Eri tapoja löytää työtä
"Shaqadu qofka sameeya ayey la talisaa."
(Maahmaah Finnish ah)
Haddii aad shaqo ka weydid suuqa shaqooyinka bannaan, fursado kale oo badan ayaad haysataa. Shaqada waxaad ku tijaabin kartaa shaqa barashada (työharjoittelu), tijaabinta shaqada (työkokeilu), taageerada shaqaaloobidda (työllistämistuki), taageerada isku kabidda (yhdistelmätuki) ama heshiiska waxbarashada (oppisopimus). Noocyadan oo ah hababka taageeridda qayb mushaharka ka mid ah ama mushaharka oo dhan waxaa laga bixiyaa lacagaha shaqaalaynta ee qaranka ama degmada.
Shaqa barashada (työharjoittelu) ama tababarka nolosha shaqadawaxaad ka heleysaa waayo aragnimo shaqo. Taas oo wax kuu tari doonta markaad shaqo dalbanayso. Wakhtiga aad shaqa barashada ku jirto waxaa lagu siinayaa lacagta taageerada shaqa la'aanta (työmarkkinatuki). Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan shaqa barashada iyo tababarka nolosha shaqadawaxaad ka akhrisataa boggaga maamulka shaqada.
Haddii waayo aragnimadaada shaqo ee Finland gudeheeda ay yar tahay ama aadan waddanka ka shaqayn, shaqada iskaa wax u qabso (vapaaehtoistyö) ayaa waxay tahay hab aad nolosha shaqada ku dhex geli kartid. Dad badan ayaa sikaa wax u qabso uga shaqeeya jaaliyadaha, caawiyana dadka kale ee waddanka u soo guurey siday ula qabsan lahaayeen bulshada Finnishka ah. Shaqada iskaa wax u qabsada ah mushahar laguma qaato, laakiin waayo aragnimada shaqadu waxbay kuu taraysaa muddo ka dib markaad raadsanayso shaqo mushahar lagu qaato.
Tijaabinta shaqada (työkokeilu) waxaa loogu talagalay dadka xaalad caafimaad xumo darteed ay ku adag tahay inay shaqo helaa, waxaa kaloo loogu talagalay dadka raba inay xirfadooda iska beddelaan ama tijaabiyaan xirfad cusub.
Taageerada shaqaaloobidda (työllistämistuki) waxaa loogu talagalay dadka muddo dheer shaqa la'aan soo ahaa. Waxaad shaqay kartaa 6-10 bilood. Wakhtigaasna waxaa lagu siinayaa taageero. Xafiiska shaqada ayaad weydiin kartaa meelaha shaqada ee taageerada shaqaaloobidda. Xafiiska shaqadu wuxuu shirkadda u ogolaan karaa kaalmo dhaqaale oo ah kharashka mushaharka kaga baxa, haddii shirkaddu ay shaqaalayso qof shaqa la'aan ahaa. Xafiiska shaqada ayaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan, goorta laysu ogolaado kaalmada taageerada shaqaaloobidda.
Heshiiska waxbarashada
(oppisopimus) waa shaqo iyo waxbarasho isku jira. Heshiiska waxbarashadu wuxuu qaataa sida caadiga ah 1-4 sano. Wakhtigu intuu yahay waxay ku xiran tahay waxbarashadaada iyo xirfadda aad dooratay. Heshiiska waxbarashadu waa heshiis shaqo mushahar leh oo wakhti go'an ku eg. Shebekedda internetka ee Oppisopimus.net ayaad ka raadsan kartaa boosaska heshiiska waxbarashada ama boggaga shebekadda ayaad ku reebi kartaa wararka ku saabsan sida laguula soo xiriiri karo, si ay shaqabixiyayaashu meesha uga raadsadaan.