ee caalamiga ah ee Villa Victor
Villa Victor waa xarun waxqabad oo caalami ah iyo goob lagu kulmo oo dadka oo dhan u furan. Villa Victor waxaa laga qabanqaabiyaa naadiyo, koorsooyin, xaflado iyo dhacdooyin dhaqameed loogu talagalay inay dadku wax kaga ogaadaan dhaqanka Finnishka iyo waddamada kale dhaqamadooda.
Villa Victor waxaa dadka waddanka u soo guurey loogu dhigaa koorsooyin af Finnish iyo af Ingiriis ah, waxaana loogu qabanqaabiyaa munaasabado wax u sheegid ah oo loogu sheego siday bulshada Finland wax u qabsato. Isla meesha ayaana shaqaalaha Villa Victor lagu weydiisan karaa wixii talo iyo tilmaamo ah.
Villa Victor waxaa si lacag la’aan ah ugu isticimaali kartaa Internet, joornaallo kala duduwan ayaad ku akhrisan kartaa, waxaad ku fiirsan kartaa telefishan iyo fiidyowyo. Villa Victor waxaa kaloo laga helaa qolal munaasabadaha lagu dhigan karo iyo meelo muusiga lagu garaacan karo.
Isla meeshaas waxaa kaloo ka furan adeegyada arrimaha bulshada iyo daryeelka caafimaadka ee loogu talagalay dadka qaxootiga ah iyo dadka magangelyada codsaday. Faahfaahin dheeraad ah oo adeegyadaas ku saabsan waxaad ka heleysaa boggaga Arrimaha bulshada iyo caafimaadka.
Villa Victor waxay ku taallaa cinwaanka
Kirkkokatu 54
90015 Oulun kaupunki
Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa Villa Victor boggageeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis.
Oulu Expat City
Oulu Expat City waxay bixisaa adeegyo loogu talagalay dadka Oulu yimi ee wadamo kale oo dibeda ah ka yimi ee ah shaqaale iyo ganacsadayaal iyo qoysaskooda. Oulu Expat City waxay kaa caawinaysaa sidaad isugu diyaarin lahayd soo bixidda, markaad magaalada timaadana waxay kaa caawinaysaa sidaad ula qabsan lahayd meesha aad timi. Oulu Expat City waxay sidoo kale qabanqaabisaa dhacdooyin iyo munaasabado wax soo jeedin ah, waxay kaloo bixisaa adeegyo la talin ah iyo caawimooyin ah arrimaha sharciyada loo baahan yahay iyo dukumeentiyada. Waxay kaloo dadka ka caawisaa waxyaabaha caadiga ah ee loo baahan yahay in la qabsado iyo xitaa raadinta koorsooyin luuqadda Finnishka ah. Oulu Expat City waxay soo saartaa magaalada wargeyskeeda af Ingiriiska ku soo baxa ee la yiraahdo 65 Degrees North.
Faahfaahin dheeraad ah Oulu Expat City boggeeda internetka af Ingiriis.
Dhallinyarada xaruntooda la talinta iyo wararka ee Nappi
Dhallinyarada xaruntooda la talinta iyo wararka ee Nappi (Nuorten tieto- ja neuvontakeskus Nappi) waxay dhallinyarada da’doodu tahay 13–30 sano u adeegtaa markay ku jiraan xaalad walba oo nolosha ah. Adeeggu waa lacag la’aan, aamminaad leh (cid kale looma sheegayo), loomana baahna in wakhti ballan ah hore loo sii qabsado. Dhallinyarada xaruntooda la talinta iyo wararka ee Nappi waxaa yaalla kombiyuutaro loogu talagalay inay dadka macaamiisha ah isticimaalaan, waxaa kaloo macaamiisha loogu talagalay oo meesha yaalla faylal warar ah, qoraallo wax ka sheekaynaya iyo joornaallo. Laybareeriga wararka dhallinyarada (Nuorisotiedon kirjasto) macaamiishu waxay ka deynsan karaan waxyaabo ka faalloonaya nolosha dhallinyarada.
Shaqaalaha adeegyada wararka ee Nappi ka shaqeeya meeshooda inta loogu tego ayaa danaha laga dhammaysan karaa, waxa kaloo lagula soo xiriir karaa E-mail ahaan ama telefoon ahaan iyo weliba iyadoo la isticimaalayo shebekadda adeegga ee NettiNappi oo af Finnish ah.
Nappi wuxuu kaloo maamulaa boggaga internetka ee Immigrant NettiNappi, boggagaas waxaa ku jira warar loogu talagalay gaar ahaan dhallinyarada ah dadka waddanka u soo guurey, waxayna wararku ku saabsan yihiin bulshada Finnishka, dhaqanka, iyo waxqabadyada suuragalka ah ee ka jira Oulu. Boggagu waa af Finnish, af Ingiriis, af Faransiis, af Ruush iyo af Carabi.
Dhallinyaradu su’aalahooda oo af Ingiriis ah ayey shaqaalaha adeegga wararka qaabilsan u soo diri karaan, iyagoo isticimaalaya foomka su’aalaha ee ku jira boggaga internetka ee Immigrant NettiNappi. Shaqaalaha adeegga wararkuna waxay samaynayaan adeegid oo su’aalaha ku yimi foomka su’aalaha, waxay kaga jawaabayaan af Ingiriis.
Nappi waxay ku taallaa cinwaanka Hallituskatu 5 A. Sida loola soo xiriiro oo faahfaahsan waxaad ka heleysaa boggaga internetka ee Nappi af Finnish.
Goobta adeegga la talinta ee dadka waayeelka ah ee Aino
AINO waa goob adeegga la talinta oo loogu talagalay dadka waayeelka ah. Warar dheeraad ah oo sii faahfaahsan waxay ku jiraan qaybta Adeegyada arrimaha bulshada, adeegyada la talintae e dadka waayeelka ah.
Adeegga turjubaannada ee Waqooyiga Finland
Adeegga turjubaannada ee Waqooyiga Finland (Pohjois-Suomen tulkkipalvelu) wuxuu bixiyaa adeegyo turjubaanid hadal iyo qoraalba ah oo loogu talagalay shaqaalaha dowladda iyo dadka waddanka u soo guurey markay dan kala gasho, inay kaashadaan. Adeegga turjubaanidda ah hadalka ah waxaad caawimadiisa isticimaali kartaa, haddii aad dan ka leedahay tusaale ahaan xerada qaxootiga, xafiiska arrimaha ajnebiga (ulkomaalaisvirasto), adeegyada arrimaha bulshada (sosiaalipalvelu) iyo rugaha daryeelka caafimaadka (terveyskeskus). Masuuliyadda ah, in turjubaan la dalbo, waxay saaran tahay qofka shaqaalaha ah.
Adeegga turjubaanka ee Waqooyiga Finland boggiisa internetka oo ah af Finnish iyo af Ingiriis.
Qolal xaafadeedyo
Oulu dhinacyadeeda kala duduwan ee magaalada waxaa ku yaalla qolal xaafadeedyo (qolal ay dadka xaafadda deggan isticimaalaan = asukastupa). Qolal xaafadeedyada ujeedada laga leeyahay waa, inay noqdaan qol fadhi iyo meel lagu kulmo oo dadka xaafadda deggan isugu yimaadaan. Qolal xaafadeedyada qof walba wuu imaan karaa, oo hadduu rabo xitaa joornaal buu ku akhrisan karaa, ama wuxuu u imaan karaa inuu wakhti ku qaato oo keliya.
Qolal xaafadeedyada waxaad ka heleysaa adeegyo noocyo badan ah oo ay tahay inay kuu fududeeyaan waxyaabaha nolosha caadiga ah ee maalin walba iyo inay ku caajisbixiyaan. Adeegyadaas waxaa ka mid ah adeegga guriga (kotipalvelu), caawimo ah nadaafadda iyo dan qabsasho, adeeg hadqaan ah (ompelupalvelu), talooyin iyo waxbarasho kombiyuutarka ah, adeegga cuntada diyaarka ah (ateriapalvelu), waxqabadyo koorsooyin iyo naadiyo ah (kurssi- ja kerhotoiminta), noocyada jimicsiga dhow (lähiliikunta) iyo waxqabadka dhaqanka (kulttuuritoiminta).
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waxqabadka qolal xaafadeedyada iyo meelaha ay qolal xaafadeedyadu ku yaallaan waxaad ka fiirisaa magaalada Oulu boggageeda internetka af Finnish.
Internet
Oulu iyo meelaha kale ee Finlandba arrimo badan baa sida ugu dhakhsaha badan ee lagu dhammayn karaa tahay internetka. Internet aad si lacag la’aan ah u isticimaali karto waxaad ka heleysaa laybareeriyada magaalada, boogta adeegga ee Oulu10, Villa Victor iyo qaar ka mid ah qolal xaafadeedyada. Internet lacag ah waad soo gashan kartaa gurigaaga, haddii aad shirkadaha adeeggaas bixiya mid ka mid ah ka dalbato inay internet guriga kuu soo geliso. Shirkadaha internetka laga soo deysto waa tusaale ahaan DNA, Elisa, Saunalahti iyo Sonera. Waxyaabaha ku saabsan noocyada kala duwan ee internetka la soo deysto iyo qiimohooda waxaa toos u weydiin kartaa qolada adeegga internetka bixisa.
Pan Oulu
Magaalada Oulu waxay kaloo dadkeeda ugu deeqdaa internet fiilo la’aan la isticimaali karo oo lacag la’aan ah. Shebekadda la yiraahdo Pan Oulu waxaa lagu isticimaali karaa meelaha ay ka midka yihiin magaalada bartankeeda, laybareeriyada, meelaha ay ku yaallaan xafiisyada hay’adaha magaalada, jaamacadda iyo garoonka diyaaradaha ee Oulu.
Tilmaamo isticimaalka ah oo faahfaahsan iyo meelaha lagu isticimaali karo waxaad ka arkaysaa boggaga soo bandhigidda af Finnish iyo af Ingiriis.
OmaOulu
OmaOulu waa adeeg shebekad internetka ah oo lacag la’aan ah, oo aad ka heleyso warar ku saabsan adeegyada elektorooniga ah ee ay magaalada Oulu bixiso oo dhan. OmaOulu adigoo isticimaalaya ayaad waxaad ku yeelanaysaaa bog shakhsi ahaan gaar kuu ah oo aad ku urursan karto adeegyada elektorooniga ah ee aad adigu u baahan tahay. Adeegga si joogto ah ayaa horumarin loogu sameeyaa. Wakhtiga hadda la joogo waxyaabaha uu adeegu ka kooban yahay waxaa ka mid ah E-mail, album sawirro, adeegyo bulshooyin oo kala duduwan iyo magaalada Oulu adeegyadeeda elektorooniga ah ee jira.
Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa OmaOulu boggogeeda internetka af Finnish.
Gaadiidka
Basaska meelaha isku xira
Basaska magaalada ka shaqeeya in la raacaa waa hab wanaagsan oo lagu tegi karo meelaha ku yaalla deegaanka Oulu. Meelaha ay basasku isku xiraan waa qiyaastii 30, qaar ka mid ahna waxay tagaan degmooyinka dhowdhow. Basaska caadiga ah ee meelaha isku xira mooyee waxaa kaloo jira saddex City Bus (City Bussi –linja), oo ka shaqeeya bartamaha magaalada iyo agagaarkeeda, qiimaha tikidhkooduna wuu ka raqiisan yahay kan caadiga ah.
Bartamaha magaalada basaska intooda badan waxay maraan waddada Torikatu. Xilliga xagaaga waxaa kaloo shaqeeya tareenka dalxiiska ee Potna-Pekka (Potna-Pekka –turistijuna). Tareenkaas iyadoo la saaran yahay baa la daawan karaa meelaha qurxoon ee ku yaalla bartamaha magaalada, Hietasaari iyo Hupisaari.
Jedwellada, qiimaha tikidhada iyo khariidaha muujinaya meelaha basasku maraan meesha ugu fiican ee aad ka heli kartaa waa shirkadda Koskilinjat Oy boggageeda shebekadda internetka af Finnish,af Iswiidhish iyo af Ingiriis, iyagoo warqado lagu daabacayna waxaad ka heleysaa goobta Oulu10 (Oulu10 boggageeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis.
Taksiyada
Taksi markaad u baahato waad wacan kartaa, ama haddii aad aragto tiksi aan la saarnayn, waad raaci kartaa. Bartamaha magaalada iyo saldhigga tareemada waxaa ku yaalla tiirar khaas ah oo taksiyadu madhan ku sugaan dad ay qaadaan. Taksiga lacagtiisu waxaa la bixin karaa iyadoo lacag caddaan ah, waxaa lagu bixin karaa kaarka bangiga ama kaarka aamminaad (credit card).
Shirkadda Oulun Aluetaksi oy (Shirkadda taksiyada deegaanka Oulu) ayaa u xilsaaran taksiyada Oulu. Lambarka taksiga iyo wararka qiimaha ku saabsan waxaad ka heleysaa boggagooda shebekadda internetka: af Finnish iyo af Ingiriis.
Baabuur wadashada iyo baarkin dhigashada
Oulu bartameheeda meelo baabuurta la dhigtaa waxay ku yaallaan wadooyinka boosaska loogu talagalay in baabuurta baarkin ahaan loo dhigto, meelaha baarkinka caadiga ah iyo dhismayaasha baarkinka ah. Meelaha baabuurta la dhigto qaarkood mar walba waa lacag la’aan, qaarkoodna waxaa lacag la’aan loo dhigan karaa tusaale ahaan saacad barkeed ama laba saacadood. Meelaha baabuurta la dhigto qaarkood waxay lacag la’aan yihiin wakhtiyada aan degdegga badan jirin oo keliya.
Meelaha wakhtiga xadidan baabuur la dhigan karo, marka baabuur la dhigto waxaa la isticimaalaa shay caag buluug ah ka samaysan oo ay ku qoran yihiin saacadda lambaradeeda (pysäköintikiekko). Lambaradda saacadda ee shayga caagga buluugga ah (pysäköintikiekko) ku qoran ayaa lagu aadiyaa wakhtiga baarkinka la yimaado saacad barkeeda buuxa ee ugu soo horeeya, ka dibna shayga caagga buluugga ah waxaa la saaraa meel muuqata oo muraayadda hore hoosteeda ah. Shayga caagga buluugga ah waxaa laga soo gataa saldhigyada shidaalka iyo dukaamada.
Meelaha baarkinadda ah ee lacagta ah qiimohoodu wuu kala duduwan yahay oo wuxuu ku xiran yahay baarkinku meesha uu ku yaallo soonka ay ka tirsan tahay. Bartamaha magaalada barkinadda ku yaallaa way ka qaalisan yihiin kuwa ku yaalla meelaha magaalada geesaskeeda ah. Baarkinka lacagta ah lacagtiisa waxaa laga bixiyaa otomaatiga bixinta lacagta baarkinka ee ku yaalla baarkinka agtiisa. Lacagta baarkinka waxaa loo bixin karaa iyadoo lacag dhagxaan ah lagu ridayo otomaatiga ama telefoonka gacanta ayaa lagu bixin karaa.
Sabuuradaha ay ku qoran yihiin calaamadaha gaadiidka (Liikennemerkki) ayaa laga arkaa sharciyada baarkinka ee markaas shaqaynaya, sidaas darteed markaad meesha baarkinka timaado, fiiri calaamadaha.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan baabuur wadashada iyo baarkin dhigashada waxaad ka fiirisaa magaalada Oulu boggeeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis.
Baaskiil wadashada
Oulu waa magaalo qurux badan oo baaskiil lagu wato. Magaaladu waxay leedahay wadooyin badan oo loogu talagalay baaskiil wadashada oo u kala gudba xaafadaha magaalada, gaarana xitaa ilaa degmooyinka magaalada u dhowdhow. Wadooyinka baaskiilka xitaa xilliga jiilaalka ee barafku jiro waa la daryeelaa, oo xitaa waxaa jira dad badan oo magaalada deggan oo sannadka oo dhan baaskiilka isticimaala. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan wadooyinka baaskiilka ee Oulu waxaad ka heleysaa qaybaha wakhtiga firaaqada ah iyo magaalada Oulu boggageeda internetka af Ingiriis.
Khadad gaadiidka ah
Saldhigga basaska ee Oulu waxaa ka baxa basas badan oo aada deegaannada dhowdhow iyo meelaha fogfogba www.matkahuolto.fi (af Finnish, af Iswiidhish, af Ingiriis)
Saldhiga tareemada ee Oulu wuxuu tareen ahaan kugu xirayaa meel walba oo Finland ah www.vr.fi (af Finnish, af Iswiidhish, af Ingiriis, af Ruush)
Garoonka diyaaradaha ee Oulu waxaa ka baxa diyaarado badan oo ku socda Helsinki iyo magaalooyinka kale ee waddanka gudihiisa iyo waddanka dibediisaba. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan garoonka diyaaradaha (af Finnish, af Iswiidhish, af Ingiriis).
Siday dadka shacabka ah saamayn ugu yeelan karaan
Wararka ku saabsan siday suuragal u tahay saamayn ku yeelashadu waxaad ka heleysaa goobta Oulu10 ama magaalada Oulu boggageeda internetka af Finnish.
Boggaga magaalada Oulu ee Aloite Oululle (Wax bilaabid Oulu loo soo jeedinayo) ayaad (af Finnish, af Ingiriis) ahaan ugu qori kartaa wax bilaabid aad soo jeedinayso adigoo ah qof magaalad deggan ama wixii ammaan ama dhalliil ah ee aad ka soo jeedinayso waxqabadka magaalada.
Oulu waxaa ka jira kooxo wax saamayn ah oo ay leeyihiin carruurta iyo dhallinyaradu, wararka kooxahaas ku saabsanna waxaa laga helaa goobaha dhallinyarada (nuorisotilat) ee ku yaalla xaafadaha kala duwan ee magaalada. Sida loola xiriiro ka fiiri af Finnish iyo af Ingiriis.