Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Kauniainen

Sosiaalipalvelut Kauniaisissa

Adeegyada arrimaha bulshada ee Kauniainen gudeheeda 

Bangiga wararka boggiisa waddanka oo dhan ku saabsan ee Adeegyada arrimaha bulshada waxaa ku qoran warar ku saabsan adeegyada arrimaha bulshada ee Finland.

Shaqada sooshalka ee dadka qaangaarka ah 

Bangiga wararka boggiisa Xafiiska adeegyada arrimaha bulshada waxaa laguugu sheegayaa waddankan Finland arrimaha ay qaabilsan yihiin degmooyinka xafiisyadooda adeegyada arrimaha bulshada.

Bogga shebekadda internetka ee Kauniainen waxaa ku qoran warar ku saabsan shaqada sooshalka iyo adeegyada arrimaha bulshada ee Kauniainen gudeheeda, waxayna ku qoran yihiin af Finnish iyo 
af Iswiidhish. Boggaga waxaa kaloo ku qoran warar ku qoran af Finnish oo ku saabsan badbaadada dhaqaalaha nolosha (toimeentuloturva).

Shaqaalaha sooshalka ee Kauniainen ku qoran arrimaha qaxootiga waxaad ka heli kartaa dhanka talefoonka (09) 5056 241.

Kala talinta deynka

Dadka Kauniainen deggan markay rabaan inay xal u helaan arrimaha ku saabsan dhibaatooyinka deynka iyo dhibaatooyinka kale ee dhaqaalaha, waa inay la xiriiraan laanta talosiinta arrimaha dhaqaalaha iyo deynta ee Espoo (Espoon talous- ja velkaneuvonta).

Faahfaahin dheeraad ah iyo meelaha lagala xiriiro oo ku qoran 
af Finnish iyo af Iswiidhish waxaad ka heleysaa boggaga shebekadda internetka ee magaalada Espoo.

Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Dhibaatooyinka deynka.

Badbaadada carruurta

Dadka Kauniainen deggan waxay isticimaalaan adeegyada badbaadada carruurta ee Espoo. Boggaga shebekadda internetka ee magaalada Espoo waxaa ku qoran warar ku saabsan shaqada arrimaha bulshada ee qoysaska iyo badbaadinta carruurta af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Waxaa kale oo aad ka heleysaa magaalada Kauniainen boggiisa internetka ilmo ilaalinta ayadoo ah af Finnish iyo af Iswiidhish.

Xannaano maalmeedka

Warbixinta maalin xanaaneysiga caruurta waxaad ka helee bogga infopanki Waxbarashada Kauniainen gudeheeda.

Waayeelka

Adeegyada loogu talagalay dadka waayeelka ah ee Kauniainen deggan ujeedada laga leeyahay waa in iyadoo adeegyo kala duduwan la kaashanayo, la taageero siday dadka waaweyni guryahooda u deggenaan kari lahaayeen. Adeegyada daryeelka ee qofka waayeelka ah gurigiisa lagu siiyo waa daryeelka bukaanka guriga, adeegga guriga, adeegyada taageerada ah ee daryeelka guriga, taageerada dadka ehelkooda haya, ataageerada deegga gaadiidka iyo weliba waxqabadyada xarunta adeegga iyo waxqabadka maalintii.

Boggaga internetka ee magaalada Kauniainen waxaa jira cinwaanno internetka ah oo kugu xiraya adeegyada dadka waaweyn loogu talagalay oo ah af Finnish iyo af Iswiidhish.

Talosiinta dadka waayeelka ah 

Xarunta daryeelka caafimaadka ee Kauniainen waxay leedahay la talin caafimaadka ah (terveysneuvola) oo loogu talagalay dadka Kauniainen deggan ee da’doodu gaartey 65 sano.

Ballan ka qabsashada, Isniin-Jimce saacadda 12.00-13.00

Tel. (09) 505 6496.

Faahfaahin dheeraad ah oo ah af Finnish iyo af Iswiidhish.

Talooyin muhiim ah oo ku saabsan xaaladaha nolosha caadiga ah waxaa laga helaa Tilmaanbixiyaha adeegyada dadka da’da waaweyn ( Ikäihmisten palveluopas), waana af Finnish iyo af Iswiidhish. Tilmaanbixiyaha waxaa kaloo ku qoran meelaha laga xiriiro adeegyada laga helo deegaanka uu qofku deggan yahay.

Naafada

Magaalada Kauniainen waxay dadka naafada ah ee magaalada deggan u qabanqaabisaa adeegyada ku haboon qofka naafada ah baahidiisa iyo xaaladda noloshiisa. Boggaga shebekadda internetka ee magaalada waxaa ku qoran warar ku saabsan adeegyada naafada oo ku qoran 
af Finnish iyo af Iswiidhish.

Carruurta naafada ah xannaano maalmeedkooda iyo waxbarashadooda

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan carruurta naafada ah xannaano maalmeedkooda iyo waxbarashadooda hore waxaad ka heleysaamadaxa magaalada u qaabilsan arrimaha barbaarinta hore (varhaiskasvatuspäällikkö), tel. (09)5056 259  maalmaha shaqada saacadda 9-11.

Arrimaha ku saabsan iskuulka talooyinkooda waxaad kaheleysaa xafiiska waxbarashada ee magaalada (koulutoimisto), tel. (09)505 6264 iyo af Iswiidhish tel. (09)505 6263.