Shaqooyinka bannaan
www.helsinkirekry.fi
Shaqooyinka bannaan ee magaalada Helsinki.
www.keikkatyo.fi
Shaqooyinka heshiiskoodu yahay mid wakhti go'an dhammaanaya ee magaalooyinka Helsinki iyo Espoo.
Ganacsi aad adigu leedahay
Helsinki waxaa ka jira goob ah talo siinta shirkadaha ganacsiga waana lacag la'aan waana Adeegyada talo siinta shirkadaha ganacsiga (NYP yrityspalvelut). NYP ganacsadayaasha cusub waxay u qabanqaabisaa waxbarasho, talo siin iyo adeegyo kale.
Caawin xagga shaqa raadinta ah
Helsinki gudeheeda qofka waddanka u soo guurey marka ugu horaysa ee uu xafiiska shaqada imaanayo, wuxuu arrimihiisa ka dhammaystaa Waaxda adeegyada dadka waddanka u soo gurey (Maahanmuuttajapalvelujen yksikkö). Dadka u dhashay waddamada Ururka dhaqaalaha Yurub waxay danahooda ka fushadaan xafiiska shaqada laantiisa Kluuvi ku taalla qaybta shaqa raadinta ee EURES.
Meesha bogga xafiiska shaqada ee Helsinki ”Henkilöasiakkaat” waxaad ka heleysaa mid kugu xiraya Waaxda adeegyada dadka waddanka u soo gurey (Maahanmuuttajapalvelujen yksikkö). Meesha ”Tervetuloa kotisivuillemme” waxaad ka heleysaa mid kugu xiraya xafiisyada ku yaalla xaafadaha kala duwan ee magaalada.