Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Kauniainen

Suomen ja ruotsin kieli Kauniaisissa

Luuqadda Finnishka iyo luuqadda Iswiidhishka ee Kauniainen gudeheeda 

Bangiga wararka qaybta deegaanka magaalomadaxda boggiisa Luuqadda Finnishka iyo luuqadda Iswiidhishka waxaa ku qoran warar ku saabsan sida deegaanka magaalomadaxda looga barto luuqadda Finnishka iyo luuqadda Iswiidhishka. Dadka Kauniainen deggan waxay isticimaal karaan tusaale ahaan adeegyada xarumaha waxqabadka ee loogu talagalay dadka dhaqamada kala duduwan ee Espoo (Espoon monikulttuuristen toimintakeskusten palvelut).

Macadka waxbarashada shacabka (Kansalaisopisto)

Macadka waxbarashada shacabka ee Kauniainen (Kauniaisten kansalaisopisto) wuxuu sannad walba qabanqaabiyaa koorsooyin lagu barto luuqadda Finnishka iyo luuqadda Iswiidhishka, waxbarasho ah sidii waddanka loola qabsan lahaa iyo weliba hadday suurowdo koorsooyin kale oo loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey . Guryaha Kauniainen ku yaalla oo dhan waxaa loo soo tuuraa buugga barnaamijka waxbarashada. Buugga waxaa kaloo laga soo qaadan karaa laybareeriga iyo guriga maamulka ee magaalada. Bogga internetka ee macadka waxaad ka heleysaa warar ku qoran af Finnish iyo af Iswiidhish oo ku saabsan waxbarashada iyo koorsooyinka macadka lagu dhigo.

Ma rabtaa inaad barato luuqadda Iswiidhishka? 

Macadka waxbarashada shacabka ee Kauniainen (Kauniaisten kansalaisopisto) ayaa haddii loo baahdo qabanqaabiya koorsooyin luuqadda Iswiidhishka ah oo loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey. Faahfaahin dheeraad ah oo af Finnish iyo af Iswiidhish ah.