Seksuaalisuus
Qorshaynta qoyska
Qaybta la talinta ee xagga ka hortagga uurka ee rugta caafimaadka ayaad ka heleysaa caawimo ku saabsan xagga qorshaynta qoyska (perhesuunnittelu) iyo ka hortagga uurka (ehkäisy).
Waxyaabaha uurka lagaga hortago waxad ka gadan kartaa farmashiyada, dukaamada cuntada iyo kioskiyada.
Warar ku saabsan noocyada hababka kala duduwan ee ka hortagga uurka
Adeegyada gaynokolojiga
Rugtaada caafimaadka weydii waxyaabaha ku saabsan baaritaanada gaynokolojiga. Si toos ahna waad ula xiriiri kartaa dhakhaatiirta barayfitka. Dumarku waxay dalban karaan in dhakhtarka qaabilayaa uu noqdo qof dumar ah. Baaritaanka uurka waxaa lagu samayn karaa rugta caafimaadka ama adigaa farmashiyaha ka soo iibsan kara qalabka lagu ogaado oo sidaas ayaad ku ogaan kartaa.
Warar ku saabsan uurka waxaad ka heleysaa bogga Markaad uur leedahay.
Sukupuolitaudit
Xarunta taageerada ee AIDS (AIDS-tukikeskus) waxay taageertaa dadka uu ku dhacay cudurka HIV-ga, dadka ehelkooda ah iyo dadka welwelka ka qaba cudurka. La talin telefoon ah oo waddanka oo dhan ka jirta oo ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis Isniin-Jimce saacadaha 10 –15.30 (10-ka subaxnimo ilaa 3.30-ka galabnimo), tel. 0207 465 705.
Qoraal la yiraahdo Nolosha qofka qaba cudurka HIV (Elämä hiv-positiivisena –esite) (468 kb, pdf)
Ingiriis
Faransiis
Soomaali
Ruush
Qoraalka Isbadbaadi (Suojaa itsesi –esite) (935 kb, pdf)
Ingiriis
Faransiis
Soomaali
Thai
Ruush
Aborshanka
Aborshanka waxaa Finland la samayn karaa, haddii dhalliinku uu khatar u keenayo caafimaadka naagta iyo haddii uurka iyo dhalmadu ay dhibaato weyn u keenayaan nolosha qofka dumarka ah. Haddii naagtu ka yar tahay 17 sano ama ka weyn tahay 40 sano, aborshan way heleysaa, hadday rabto.
Ilma iska soo ridida ama aborshinka waa in la sameeyo inta ka horeysa usbuuca 12 aad ee uurka. Haddii ay jiraan sababo culus oo in la tixgeliyo mudan waqtigaas la soo sheegay kabacdi waa la sameyn karaa soo ridida, laakiin markaas waxaad u baahantahay ruqsada gaarka ah ee hay'ada ruqsada iyo komeerka u qaabilsan qaybaha caafimaadka iyo arrimaha bulshada (Valvira). Ruqsada hay'ada ruqsooyinka iyo kormeerka sidoo kale waxaad u baahantahay markii soo ridida loo sameynyo jiro xun ama curyaanimo daran oo ilmaha caloosha kujira ay qabaan awgeed. Weydii wixii dheeraad ah dhakhtarka rugtaada caafimaadka (terveysasema).
Gudniinka
Gudniinka gabdhuhu waa dembi Finland. Ciqaabtiisuna waxay noqon kartaa sannado badan oo xabsi ah. Warar mawduuca ku saabsan oo luuqadaha soo socda ah:
Finnish
Iswiidhish
Soomaali
Ingiriis
Gudniinka wiilashu mabnuuc ma aha. Laakiin wiilku hadduu yahay da’da iskuulka lama gudi karo haddii aanu isagu rabin. Degmooyinka qaar meelaha caafimaadka ee dowlada waxaa wiilasha lagu gudaa oo keliya haddii ay jirto sabab caafimaad. Gudniinka waxaa lagu samayn karaa meel ay xaaladeedu tahay in la sugi karo in uu ilmuhu helayo aqoonyahan xagga caafimaadka ah oo, naadafadeeduna tahay mid buuxda ilmuhuna waa inuu helaa wax xanuunka iyo kaarka ka baabi’iya.
U jiheysnaanta sekshiwalka iyo aqoonsashada jinsiga lab ama dheddig
Siduu sharciga Finland dhigayo qofna lama takoori karo siduu sekshiwal ahaan u jiheysan yahay awgeed, aqoonsigiisa jinsigiisa (lab ama dheddig) ama muujinta jinsigiisa darteed. SETA eli Seksuaalinen tasavertaisuus ry (Ururka Sinnaanta Sekshiwaal ahaan ayaa horumariya sinnaanta, waxyaabaha aan hagaagsaneyn ayey soo wargeliyaan waxayna bixiyaan adeegyo kala duduwan, oo ay ka mid yihiin la talin iyoadeegyo taageero ah oo loogu talagalay dadka ka tirsan qolyaha tiro ahaan laga badan yahay ee xagga sekshiwalka iyo jinsiga lab ama dheddig ahaan iyo ehelkooda.
Finland laba nin ama laba naagood ay is diiwaangashadaan sidii wax isqaba. Faahfaahin dheeraad ah oo arrintan ku saabsan waxaad ka heleysaa boggaga wasaaradda caddaaladda.
Warar ku saabsan sida ay laba qof oo ajnebiga ah xiriirkooda sharci ahaan u diwaangelinayaan, oo ku qoran luuqadahan soo socda:
Finnish
Iswiidhish