Suomen ja ruotsin kieli Vantaalla
Luuqadda Finnishka iyo luuqadda Iswiidhishka ee Vantaa gudeheeda
Bangiga wararka boggiisa Luuqadda Finnishka iyo Luuqadda Iswiidhishka waxaa ku qoran warar ku saabsan sida waddanka Finland looga barto luuqadda Finnishka iyo luuqadda Iswiidhishka.
Deegaanka magaalomadaxda boggiisa Luuqadda Finnishka iyo luuqadda Iswiidhishka waxaa ku qoran warar ku saabsan sida deegaanka magaalomadaxda looga barto luuqadda Finnishka iyo luuqadda Iswiidhishka.
Waxbarashada bilowga ah ee Vantaa gudeheeda
Koorsooyinka Startti waxaa ugu horayn loogu talagalay dadka Vantaa deggan ee waddanka u soo guurey ee aan ka tirsanayn xafiiska shaqada, sida hooyooyinka gurijoogta ah, dadka hawlgabka ah iyo dadka aan aqoon sida wax loo qoro iyo sida wax loo akhriyo.
Koorsooyinka waxaa la iska soo qoraa xafiiska macadka dadka waaweyn ee Vantaa (Vantaan aikuisopisto).
Lummetie 5, Tikkurila.
Wixii weydiin ah kala xiriir Jarmo Kejonen, tel. (09) 8392 6121 ama 050 312 1681
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waxbarashada startti af Finnish.
Waxbarashada taageerada ah ee luuqadda Finnishka
Ururka Unifem (Unifem -järjestö) wuxuu qabanqaabiyaa waxbarasho taageero ah oo luuqadda Finnishka ah oo lacag la’aan ah oo loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey ee barashadooda luuqadda Finnishku tahay mid si tartiib ah u socota.
Macadka dadka waaweyn ee Vantaa (Vantaan aikuisopisto)
Myyrinki
Liesitori 1
Isniin klo 10-12
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Myyyrinki oo ah af Finnish.
Naadiyada luuqadda Finnishka
Meesha dhallinyarada ee la yiraahdo Lentävä lautanen ee ku taalla Mikkola waxaa maalinta Isniinta saacadaha 12-14 lagu qabanqaabiyaa naadiyo luuqadda Finnishka ah.
Lentävä lautanen
Suuqa Mikkola
Venuksentie 4
01480 Vantaa
Tiina Kenttä
Tel. 040 847 3203
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Lentävä lautanen oo ah af Finnish.