Pakolaiset ja turvapaikanhakijat
Qaxootiga
Finland waxaa sannad walba yimaada qaxooti la soo qaato. Lama codsan karo qaxootiga la soo qaato. Qaxootiga la soo qaato waa dad laga soo doortay dad qaxootinimo loo ogolaaday. Qaxootinimada waxaa bixiya UNHCR, xafiiska wakiilka sare ee arrimaha qaxootiga ee Qaramada Midoobey (UN). Dawladda Finnishka ayaa go’aamiyo caddaadka la ogol yahay ee qaxootida.
Faah-faahin dheeraad ah oo qaxootiga la soo qaato ku saabsan waxaad ka heleysaa boggaga Xafiiska Hijrada Finnishka (Maahanmuuttovirasto) wuxuu ku qoran yahay af Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis.
Boggaga Hay’adda Caawinta Qaxootiga ee Finland (Suomen pakolaisapu) boggageeda waxaa ku qoran warar badan oo ku saabsan dadka qaxootiga ku qoran af Finnish.
Magangelyo codsadayaasha
Kuwa magangelyada dalbaday waa qofka, waddan shisheeye magangelyo ka dalbada, maadaama waddankiisa uu kula kulmay caddaadin. Sababta caddaadintu waxay noqon kartaa diintiisa, jinsigiisa, dhalashadiisa, fikradiisa siyaasadeed ama dabaqadda bulshada ee uu ka tirsan yahay awgeed.
Magangelyada waxaa iyadoo qoraal ah laga dalbadaa qolada xadka baasaboorada baarta ama booliska. Codsiga waa inaad, markaad Finland soo gasho, ama muddo yar ka dib dhiibtaa. Waa muhiim inaad si sax ah u sheegto sababaha aad magangelyada u dalbanayso.
Markaad magangelyada dalbato, waxaad xaq u leedahay, inaad Finland joogto ilaa inta codsigaaga go’aan laga gaarayo. Wakhtigaas waddanka kama bixi kartid. Haddi kale waxaa loo arkayaa, in codsigaagu uu baab'ay, oo codsigaaga waxba kama jiraan. Meel aad ku noolaatana waxaa lagaa siinayaa xeryaha qaxootiga ee ku yaalla meelo kala duwan oo Finland ah. Haddii aad muddo dheer ka maqnaanayso, degmada aad deggan tahay, waa inaad shaqaalaha maamulka ee arrintaada qaabilsan ogeysiisaa.
Adeegga Hijrada Finnishka ayaa go’aamiso magangelyada.
Qofka magangelyo codsada waxaa la siiyaa aqoonsi qaxooti, haddii uu ka baxo sharuudaha lagu noqdo qaxooti. Magangelyada ka sakow, qofka ajnebiga ah ee Finland joogaa wuxuu heli karaa sharciga joogidda waddanka oo loo siinayo, sabab ah inuu badbaado u baahan yahay tusaale ahaan, markii ay ayada/asaga ku laabtaan dalkooda dagaal awgeed.
Haddii go’aanka magangelyada uu yahay mid diidmo ah codsaduhuna uusan sababo kale ku helin ogolaanshaha joogitaanka, codsadaha waxaa loo celin doonaa dalka uu ka yimid. Go’aanka Dublin waxaa loola jeedaa in codsadaha lagu celin doono dal kale ee EU. Codsadaha wuxuu Maxkamada Hawlaha Maamulka ee Helsinki ka samayn karaa rafcaan kadibna waxay Maxkamada Sare ee Hawlaha Maamulka ka dalban karaan fasaxa rafcaanka.
Caawimo iyo talooyin
Talooyinka nolol maalmeedka ku saabsan waxaad weydiin kartaa shaqaalaha xerada qaxootiga. Haddii aad u baahan tahay caawimo xagga sharciga ah, waxaad weydiisan kartaa Waaxda la talinta qaxootiga (Pakolaisneuvonta). Sidoo kale Wakiilka dadka tirada yar (vähemmistövaltuutettu) waad weydiin kartaa talo. Dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda waxaa kaa caawinaya Xarunta SOS ee waaxda ajnebiga (SOS-keskuksen Ulkomaalaisten kriisipalvelu). Qaybta lambarkeeda telefoonka ee dhibaatooyinka degdegga ahi waa (09) 41350 510, waxaana la soo wici karaa maalmaha shaqadu jirto saacadaha 9-3.00 galabnimo (9-15.00). Dadka jir dilka lagu sameeyey waxaa caawiya Xarunta baxnaaninta dadka jirdilka lagu sameeyey (Kidutettujen kuntoutuskeskus).
Lambarada Adeegga Hijrada Finnishka
Wicitaanyada waxaa laga jawaabaa Talaado, Arbaco iyo Khamiis 10.00-11.00
Codsiyada magangelyo iyo deganaansho ku xiran, wac 071 873 3680
Caddaadka la ogol yahay ee qaxooti, dejinta degmooyinka iyo codsadayaasha magangelyo oo aan qaan-gaar eheen iyo kaligooda yimid, wac 071 873 3690
Dokumentiyada socdaalka iyo baasaboorka ajnabiga qaxootida, wac 071 873 3640
Qoyska
Faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan siduu qoyskaagu Finland ku imaan karo waxaad ka heleysaa boggaga Waaxda la talinta qaxootiga meesha Midaynta qoyska ”Perheenyhdistäminen” iyo boggaga Ururka laanqayrta Cas ee Finland (Suomen Punainen Risti) af Finnish iyo Iswiidhish. Waxaad kaloo talo weydiin kartaa Ururka laanqayrta Cas ee Finland.
Macluumaad ku saabsan ogolaanshaha joogitaanka ee xiriirka qoyska waxaad ka heleysaa bogagga internetka ee Xafiiska dal u soo guuridda iyagoo ku qoran finnish, iswidish iyo ingiriis.
Faah-faahin dheeraad ah
Faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan dalbashada magangelyada, go’aan ka gaaridda codsiga iyo waxyaabaha kale e magangelyo dalbashada la xiriira waxaad ka heleysaa boggaga Xafiiska Hijrada Finnishka iyo boggaga Waaxda la talinta qaxootiga.
Boggaga Xafiiska Hijrada Finnishka waxaa ku jira warar ku qoran luuqadahan soo socda oo loogu talagalay kuwa magangelyada dalbaday:
Soomaali
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis
Faransiis
Ruush
Albaaniyaan
Kurd
Dari
Waxaad Adeegga Hijrada Finnishka telefoon ka codsan kartaa warar ku saabsan codsiyada fasaxa deganaanshada oo ku salaysan xiriir qoys: Talaadada, Arbacada iyo Khamiista 10.00-11.00, telefoonka waa 071 873 3750.
Haddii aad Finland ku joogto qaxootinimo, megengelyodoonimo ama ogolaansho la’aan islamarkaasna aad dooneyso inaad ku laabato dalkaada, arrintan kaalmo ayaad u heli kartaa. Waxaad macluumaad ku saabsan iskaa u noqoshada tusaale ahaan hay’adda caalamiga ah ee muhaajiriinta (IOM), xarumaha qaabilaadda ama degmadaada.
Haddii aad dooneyso inaad ku laabato wadankaadi ama aad ka fekereyso dib u laabasho, weydii talo shaqaalaha sooshaalka ee xaruntaada qaabilaadda ama degmadaada ama Xafiiska IOM ee Helsinki. Waxaa suurtagal inaad sidoo kale hesho kaalmo iyo caawimaad dhinaca qabanqaabada safarka ah.
Macluudka iskaa dib u noqoshada ah oo ku qoran luqadaha finnish iyo ingiriis. Halka lagala xiriiro xafiiska hay’adda caalamiga ah ee muhaajiriinta xafiiskeeda Helsinki oo ku qoran ingiriis.