Pakolaiset ja turvapaikanhakijat
Qaxootiga
Finland waxaa sannad walba yimaada qaxooti la soo qaato. Qaxootiga la soo qaato waa dad laga soo doortay dad qaxootinimo loo ogolaaday. Qaxootinimada waxaa bixiya UNHCR, xafiiska wakiilka sare ee arrimaha qaxootiga ee Qaramada Midoobey (UN). Faahfaahin dheeraad ah oo qaxootiga la soo qaato ku saabsan waxaad ka heleysaa boggaga Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka (Maahanmuuttovirasto). Wasaaradda arrimaha gudaha boggageeda waxaa ku qoran warar ku saabsan Finland iyo nidaamka qaabilaada oo loogu talagay qaxootiga la soo qaatay, waana luuqadaha soo socda:
Ku soo dhawow Finland - aqoon aasaasi ah oo ku saabsan Finland (Tervetuloa Suomeen - perustietoa Suomesta)
Finnish
Ingiriis
Farsi
Kurdi
Carabi
Boggaga Hay’adda Caawinta Qaxootiga ee Finland (Suomen pakolaisapu) boggageeda waxaa ku qoran warar badan oo ku saabsan dadka qaxootiga ah iyo dadka magangelyada codsaday.
Magangelyo codsadayaasha
Kuwa magangelyada dalbaday waa qofka, waddan shisheeye magangelyo ka dalbada, maadaama waddankiisa uu kula kulmay caddaadin. Sababta caddaintu waxay noqon kartaa diintiisa, jinsigiisa, dhalashadiisa, fikradiisa siyaasadeed ama dabaqadda bulshada ee uu ka tirsan yahay awgeed.
Magangelyada waxaa iyadoo qoraal ah laga dalbadaa qolada xadka baasaboorada baarta ama booliska. Codsiga waa inaad, markaad Finland soo gasho, ama muddo yar ka dib dhiibtaa. Waa muhiim inaad si sax ah u sheegto sababaha aad magangelyada u dalbanayso.
Markaad magangelyada dalbato, waxaad xaq u leedahay, inaad Finland joogto ilaa inta codsigaaga go’aan laga gaarayo. Wakhtigaas waddanka kama bixi kartid. Haddi kale waxaa loo arkayaa, in codsigaagu uu baab'ay, oo codsigaaga waxba kama jiraan. Meel aad ku noolaatana waxaa lagaa siinayaa xeryaha qaxootiga ee ku yaalla meelo kala duwan oo Finland ah. Haddii aad muddo dheer ka maqnaanayso, degmada aad deggan tahay, waa inaad shaqaalaha maamulka ee arrintaada qaabilsan ogeysiisaa.
Magangelyada ka sakow, qofka ajnebiga ah ee Finland joogaa wuxuu heli karaa sharciga joogidda waddanka oo loo siinayo, sabab ah inuu badbaado u baahan yahay.
Caawimo iyo talooyin
Talooyinka nolol maalmeedka ku saabsan waxaad weydiin kartaa shaqaalaha xerada qaxootiga. Haddii aad u baahan tahay caawimo xagga sharciga ah, waxaad weydiisan kartaa Waaxda la talinta qaxootiga (Pakolaisneuvonta). Sidoo kale Wakiilka dadka tirada yar (vähemmistövaltuutettu) waad weydiin kartaa talo. Dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda waxaa kaa caawinaya Xarunta SOS ee waaxda ajnebiga (SOS-keskuksen Ulkomaalaisten kriisipalvelu). Qaybta lambarkeeda telefoonka ee dhibaatooyinka degdegga ahi waa (09) 41350 501, waxaana la soo wici karaa maalmaha shaqadu jirto saacadaha 9-3.00 galabnimo (9-15.00). Dadka jir dilka lagu sameeyey waxaa caawiya Xarunta baxnaaninta dadka jirdilka lagu sameeyey (Kidutettujen kuntoutuskeskus).
Qoyska
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan siduu qoyskaagu Finland ku imaan karo waxaad ka heleysaa boggaga Waaxda la talinta qaxootiga meesha Midaynta qoyska ”Perheenyhdistäminen” iyo boggaga Ururka laanqayrta Cas ee Finland (Suomen Punainen Risti) Waxaad kaloo talo weydiin kartaa Ururka laanqayrta Cas ee Finland.
Faahfaahin dheeraad ah
Faahfaahin dheeraad aha oo ku saabsan dalbashada magangelyada, go’aan ka gaaridda codsiga iyo waxyaabaha kale e magangelyo dalbashada la xiriira waxaad ka heleysaa boggaga Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka iyo boggaga Waaxda la talinta qaxootiga.
Boggaga Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka waxaa ku jira warar ku qoran luuqadahan soo socda oo loogu talagalay kuwa magangelyada dalbaday:
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis
Ruush
Albaaniyaan
Return home – Practical guide for a returnee waa buug af Ingiriis ku qoran oo ka sheekaynaya sida qofku isagu iskiis ugu noqon karo waddankiisii