Suomen ja ruotsin kieli Oulussa
Luuqadda Finnishka iyo luuqadda Iswiidhishka
Waddanka Finland wuxuu leeyahay laba luuqadood oo rasmi (offishal ah): Finnish iyo Iswiidhish. Warar guud oo ku saabsan luuqadda Finnishka iyo barashadeeda waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Luuqadda Finnishka iyo luuqadda ISwiidhishka.
Oulu dadka intooda badan luuqadooda hooyo ee ay ku hadlaan waa af Finnish. Dukaamada iyo xafiisyada dowladda waxaa kaloo badanaa dadka macaamiisha ah loogu adeegaa af Ingiriis iyo af Iswiidhish.
Koorsooyinka luuqadaha
Haddii aad luuqadda Finnishka taqaan si fiican baad uga mid noqonaysaa bulshada. Wararka ku saabsan koorsooyinka luuqadda Finnishka ah ee Oulu laga qabanqaabiyo waxaad ka heleysaa magalaada Oulu boggageeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis.
Haddii aad rabto af Iswiidhishka waxaad ka baran kartaa Macadka Shacabka ee Oulu (Oulun kansalaisopisto).
Macadka Oulu (Oulu-opisto) af Finnish
Macadka Shacabka ee Oulu (Oulun kansalaisopisto) af Finnish