Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Machadada xirfadaha iyo dugsiyada sare

Ammatilliset oppilaitokset ja lukiot

"qofka inuu wax su'aalo ka baqaa, waxbarashadu ceeb bay la tahay."
(Maahmaah Denmark ah)

Waxbarashada heerka labaad waa dugsiga sare iyo machadada xirfadda. Waxbarashadooda waxaa lagu dalbadaa nidaamka dalabka guud ee waddanka oo dhan ah. Nidaamka dalabka guud waa Gu'ga iyo Dayrta. Waxaa laga dalban karaa adeegga shebekadda internetka ee www.haenyt.fi. Haddii aadan haysan shahaadada dugsiga hoose/dhexe ee Finland, waxaad u baahan tahay foomka codsiga oo nooc kale ah, magaciisana waxaa la yiraahdaa Joustava valinta

Faahfaahin dheeraad ah

Guddiga waxbarashada shebekeddiisa waxbarashada waxaa ku jira warar wakhtiga la joogo ah oo ku saabsan waxbarashada Finland laga qabanqaabiyo ee ah waxbarashada dugsiga sare, waxbarasho xirfadeedka, waxbarashooyinka sare ee xirfadaha iyo waxbarashooyinka jaamacadaha, wararku waxay ku qoran yihiin af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Goobaha wax laga barto intooda badan waxaa la dalbadaa wakhti badan ka hor, intaan la gaarin bilowga sannaddugsiyeedka soo socda. Helitaanka shahaadada caddaynta aqoonta luuqadda ee loo baahan yahay waa in wakhti loogu talagalaa. Waxaa dhici karta in ardayda ajnebiga ah ay leeyihiin wakhti u gaar ah oo ay waxbarashada dalbadaan. Waxaa wanaagsan inaad wakhti fiican soo ogaato wakhtiga waxbarashada la dalbanayo!

Yaa talo laga helaa?

Iskuullada waxaa jooga shaqaale waxbarashada ah (opinto-ohjaajia), kuwaas oo aad ka heleyso waxyaabaha ku saabsan waxbarashada iskuulkaaga. Waxay kaloo ku siinayaan wararka ku saabsan goobaha kale ee waxbarashada iyo iyo sida loo dalbado.

Bogga Opintoluotsi waxaad ka raadsan kartaa meelaha aad ka heli karto talooyin waxbarashada ku saabsan, iyadoo la eegayo xaaladda nolosha ee aad ku jirto. Xitaa si toos ah ayaad wararka uga raadsan kartaa goobta waxbarashada.

Dugsiga sare

Dugsiga sare (Lukio) waa saddex sannadood sida caadiga ah. Dugsiga sare si aad u gasho waxaad u baahan tahay shahaadada dugsiga hoose/dhexe. Dugsiga sare ka dib waxaa la galaa imtixaanka shahaadada dugsiga sare (ylioppilastutkinto). Shahaadada dugsiga sare waxay kaa caawinaysaa inaad hesho tacliinta sare.

Tilmaanbixiyaha waxbarashada dugsiga hoose/dhexe ka dib ee Guddiga waxbarashada (Opetushallituksen koulutusopas peruskoulun jälkeiseen koulutukseen): warar dugsiga sare ku saabsan meesha Lukiokoulutus.

thisisFinland waxaa ku qoran warar af Ingiriis ah oo ku saabsan iskuullada caalamiga ah ee Finland ku yaalla.

Dadka waaweyni waxay waxbarashada dugsiga sare ku qaadan karaan dugsiyada sare ee dadka waaweyn.

Waxbarashada heerka labaad ee xirfadda

Waxbarashada heerka labaad ee xirfaddu (toisen asteen ammatillinen koulutus) waxay saddex sannadood sida caadiga ah. Dadka waddanka u soo guurey waxaa loo qabanqaabiyaa waxbarashada u diyaarinta xirfadda waxbarashadeeda aasaasiga ah (ammatilliseen peruskoulutukseen valmistava koulutus), taas oo u fududaynaysa inuu qofku helo waxbarashada xirfadda.

Inta ka horaysa waxbarashada xirfadda, waxaa suuragal ah in hal sano oo dheeraad ah waxbarasho lagu qaato ”fasalka tobnaad” ee dugsiga hoose.

Warar ku saabsan machadada xirfadaha shaqooyinka kala duwan (Opintoluotsi)

Wasaaradda shaqada iyo xoogsashada boggageeda waxaad ka heleysaa warar ku saabsan xirfadaha. Waxbarasho xirfadeedka.com boggagiisa shebekadda internetka waxaa ku jira warar ku saabsan waxbarasho xirfadeedyada oo ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Waxbarashada xirfadda ka dib, qofku waxbarasho wuxuu ka sii wadan karaa tusaale ahaan macahadka tacliinta sare ama jaamacad. Booska waxbarashada heerka sare si otimaatig ah looma helo, ee waa in la dalbadaa. Inta badana imtixaan baa la galaa. Faahfaahin dheeraad ah weydii shaqaalaha waxbarashada ee iskuulkaaga.