Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Oulu

Sosiaalipalvelut Oulussa

Adeegyada arrimaha bulshada

Bangiga wararka boggiisa waddanka oo dhan ku saabsan ee Adeegyada arrimaha bulshada waxaa ku qoran warar ku saabsan adeegyada arrimaha bulshada ee Finland.

Adeegyada arrimaha bulshada ee dadka qaxootiga ah

Dadka cusub ee waddanka u soo guurey adeegyada arrimaha bulshada iyo caafimaadka waxaa siiya magaalada Oulu xafiiskeeda dadka waddanka u soo guurey ee Villa Victor (Oulun kaupungin maahanmuuttajatoimisto Villa Victor),  cinwaanku waa: Kirkkokatu 54  (af Finnish, af Ingiriis). Dadka iyagoo qaxooti ah waddanka yimaada waxaa adeegyada la siiyaa muddo saddex sano ah, dadka asalkoodu Finnishka ka soo jeedo (inkerinsuomalaiset) ee soo guura waxaa adeegga la siiya lixda bilood ee ugu horeeya. Intaas wixii ka dambeeya adeegyada waxaa laga helaa magaalada adeegyadeeda arrimaha bulshada iyo rugaha caafimaadka

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan adeegyada arrimaha bulshada iyo caafimaadka ee dadka qaxootiga ah, ka fiiri magaalada Oulu boggageeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis.

Kuwa loogu talagalay qoysaska carruurta leh

Wararka ku saabsan carruurta xannaano maalmeedkeeda maalintii oo dhan ahwaxaad ka heleysaa Oulu boggeeda Waxbarashada.

Barbaarinta hore ee furan

Barbaarinta hore ee furan waa waxqabad la hagayo oo loogu talagalay carruurta guryaha lagu hayo. Waxqabadku waa mid sidoo kale ku haboon inuu beddel u noqdo xannaano maalmeedka maalintii oo dhan ah, markay labada waalidba ama midkood uu guriga joogo (aanu aadin shaqo ama waxbarasho). Faahfaahin ku saabsan kooxaha kala duwan ee barbaarinta hore ee furan ka fiiri magaalada Oulu boggageeda internetka af Finnish iyo eaf Ingiriis.

Waxqabadka subaxdii iyo gelinka dambe ee loogu talagalay carruurta ah da’da iskuulka

Waxqabadka subaxdii iyo gelinka dambe ee loogu talagalay carruurta ah da’da iskuulku wuxuu subaxdii intaanu iskuulku bilaamin iyo iskuulka ka dib, carruurta da’ iskuulleedka ah siiyaa deegaan nabadgelyo iyo madadaalo leh. Waxqabadka subaxdii iyo gelinka dambe waxaa loogu talagalay ardayda dhigata fasallada koowaad iyo labaad, iyo ardayda ku jirta waxbarashada khaaska ah ilaa fasallada sagaalaad, haddii waalidkood waxbartaan ama shaqeeyaan.Faahfaahin dheeraad ah ka fiiri magaalada Oulu boggageeda af Finnish iyo af Ingirsiis.

International Family club

Waalidka ajnebiga ah ee carruurtooda guriga ku hayaa waxay ka qaybqaadan karaa naadiga qoysaska ee caalamiga ah waxqabadkiisa. Naadiga qoysasku wuxuu bixiyaa fursad lagula kulmi karo waalidiinta kale, waxaana lala qaybsan karaa farxadaha iyo murugooyinka nolosha caadiga ah ka jira. Waxqabadkan waxaa qabanqaabiya kaniisada evankelis-luteriyaanka, laakiin meesha waxaa imaan kara cid walba oo aamminsan diinta kiristanka iyo xitaa qoysaska aan ahayn kiristaanka. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa magaalada Oulu boggeeda af Ingiriis.

Badbaadada carruurta

Badbaadada carruurta waxaa lala soo xiriiri karaa, haddii aad maqasho in carruurta si xun loola dhaqmay ama haddii furiin darteed ay noqoto in laga wada tashado carruurta masuuliyadooda. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nidaamka badbaadada carruurta ee Oulu waxaad ka heleysaa magaalada Oulu boggageeda af Finnish iyo af Ingiriis.

Shaqada waayeelka

Magaalada Oulu waxay isku daydaa inay dadka waayeelka ah ee magaalada deggan u taageerto, si ay waayeelku gurigooda nolol fiican ugu noolaan lahaayeen ilaa intay suuragal tahay oo dhan.

Magaaladu waxay dadka waayeelka ah ee magaalada deggan siisaa jimicsiyo kala duduwan, kooxo firfircooneyn ah iyo madadaalooyin. Sida loola xiriiro iyo faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa magaalada Oulu boggeeda af Finnish iyo af Ingiriis. Waxaad kaloo arrimahaas weydiin kartaa adeegga la talinta waayeelka ee Aino (ikääntyneiden neuvontapalvelu Aino).

Adeegga la talinta ee dada waayeelka ah

AINO waa adeeg la talin ah oo dadka waayeelka ah leeyihiin. Meeshaas baa la weydiin karaa adeegyada ay bixiyaan magaalada, qolyaha barayfitka ah iyo ururada shacabka. Talosiintu waa adeeg ka hortag ah oo lacag la’aan ah, oo loogu talagalay dadka waayeelka ah iyo ehelkooda.

Faahfaahin dheeraad ah ka fiiri magaalada Oulu boggeeda af Finnish iyo af Ingiriis.

Naafadda

Adeegga naafadda ee Oulu (Oulun vammaispalvelut) wuxuu adeegyo siiyaa dadka jir ahaan naafadda u ah iyo dadka ku jira baxnaaninta caafimaadka maskaxda. Adeegga waxaa isku dubarida xafiiska adeegga naafadda (vammaispalvelutoimisto), sida loola xiriiro iyo faahfaahin kale oo dheeraad ah waxaad ka heleysaa magaalada Oulu boggeeda af Finnish iyo af Ingiriis.

Taageerada arrimaha bulshada iyo caawimada lacagta nolosha

Adeegyada taageerada ee arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha waxaad ka heleysaa taageero, caawimo iyo talooyin loogu talagalay in wax lagaga qabto xaaladaha dhibaatooyinka leh ee kala duduwan ee xag dhaqaale iyo xag bulshaba. Lacagta caawimada noloshu waa habka ugu dambeeya oo ah, haddii qofka ama qoyska dhaqaalaha soo galaa uu ku filnaan waayo inuu daboolo kharashka nolosha ee maalin walba ah. Lacagta caawimada nolosha waxaa la dalban karaa, haddii hababka kale ee taageerooyinka bulshadu bixiso oo ah sida lacagta taageerada shaqa la’aantu, lacagta caawimada ijaarku, deynka ardayda ama taageerada masruufku, aanay ku filnayn inay sugaan dakhliga ugu hooseeya ee loo baahan yahay.

Faahfaahin dheeraad ah iyo sida loola xiriiro waxaad ka heleysaa magaalada Oulu boggeeda internetka saf Finnish iyo af Ingiriis.