Tasa-arvo ihmisten välillä
Sida uu sharciga Finland dhigayo takooriddu waa dembi. Qofna looma takoori karo iyadoo sabab looga dhigayo da’diisa, asalka uu ka soo jeedo, dhalashadiisa, luuqadiisa, diintiisa, wuxuu aamminsan yahay, fikradiisa, xaaladda caafimaadkiisa, naafonimadiisa, jihada galmo, jinsigiisa (lab ama dheddig) ama aqoonsiga jinsi ahaantiisa lab ahaaneed ama dheddig ahaaneed. Sidoo kale waa mam-nuuc in qof lagu takooro heerka hantidiisa ama uur ay leedahay darteed.
Sharciga sinnaanta (yhdenvertaisuuslaki) ayaa mam-nuucaya takooridda tusaale ahaan shaqo u qaadashada iyo waxbarashada. Qofka asalkiisa dartiis looma takoori karo tusaale ahaan arrimaha ku saabsan adeegyada arrimaha bulshada iyo caafimaadka.
Warar mawduuca ku saabsan waxaad ku heli karta luuqadaha soo socda:
Finnish (pdf)
Iswiidhish (pdf)
Ingiriis (pdf)
Saame (pdf)
Ruush (pdf)
Carabi (pdf)
Soomaali (pdf)
Isbeynn (pdf)
Faransiis (pdf)
Bogagga Wasaarada Arrimaha Gudaha, waxaad si fiican u eegi kartaa buug-yaraha Isku-mid ku ah Finland, oo ku jiro macluumaad aasaas ah ee dadka u guuraayo Finland kuna saabsan nolosha qoyska, sinnaanta, korinta carruurta, wax-barashada iyo nolosha shaqada ee Finland.
Isku mid ka ah Finland (pdf)
Finnish
Ruush
Albaniyaan
Carabi
Tagalog
Tai
Fiitnaam
Caawimo waxaad ka heleysaa wakiilka dadka tirada yar
Wakiilka dadka tirada yar (vähemmistövaltuutettu) waa shaqaale dowladeed, shaqadiisuna waa inuu horumar ku sameeyo jagada, xuquuqda sinnaanta iyo xuquuqda badbaadada ee dadka asal ahaan kooxa yar yar ka soo jeeda iyo dadka ajnebiga ah, isla markaasna wuxuu horumar ku sameeyaa Finland gudeheeda xiriirada wanaagsan ee dadka asal ahaan meelo kale ka soo jeeda.
Wakiilka dadka tirada yar waxaad la soo xiriiri kartaa si uu kuu caawiyo, haddii tusaale ahaan adiga shakhsi ahaantaada asalkaad ka soo jeedo dartiis takoorid laguugu sameeyey ama haddaad sideedaba dareento in takoorid jirto. Arrimaha takooridda ku saabsan iyo arrimo kale dartoodba waxaa telefoon loo soo diri karaa xafiiska wakiilka dadka tirada yar qaybtiisa u adeegidda macaamiisha tel. 071 878 8666 (maalmaha shaqadu jirto saacadaha 10-12).
Marxaladaha takooridda ee xagga shaqada ah
Sidoo kale takooridda shaqadu waa dembi. Takoorid waxaa loola jeeda in shaqo-bixiyaha xaalad faa’ido darro ah gelinaayo shaqo-raadiyaha ama qofka u shaqeeyo. Sababaha waxay ku xirnaan karaan qofka uu shaqaalaha yahay, aasaaska ama nolosha shakhsiyeed iyo wax aan xiriir la leheen shaqada. Waxaadna u sheegi kartaa shaqaalaha maamulka ee hay'adda badbaadada shaqaalaha (työsuojeluvaltuutettu).
Sinnaanta ka dhaxaysa ragga iyo dumarka
Siduu sharciga Finland dhigayo ragga iyo dumarku waxay leeyihiin xuquuq isku mid ah. Wakiilka dadka jinsiyad ahaan waddanka ku yar (tasa-arvovaltuutettu) ayaa ilaaliya in Sharciga sinnaanta siduu yahay loogu dhaqmo. Warar mawduuca ku saabsan waxaad ku heli karta luuqadaha soo socda ah:
Soomaali
Finnish
Iswiidhish
Ingiriish
Ruush
Serbokroatia
Farsi
Kurdi
Carabi
Albaniyaan
Fiitnam
Tagalog
Tai
Sinnaanta galmada
Siduu sharciga Finland dhigayo qofna laguma takoori karo jiheytooda galmo awgeed, aqoonsigiisa jinsigiisa (lab ama dheddig) ama muujintooda waxyaabaha galmada xiriir la leh. SETA Ururka Sinnaanta Galmada (Seksuaalinen tasavertaisuus ry) ayaa horumariya sinnaanta, waxyaabaha aan hagaagsaneyn ayey soo wargeliyaan waxayna bixiyaan adeegyo kala duduwan, oo ay ka mid yihiin la talin iyo adeegyo taageero ah oo loogu talagalay dadka ka tirsan qoloyiinka jiheyn galmo ahaan laga tiro badan yahay iyo ehelkooda. Finland waa suurtagal, inay laba nin ama laba naagood ay is diiwaangashadaan sidii wax isqaba. Faahfaahin dheeraad ah oo arrintan ku saabsan waxaad ka heleysaa boggaga wasaaradda caddaaladda.
U madaxbannaanta diinta
Finland waxaa ka jira madaxbannaani xagga diinta ah. Qof waliba diintuu doono haysan karaa oo ku dhaqmi karaa, diintiisana inuu sheegto xaq buu u leeyahay. Qof walba wuxuu xaq u leeyahay, inuu urur diimeed ka tirsanaado ama aanu ka tirsanaan. Qofnabana ma aha inuu waxyaabaha diinta ku lug leh ka qaybqaato, haddii damiirkiisu aanu u ogolayn. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan u madaxbannaanta diinta ee Finland gudeheeda waxaad ka heleysaa boggaga Diinta ee Bangiga wararka.
Takooridda da’da darteed ah
Qofka lama takoori karo da’diisa darteed. Dadka waayeelka ah waxaa laysku dayaa inay gurigooda ku helaan nolol ay iyagu ilaa intii suuragal ah isku filan yihiin. Waxay heli karaa taageerooyin kala duduwan oo ku haboon hadba baahidooda. Faahfaahin dheeraad ah oo mawduuca ku saabsan waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Waayeelka.
Xuquuqda ay carruurtu leeyihiin
Carruurtu waxay xaq u leeyihiin badbaadin gaar ah iyo daryeel gaar ah. Ilmuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu fikradiisa dhiibto. Wuxuu xaq u leeyahay in tixgelin la siiyo, marka laga xaajoonayo arrin isaga saamaysa. Siduu sharciga Finland dhigayo ilmaha in la dilo waa mam-nuuc.
Hawsha badbaadada carruurta ujeeddadeedu waa in ilmaha loo sugo deegaan badbaado leh oo ay ku barbaaraan iyo in barbaariyayaasha lagu taageero hawshooda barbaarinta ah. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Carruurta iyo dhallinyarada.
Xuquuqda ay dadka naafada ah leeyihiin
Qofna lama takoori karo iyadoo sabab looga dhigayo naafonimadiisa. Siduu sharciga sinnaantu dhigayo shaqa bixiyaha iyo qoloyiinka waxbarashada qabanqaabiyaa waa inay kordhiyaan fursadda uu qofka naafada ahi ku heli karo shaqo ama waxbarasho. Arrintan macneheedu waa in xad caqligal ah la qaban-qaabiyo. Tusaale ahaan goobta shaqada waxaa laga dhigi karaa mid qofka naafada ah u sahlan inuu dhex socdo.
Boggaga Guddiga Naafada ee Qaranka waxaa ku qoran warar ku saabsan sharciyada iyo ururada naafada. Warar ku saabsan adeegyada naafada loogu talagalay waxay u qoran yihiin Bangiga wararka boggiisa Naafada.
Meesha aad caawimo ka heleyso, haddii aad la kulanto xaalado cunsuriyad iyo takoorid leh
Bangiga wararka boggiisa Cunsuriyadda iyo takooridda) waxaad ka heleysaa warar ku saabsan cidda ku caawinaysa, haddii aad la kulanto takoorid ama cunsuriyad.