Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Nidaamka waxbarashada

Koulutusjärjestelmä

"Haddii aad sannadkiiba mar qorshe samaysato, markaas bariis beero; haddii qorshahaagu yahay toban sannadood, waa inaad dhir abuurataa; haddii aad noloshaadoo dhan qorshe u samaysanayso, markaa waa inaad dadka waxbartaa."
(Maahmaah Shiinays ah)

Nidaamka waxbarashada ee Finland wuxuu u kala baxaa waxbarashada aasaasiga ah, waxbarashada heerka labaad, waxbarashada heerka sare iyo waxbarashada dadka waaweyn.

Boggaga Guddiga waxbarashada (Opetushallitus) waxaad ka heleysaa shaxan ay ku qoran yihiin warar guud oo ku saabsan nidaamka waxbarashada ee Finland. Boggaga waxaa ku jira warar ku qoran luuqadahan soo socda:

Finnish
Iswiidhish
Ingiriis

Meesha wararka xirfadaha ee dadka waddanka u soo guurey loogu talagalay (Maahanmuuttajan ammatti-info) waxaad ka raadsan kartaa wararka ku saabsan nidaamka waxbarashada ee Finland. Qoraalladu meesha ku qoran waa kuwo fudud, adeegguna wuxuu leeyahay eray bixin. Wararka xirfadaha waxaa soo saaray magaalada Tampere.

thisisFinland boggageeda waxaa ku jira warar ku saabsan waxbarashada Finland oo luuqadaha soo socda ah:

Ingiriis
Ruush