
|
Kun muutat
"Marka hore dooro ciddaad deris la noqonayso, ka dibna dooro guriga aad degeyso; markaad safar aadeysana marka hore dooran cidda ku raacaysa, ka dibna dooro jidka aad marayso."
(waa maahmaah Carabtu leedahay)
Waxyaabaha ay tahay inaad xasuusato, markaad guureyso
- Xasuuso, inaad guriga aad ka guureyso heshiiskiisa ijaarka wakhti fiican iska kansasho. Warqadda heshiiska ijaarka ka fiiri wakhtiga iska kansalidda heshiiska gurigu intuu yahay. Waxaa wanaagsan inaad guriga iska kansasho, markaad guriga kale ee aad heshay heshiiskiisa oo qoraal ah aad saxiixdo.
- Laynka internetka iyo telefoonka laguu wareejinayo waxaa wanaagsan inaad qolada aad ka soo furatay wakhti fiican kala heshiiso. Sidaas baad kaga badbaadaysaa inay laymanku si macno darro ah kaaga go’.
- Xasuuso, inaad shirkadda korontada ee aad heshiiska la leedahay u sheegto inaad guureyso. Biilka korontada intay kugu leeyihiin ka codso inay kuu soo diraan. Isku day inaad ogaato, in shirkadda gurigu ay heshiiska korontada la leedahay shirkad koronto oo gaar ah iyo inaad adigu iskaa u dooran karto shirkadda aad heshiiska korontada la geleyso. Heshiiska cusub ee koronta samee intaadan guurin qiyaastii laba todobaad ka hor.
- Mar walba oo aad guurto waa inaad guuritaanka u sheegtaa xafiiska diiwaangelinta (maistraatti). U sheegidda waxaad ku dhammayn kartaa boggaga u sheegidda (Muuttoilmoitus.fi), ama telefoon ahaan, ama adigoo buuxbuuxinaya foom laga helo meelo ay ka mid yihiin boostada, xafiiska diiwaangelinta ama xafiisyada Hay’adda Hawlgabka Qaranka ee loo yaqaan (Kela). Markaad guri ka guureyso ama aad guri u soo guureyso waa inaad ogeysiisaa shirkadda qaabilsan daryeelka guryaha.
- Ka feker inaad u baahan tahay inaad sakatuurada albaabka u baahan tahay inaad iska beddesho ama aad furayaal cusub u samaysato. Markaad guri ka guurto, guriga farayaashiisa oo dhan u dhiib qofka guriga iska leh ama shirkadda guriga qaabilsan (isännöitsijä).
- Wakhti fiican diyaarso baabuurka aad ku guureyso iyo dad alaabta kula rara. Qiimo xoogaa raqiis ah baad ku soo ijaaran kartaa baakado alaabta lagu gurto marka la guurayo. Meesha baakadaha laga ijaarto telefoonkooda iyo cinwaankooda waxaad ka heleysaa Internetka ama buugga telefoonada ee boggaga jaallaha ah leh ayaad ka heleysaa) shirkadaha dadka rara. Ama waxaad kaloo samayn kartaa, dukaamada ayaad ka soo qaadan kartaa baakadaha maran, kuwaas ayaadna alaabta ku guran kartaa markaad guureyso.
- Boostada ayaad ka samayn kartaa ogeysiinta ah in cinwaankaagu isbeddeley. Sidoo kale boostada waxaad ka soo qaadan kartaa booskaadhyo aad si lacag la’aan ah ugu diri karto dadka saaxiibadaa iyo qaraabadaada ah ee aad u sheegeyso cinwaankaaga cusub. Waxaa iyana wanaagsan inaad laybareeriga iyo bangiyada si gaar ah ugu sheegto cinwaankaaga cusub. Faahfaahin dheeraad ah oo arrintan ku saabsan waxaad ka heleysaa boggaga Boostada (Posti).
- Hubso, in caymiskaaga gurigu (kotivakuutus) ku filan yahay gurigaaga cusub.
- Guriga aad ka guureyso waa inaad nadiifisaa, intaadan furaha celin ka hor. Qofka cusub ee guriga soo deggeya way u fiicnaanaysaa inuu soo dego. Alaabta aad ka maaranto ee weli la isticimaali karo waxaad geyn kartaa meelaha alaabta la geeyo ama meesha suuqa alaabta la isticimaalay lagu gado.
|

|