Perhe
Siduu sharciga Finland dhigayo ragga iyo dumarku way siman yihiin. Shaqaalaha maamulka dowladda waa inay horumariyaan sinnaanta ragga iyo dumarka. Wakiilka sinnaanta (Tasa-arvovaltuutettu) ayaa ilaaliya in sharciga lagu dhaqmo. Wakiilka sinnaanta ayaad wixii talooyin ah oo ku saabsan arrimaha sinnaanta weydiin kartaa
Hay’adda dadka ayaa waxay caawimaad u fidisaa qoysaska dalka u soo guuray iyo qoysaska dhamamada badan. Waad la xiriiri kartaa Hay’adda dadka marka aad dhib kala kulanto tusaale ahaan barbaarinta carruurta ama xiriirka lamaanaha. Macluumaadka waxqabadka Hay’adda dadka ee dadka dalka u soo guuray loogu talagalay oo ku qoran finnish, iswiidhish iyo ingiriis.
Mashuuraca Duoprojecti ee Familia club wuxuu caawimaad iyo talooyinba u fidiyaa qoyska laba dhaqanlaha ah.
Bogagga Familia club
waxaa laga helaa hage qoyska laba dhaqanlaha ah loogu talagalay. Hagahaas waxaa lagu falanqeynayaa xiriirka lamaanaha iyo barbaarinta carruurta. Hagahaas waxaa lagu helayaa luqadaha finiish, ingiriis, faransiis, ruush iyo thai.
Qoyska ilmaha leh wuxuu dalban karaa kaalmooyin kala duduwan. Waxaana looga hadlayaa boggaga Markaad uur leedahay iyo kuwa Carruurta iyo dhallinyarada.
Xaaladda dhibaatooyinka ah fiiri bogga Dhibaatooyinka qoyska.
Ururka waalidka keli ahaan masuulka ah iyo waalidka masuuliyaddu ka dhaxayso (Yksinhuoltajien ja yhteishuoltajien liitto) ayaa qabanqaabiya waxqabadyo, waxaana laga helaa warar loogu talagalay qoysaska halka waalid leh. Ururka qoysaska Qaansaroobaadku (Sateenkaariperheet ry) waa urur ay leeyihiin walidiinta Finland ee dumarka khaniisiinta ah, kuwa ragga iyo dumarkaba u taga, trans (ragga xirta dharka dumarka iyo dumarka xirta dharka ragga) iyo nimanka khaniisiinta ah iyo carruurtooda. Ururku wuxuu qabanqaabiyaa waxqabadyo, wararna waa laga helaa. Goobta taageeridda tras (Transtukipiste) shaqaale arrimaha qoysaska ah ayaa talooyin siiya dadka qof qoyskooda ka tirsani yahay qolyaha sekshiwali tirada yar.
Qorshaynta qoyska
Caawimo ah qorshaynta qoyska iyo ka hortagga uurka waxaad ka heleysaa rugaha caafimaadka iyo rugaha talasiinta qoysaska iyo ka hortagga uurka. Waxyaabaha uurka lagaga hortago waxaad ka gadan kartaa tusaale ahaan dukaamada cuntada iyo farmashiyada.
Warar ku saabsan hababka kala duwan ee ka hortagga uurka