Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Espoo

Sosiaalipalvelut Espoossa

Adeegyada arrimaha bulshada ee Espoo gudeheeda

Bangiga wararka boggiisa waddanka oo dhan ku saabsan ee Adeegyada arrimaha bulshada waxaa ku qoran warar ku saabsan adeegyada arrimaha bulshada ee Finland.

Bangiga wararka qaybtiisa deegaanka magaalomadaxda boggiisa Adeegyada arrimaha bulshada waxaa ku qoran warar ku saabsan adeegyada arrimaha bulshada ee deegaanka magaalomadaxda.

Shaqada sooshalka ee dadka qaangaarka ah

Bangiga wararka boggiisa Xafiiska adeegyada arrimaha bulshada waxaa laguugu sheegayaa waddankan Finland arrimaha ay qaabilsan yihiin degmooyinka xafiisyadooda adeegyada arrimaha bulshada.

Xafiisyada adeegyada arrimaha bulshada ee Espoo waxaa laga helaa lacagta qoraallo ka sheekaynaya lacagta caawimada nolosha, qoraalladaasi waxay ku qoran yihiin luuqadahan soo socda: Farsi, Ruush, Soomaali, Ingiriisi . Faahfaain dheeraad ah oo ku saabsan Espoo gudeheeda shaqada arrimaha bulshada ee dadka qaangaarka ah loogu talagalay af Finnish iyo af Iswiidhish.

Kala talinta deynka

Dhibaatooyinka deynka ee Espoo gudeheeda

Badbaadada carruurta

Boggaga shebekadda internetka ee magaalada Espoo waxaa ku qoran warar ku saabsan shaqada arrimaha bulshada ee qoysaska iyo badbaadinta carruurta af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Xannaano maalmeedka

Xannaano maalmeedka Espoo gudeheeda

Waayeelka

Espoo adeegyadeeda loogu talagalay dadka waayeelka ah waxay taageeraan siday dadka waayeelka ahi gurigooda u deggenaan lahaayeen oo iskood wax u qabsan lahaayeen. Adeegyada waxaa ka mid ah in bukaanka guriga lagu daryeelo iyo in maalinnimada waxqabadyo la sameeyo. Adeegyadu waa lacag. Boggaga internetka ee magaalada Espoo waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan adeegyada Espoo ee dad waayeelka ah loogu talagalay af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis. 

Talosiinta dadka waayeelka ah

Talosiinta dadka waayeelka ah waxaa laga helaa talooyin iyo wararka ku saabsan adeegyada waayeelka loogu talagalay ee laga helo degmada, qolyaha birifaatiga ah iyo hay’adaha shacabka. Tel. (09) 816 30 265 Isniin-Khamiis saacadda 10-15. Cinwaanka tegiddu waa: Well Life Center, Metsänpojankuja 3, dabaqa 1aad, Waqooyiga Tapiola (Pohjois-Tapiola).

Naafada

Magaalada Espoo waxay dadka naafada ah u qabanqaabisaa waxyaabo ay ka mid yihiin adeegyada gaadiidka iyo taageero dhaqaale. Adeegyada waxaa laga dalbadaa sooshallada iyo hawlwadeennada qaabilsan adeegyada naafada.

Boggaga shebekadda internetka ee magaalada Espoo waxaa ku qoran meelaha lagala xiriiro Xarumaha adeegyada ee qaabilsan adeegyada naafada (Vammaispalvelujen palvelukeskus) iyo wararka ku saabsan adeegyada af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Carruurta naafada ah xannaano maalmeedkooda iyo waxbarashadooda

Carruurta naafada ah xannaano maalmeedkooda iyo waxbarasahdooda waxaa la qabanqaabiyaa iyagoo ka mid ah adeegyada aasaasiga ah ee dadka degmada katirsan oo dhan loogu talagalay. Faahfaahin dheeraad ah oo af Finnish ah. Wararka ku saaban taageerada khaaska ah ee ay carruurta naafada ah xannaanada ka helaan, waxaad iyagoo af Finnish ah ka heleysaa boggaga internetka ee magaalada Espoo.