Millaista työtä?
"Shaqadu waa shay wanaagsan, laakiin ha ilaawin nolosha inteeda kale."
(Maahmaah Bantu ah)
Finland qofka shaqadiisu waxay tahay
Markaad shaqo raadinaysid, ee aad ka fekertid nooca shaqada ee aad rabto, waa inaad soo ogaataa xirfad walba waxbarashadeeda iyo xirfadda shaqadeedu waxay waddanka Finland tahay. Waxaa laga yaabaa inay ka duwan yihiin siday waddankaagii ahaan jirtey. Faahfaahin dheeraad ah waxaad weydiisaa xafiiskaaga shaqada.
Barnaamijyo ah xirfad doorashada iyo ka taageeridda qorshaynta shaqaysashada
Internetka waxaa ku jira macluumaad badan oo ku saabsan noocyada xirfadaha kala duduwan: xirfad walba iyo noooca waxbarashada ee laysaga baahan yahay, mushahar noocee ah aya shaqa walba laysku siiyaa, sidee bay u sahlan tahay helitaanka shaqada ee xirfadaha kala duduwan.
Xafiiska shaqada iyo xoogsashada boggagiisa waxaad ka heleysaa warar ku saabsan qorshaynta shaqaysashada, wararkuna waa af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Boggga www.ammattinetti.fi waxaad ka ogaan kartaa noocyo badan oo xirfado kala duduwan ah. Ammattinetti -sivuilla voit tutustua erilaisiin ammatteihin puuttuu: suomeksi ja ruotsiksi.Waxaad kaloo ka heleysaa meelaha laga barto xirfadda aad xiisaynayso iyo nooca horumarkeedu yahay.
Adeegga qorshaynta shaqaysada ee dadka waaweyn loogu talagalay A-URA waxaa laga raadsan karaa wararka ku saabsan shaqada, xirfadaha iyo waxbarashada, waxaana af Finnish ahaan lagu samayn karaa laylisyo tababar ah oo la xiriira qorshaynta shaqaysashada.
Caawimo qof walba gaar u ah oo ah sidii loo dooran lahaa xirfad
Caawimo miyaad ugu baahan tahay sidaad u dooran lahayd xirfad? Waxaad ballan ka qabsan kartaa shaqaalaha dadka ka caawiya xirfad doorashada ee xafiiskaaga shaqada iyo xoogsashada.