Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Shaqada

Työ

"Shaqadu qofka samaynaya ayey wax bartaa."
(Maahmaah Istooniyaan ah)

Boggagan waxaad ka heleysaa warar ku saabsan dhaqanka shaqada ee Finnishka iyo warar ku saabsan meesha aad shaqo ka heli karto, sida aad shaqo u dalban karo, iyo weliba meesha aad taageero ka heli karto, haddii aad shaqo la’aan noqoto. Sidoo kale boggaga waxaa ku qoran warar ku saabsan xirfadaha kala duduwan, noocyada shaqooyinka kala duduwan, sida ganacsi loo samaysto, shaqooyinka bannaan, ururada shaqaalaha, canshuuraha, badbaadada hawlgabka iyo daryeelka caafimaadka shaqaalaha.

Ma ku talo jirtaa inaad shaqo darteed Finland ugu soo guurto?

Fiiri fiidyowga ku saabsan Finland ee uu soo saaray maamulka shaqadu (työhallinto), fiidyowgu waa af Ingiriis, af Bolandiis ama af Roomaaniyaan.

Boggaga Finnwork waxaa ku jira warar ku saabsan sharciyada nolosha shaqada ee Finland

Boggaga Finnwork ee wasaaradda shaqada iyo xoogsashada waxaa ku jira warar loogu talagalay shaqabixiyayaasha shaqaaleeya dadka ajnebiga ah iyo warar loogu talagalay dadka shaqo darteed u imaanaya Finland iyo dadka ajnebiga ah ee Finland deggan.

Boggaga waxaa iyagoo ku qoran af Finnish, af Ingiriis, af Iswiidhish,af Istooniyaan iyo af Ruush lagu sheegayaa waxyaabo ku saabsan sharciyada nolosha shaqada, sharciyada lagu shaqaysto ee loo baahan yahay iyo dhaqanka shaqada ee Finnishka. Waxaa ku qoran warar ay ka mid yihiin sida loo galo heshiiska shaqada iyo mushaharadu intay ugu yaraan noqon karaan iyo weliba warar ku saabsan canshuuraha iyo badbaadada arrimaha bulshada.

Boggaga wasaaradda shaqada iyo xoogsashada  waxaa kaloo ku jira qoraal tilmaanbixiye ah oo la yiraahdo tilmaanbixiyaha Finland shaqo u imaansho (Suomeen työhön –opas),tilmaanbixiyaha waxaa ku oran warar aasaasi ah oo ku saabsan ku noolaanshaha iyo ka shaqaynta Finland gudeheeda, wararku waa luuqadahan soo socda (pdf, 1,4 MB, 40 bog):

Finnish
Iswiidhish
Ingiriis
Istooniyaan
Ruush
Faransiis
Bolandiis

U barbar dhigidda iyo aqoonsahada shahaadada

Ma Finland baad shaqo ka raadinaysaa oo waxaad rabtaa inaad ku shaqaysato, shahaado aad waddan kale ka soo qaadatay? Guddiga waxbarashada (Opetushallitus) ayaad ka dalban kartaa in shahaadadaada laguu qiimeeyo (rinnastaminen), waa haddii aad shahaadadaada jaamacadeed ka soo qaadatay waddan ka baxsan waddamada Ururka Midowga Yurub (EU) iyo Ururka Dhaqaalaha Yurub (ETA). Haddii aad shahaadaddada ka soo qaadatay waddan ah Ururka Midowga Yurub ama Ururka Dhaqaalaha Yurub, waxaad dalbanaysaa in shahaadadaada la aqoonsado (tunnustaminen).

xuquuqda ku shaqaysashada xirfadda

Xirfadaha qaarkood intaadan shaqadooda Finland ka bilaabin ka hor waxaad u baahan tahay xuquuqda ku shaqaysashada xirfadda. Xirfadaha noocaas ah waxaa ka mid ah, tusaale ahaan xirfadaha daryeelka caafimaadka. Boggaga Guddiga waxbarashada ayaad ka heleysaa warar ku saabsan xirfadahan iyo meelaha aad ka dalban karto xuquuqda ku shaqaysashada xirfadahan.

Sharciga sinnaanta iyo nolosha shaqada dhexdeeda sinnaanta ka jirta

Sharciga sinnaanta (Yhdenvertaisuuslaki) ayaa mabnuucaya takooridda tusaale ahaan shaqo u qaadashada iyo waxbarashada. Warar mawduuca ku saabsan oo luuqadaha soo socda ah: (pdf, 345 kb, 18 bog):

Finnish (pdf)
Iswiidhish (pdf)
Ingiriis (pdf)
Saame (pdf)
Ruush (pdf)
Carabi (pdf)
Soomaali (pdf)
Isbeynn (pdf)
Faransiis (pdf)

Haddii aad rabto faahfaahin dheeraad ah oo af Finnish ah oo ku saabsan nolosha shaqada, xeerarka sharciyada, xuquuqaha iyo waajibaadyada, heshiisyada shaqada iwm. arrimaha la xiriira shaqada.

Boggaga wasaaradda arrimaha gudaha (sisäasiainministeriö) waxaad ka heleysaa macluumaad faa'iido kuu leh oo ku saabsan arrimaha u soo guuridda waddanka.

Siduu sharciga Finland dhigayo ragga iyo dumarku way siman yihiin. Ragga iyo dumarka waa sinnaan leh loola dhaqmaa marka qof  la shaqaalaynayo, xaaladda shaqada iyo mushaharka. Nolosha shaqada qofnaba si gaar ah loolama dhaqmi karo uur ama waalidnimodarteed.

Bangiga wararka boggiisa Cunsuriyada iyo tarkooridda waxaad ka heleysaa warar ku saabsan meesha caawimo laga helo, markay jirto xaalad takoorid ah.