Politiikka ja hallinto Suomessa
Nidaamka siyaasadda
”Waxaa ka fudud maamulka boqortooyo markii loo bar-bardhigo maamulka qoyskaaga”
(Maah-maah Shiino)
Finland waa jamhuuriyad dimuqraadi ah. Madaxweynaha shacabka ayaa si toos ah loo doorta lixdii sanaba mar. Wakhtigan hadda la joogo madaxweynaha Finland waa Sauli Niinistö (2012–2018).
Finland waxay leedahay golaha shacabka, oo xubnihiisu ka kooban yihiin 200. Golaha shacabka afartii sanaba mar baa la doortaa.
Raysalwasaaraha iyo wasiirada kale oo golaha shacabku doorto waxay noqdaan Golaha dowladda, oo isticimaala maamulka dowlada iyagoo si wadajir ah u kaashanaya madaxweynaha jamhuuriyadda.
Finland waa waddan xubin ka ah Midowga Yurub. Xildhibaanada Finnishka ee barlamaanka Midowga Yurub shantii sanoba mar baa la doortaa.
Maamulka dowladda iyo maamulka degmooyinka
Finland gudeheeda maamulka dowladdu wuxuu u qaybsamaa maamulka dhexe ee dowladda iyo maamulka daakhiliga iyo degmooyinka. Maamulka dhexe ee dowladdu waa golaha dowladda iyo hay’adaha dhexe ee waddanka oo dhan ka jira tusaale ahaan xarunta dhexe ee diwaanka dadka (väestörekisterikeskus) iyo Hay’adda Hawlgabka Qaranka (KELA).
Maamulka degmooyinka iyo maamulka daakhiligu waa hay’adaha maamulka ee hawlohoodu ku kooban yihiin deegaanka ama degmada, tusaale ahaan xarumaha maamulka degmooyinka iyo xarumaha shaqada iyo maciishad la soo bixidda iyo Xarumaha Horumarka Dhaqaale, Gaadiidka iyo Bey’edda (xarumaha ELY). Hay’adaha dowladda ee degmooyinka ka dhisan waxay si wadajir ah ula shaqeeyaa shaqaalaha maamulka ee degmooyinka.
Degmooyinku waxay Finland leeyihiin ismaamul daakhili ah. Degmooyinku waxay dadka ku nool u qabanqaabiyaan adeegyada aasaasiga ah ee sharcigu dhigayo inay dadku helaan. Cidda ugu saraysa ee degmada arrimeheeda go’aanka ka gaartaa waa golaha degmada, kaas oo lagu doorto doorashada golaha degmooyinka oo afartii sanaba hal mar la qabanqaabiyo.
Faahfaahin dheeraad ah ka akhriso boggaga Finland (Suomi.fi)
Meelo kugu hagaajinaya boggag faa’iido leh
Warar ku saabsan doorashooyinka af Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis
Warar ku saabsan dimuqraadiga iyo siday dadka shacabka ahi saamayn wax ugu yeelan karaan (af Finnish, Iswiidhish, Ingiriis, Ruush, Carabi, Soomaali, Istooniyaan iyo Albaniyaan.)
Warar ku saabsan siday dadka shacabka ahi saamayn ugu yeelan karaan arrimaha degmooyinka (Vallakas af Finnish iyo Iswiidhish)