Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Espoo

Suomen ja ruotsin kieli Espoossa

Luuqadda Finnishka iyo Luuqadda Iswiidhishka ee Espoo gudeheeda

Bangiga wararka boggiisa Luuqadda Finnishka iyo Luuqadda Iswiidhishka waxaa ku qoran warar ku saabsan sida waddanka Finland looga barto luuqadda Finnishka iyo luuqadda Iswiidhishka.

Deegaanka magaalomadaxda boggiisa Luuqadda Finnishka iyo luuqadda Iswiidhishka waxaa ku qoran warar ku saabsan sida deegaanka magaalomadaxda looga barto luuqadda Finnishka iyo luuqadda Iswiidhishka.

Xarumaha waxqabadka ee loogu talagalay dadka dhaqamada kala duduwan

Qolooyin kala duduwan ayaa xarumaha waxqabadka ku dhiga koorsooyin luuqadda Finnishka ah oo bilow ah iyo koorsooyin sii soconaya. Waxaa kaloo jirta, in shaqaalaha xarumaha waxqabadka ka shaqeeyaa qabanqaabiyaan oo hogaamiyaan kooxo wadasheekaysi ah oo luuqadda Finnishka ah iyo kooxo luuqadda Finnishka wax ku wada akhrista, waxayna dadka u sheegaan waxbarashooyinka luuqadda Finnishka ah ee ka jira deegaanka magaalomadaxda.

Xarumaha waxqabadka waxaa kaloo laga qabanqaabiyaa kooxo waxqabad sameeya (sida cunto samaynta, jimicsi (jumppa), iwm.). Kooxahanna iyadoo wax la samaynayo ayaa luuqadda Finnishkana la bartaa. Kooxahani inta badan waa lacag la’aan.

Wararka ku saabsan luuqadaha ay xarumaha waxqabadku dadka ugu adeegaan iyo meelaha lagala xiriiro waxaad ka heleysaa Boggaga internetka ee magaalada Espoo, waana af Finnish iyo af Ingiriis.

Macadka waxbarashada dadka waaweyn

Macadka waxbarashada dadka waaweyn ee Espoo wuxuu qabanqaabiyaa koorsooyin luuqadda Finnishka lagu barto, waxbarasho la qabsashada waddanla ah iyo koorsooyin lagu barto maadooyinka farshaxanka iyo isboortiga oo loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey .

Wararka koorsooyinka ku saabsan oo ku qoran af Finnish iyo af Iswiidjish waxaad ka raadsan kartaa b oggaga internetka ee magaalada Espoo . Boggaga internetka ee macadka waxbarashada dadka waaweyn waxaa laysugu soo ururiyey oo aad ka heleysaa dhammaan koorsooyinka loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey, waxaad kaloo ka heleysaa wararka ku saabsan waxbarashada oo af Ingiriis ku qoran. Koorsooyinka waxaad isqori kartaa adigoo isticmaalaya internetka ama telefoon. Markaad koorsooyinka isa soo qorayso adigoo internetka isticmaalaya waxaad u baahan tahay inaad af Finnish ama af Iswiidhish isku diwaangelisid.

Dugsiga sare ee dadka waaweyn

Dugsiga sare ee dadka waaweyn ee Espoo waxaa lagu dhigaa luuqadda Finnishka oo loogu talagalay dadka ajnebiga ah. Faahfaahin dheeraad ah oo koorsooyinka ku saabsan oo ah af Finnish iyo meesha lagala xiriiro oo ah af Finnish.

Ma rabtaa inaad barato luuqadda Iswiidhishka?

Macadka waxbarashada dadka waaweyn ee Espoo (Espoon työväenopisto ) wuxuu qabanqaabiyaa koorsooyin luuqadda Iswiidhishka ah oo loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey. Wararka koorsooyinkaas ku saabsan waxaad ka heleysaa macadka waxbarashada dadka waaweyn qoraalkiisa la isugu soo ururiyey Waxbarashada dadka waddanka u soo guurey (Maahanmuuttajakoulutus ), qoraalkaas waxaa la isugu soo ururiyey wararka koorsooyinka ku saabsan oo ku qoran af Ingiriis iyo af Finnish.

Dugsiga sare ee dadka waawey ee Espoo (Espoon aikuislukio ) wuxuu isna qabanqaabiyaa koorsooyin lagu barto luuqadda Iswiidhishka ee dugsiga sare. Dugsiga sare waxaad ku baran kartaa af Iswiidhishka, xitaa adigoon dhiganayn maadooyinka kale ee dugsiga sare lagu qaato