Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Markaad jirrato

Kun sairastat

"Sariirtu waa daawo."
(Maahmaah Fenetsiyaan ah)

Haddii aad dalka Finland degaan ku leedahay (kotikunta), waxaad isticmaali kartaa adeegyada guud ee caafimaadka.

Markii aad xanuunsatid, la xiriir oo wati ka qabso rugta caafimaadka (terveysasema) ee ku taal aaga aad degentahay. Macluumaadka lagala xiriiri karo rugta caafimaadka waxaad ka heleysaa bogga internetka ee degmadaada. Magaalooyinka waaweyn inta badan xaafad waliba waxay leedahay tugteeda caafimaadka.

Rugaha caafimaadku waxay inta badan furanyihiin isniin ilaa jimce saacadaha u dhexeeya 8-16. Waqti qabsashada waxaa haboon inaad haddiiba subixii wacdid, markii rugta caafimaadka la furo. Marka waqiga laguu qabanayo waxaa laguu sheegayaa, waqtiga aad dhakhtarka la kulmeysid. Haddii aad saysatid kaarka caymiska qaranka (Kela-kortti), horay u qaado, markii aad dhkhtarka la kulmeysid.

Haddii aad u baahantahay dhhtarka cudurada khaaska ah ku takhasusay, mark hore waqti ka qabso dhakhtarka guud. Dhakhtarka guur ayaa kuu qoraya warqad uu kuugu dirayo dhakhtarka khaaska ah. Adeegyada rugta caafimaadku aad ayey macaamiisha ugu jabanyihiin, sabatoo ah waxaa lagu maalgeliyaa canshuuraha dadka laga qaado.

Habeenkii iyo Sabtida iyo Axadaha rugaha caafimaadku way xiran yihiin. Wakhtiyadaas xannuunada degdegga ah iyo shilalka waxaa lagu daaweeyaa goobta heeganka (päivystys). Waxaad kaloo fiirisaa bogga Xaaladaha khatarta ah.

Isbitaalka wuxuu qofku baaritaan u tegi karaa ama lagu daaweyn karaa, sida caadiga ah haddii dhakhtar u gudbiyo. Haddii khatar degdeg ahi jirto in laguu gudbiyo uma baahnid. Qofka bukaanka ahi kharash daryeelka caafimaadkiisa ku baxa qayb ka mid ah ayuu bixiyaa.

Haddii xannuunku ama naafadu ay wax u dhimayso shaqadaada, waxbarashadaada ama nololmaalmeedkaaga caadiga ah, baxnaanintu (kuntoutus) waxbay kuu tari kartaa.

Haddii qofka jirradiisu ay tahay inuu noqdo mid aan awoodin inuu shaqaysto, oo uu mushaharkiisii sidaas ku waayo, qofku lacagmaalmeedka bukaanka (sairauspäiväraha) ayuu xafiiska Kelada ka codsan karaa.