Kun olet raskaana
"Ilmuhu isagaa risiqiisala yimaada."
(Maahmaah Finnish ah)
Rugta daryeelka hooyada
Rugta daryeelka hooyada hawsha ay u xilsaaran tahay waa inay kor u qaado naagta uurka leh, ilmaha caloosha ku jira ama dhashay iyo qoyska ilmaha sugaya oo dhan caafimaadkooda iyo nolol wanaagooda.
Naagtu waa inay rugta daryeelka hooyada (äitiysneuvola) tagtaa isla markay uurka yeelato ama inta aanay dhammaan bisha 4aad ee uurku. Rugta daryeelku waxay ka taxadertaa oo la socotaa caafimaadka hooyada uurka leh iyo ilmaha, waxayna hooyooyinka iyo aabbayaasha u qabanqaabisaa tababarada u diyaar garowga ummusha. Adeegyadanina macaamiisha lacag la’aan ayey u yihiin. Warar mawduuca ku saabsan waxay ku yaallaan boggaga Wasaaradda arrimaha bulshada iyo Caafimaadka af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Rugta daryeelka ilmaha
Markuu ilmuhu dhasho, dhakhtarka iyo kalkaalisada caafimaadka ee rugta daryeelka carruurta (lastenneuvola) ayaa waxay ka taxaderaan daryeelka caafimaadka ilmaha iyo tallaaladiisa. Warar mawduuca ku saabsan waxay ku yaallaan boggaga Wasaaradda arrimaha bulshada iyo Caafimaadka af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Rugtaada caafimaadka weydii adeegyada laga helo rugaha daryeelka.
Kaalmada hooyonimada
Markay naagtu uur leedahay, ayna si joogto ah Finland u deggan tahay, waxay heli kartaa kaalmada hooyanimada (äitiysavustus) iyadoo shuruudo ku xiran. (warar ah af Iswiidhish iyo af Ingiriis). Boggaga Kelada ayaa waxa ku jira wararku saabsan, qofka marka loo arkayo inuu Finland deggan yahay (af Finnish, af Iswiidhish, af Ingiriis). Kaalmada hooyanimada waxaa loo heli karaa lacag ahaan iyadoon la canshuurayn ama iyadoo ah baakadda hooyanimada (äitiyspakkaus) (warar ah af Iswiidhish iyo af Ingiriis).
Lacagta hooyonimada
Hooyada uurka leh waxay xaq u leedahay lacagta hooyanimada (äitiysraha), (warar ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis), haddii ay Finland si joogto ah u degganayd muddo dheer oo ah wakhtaga shuruuda ah.
Buugga ilmaha Finland ku dhasha (Vauva syntyy Suomessa –opas (doc ama pdf)oo ku qoran luuqadah soo socda:
Finnish
Albaaniyaan
Carabi
Ingiriis
Kurdi
Farsi
Iswiidhish
Serbokroati
Buugga Ilmo ayaa noo dhalanaya (Meille tulee vauva –opas) (soosaare Wakaaladda caafimaadka iyo nolol wanaaga = Terveyden ja hyvinvoinnin laitos)
Finnish (1,5 mb, pdf)
Iswiidhish (1,6 mb, pdf)
Ingiriis (1,6 mb, pdf)
Tilmaamo la xiriira ummulidda iyo daryeelka ilmaha yar ee dhashay oo ku qoran luuqado badan (soosaare Isbitaalka Dhexe ee Jaamacadda Turku).
Bogga Carruurta iyo dhallinyarada waxaa ku qoran warar ku saabsan kaalmooyinka ay qoyska ilmaha leh dalban karaan.
Ma adigoo xaalad adag oo nolosha ah ku jira ayaad uur leedahay?
Haddii aad uur leedahay oo aad u aragto in aadan isku filnaan karin,waxaad la xiriiri kartaa Guriga ugu horeeya (ensikoti). Ensikotiga qoysaska ayaa laga taageeraa waxyaabaha ku saabsan waalidnimada iyo siday nolosha uga adkaan lahaayeen. Hooyadu waxay ensikotiga imaan kartaa markay uurka leedahay amaba iyadoo ilmaheeda yar wadata.
Ma adigoon nin haysan baad uur leedahay? Sidoo kale boggaga Ururka masuulka kelida ah iyo masuul ka wada noqoshada (Yksinhuoltajien ja yhteishuoltajien liitto) ayaa waxa ku yaalla warar af Finnish ah oo mawduucan ku saabsan.
Warar aborshanka ah waxay ku jiraan bogga Sekshiwalka ee Bangiga wararka.