Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Luuqadda Iswiidhishka

Ruotsin kieli

Finland waxay leedahay laba luuqadood oo sharci ah – Finnish iyo Iswiidhish. Iswiidhishka waxaa ugu badan oo Finland lagaga hadlaa xeebaha galbeedka iyo konfurta. Degmooyinku waxay u kala baxaan kuwo hal luuqad leh iyo kuwo laba luuqadood leh. Markaad dan ka dhammaysanayso shaqaalaha maamulka ee dowladda (tusaale ahaan xafiiska shaqada), waxaad xaq u leedahay inaad isticimaasho af Finnish ama af Iswiidhish. Degmooyinka labada luuqadood lagaga hadlo, labada luuqadoodba waad isticimaali kartaa, markaad dan ka ledahay shaqaalaha maamulka ee degmada (tusaale ahaan xafiiska sooshalka).

Shaqooyinka qaar waxaa lagaaga baahan karaa, inaad caddayso inaad taqaanno luuqadda Finnishka iyo Iswiidhishkaba.

Haddii aad rabto inaad af Iswiidhishka barato, faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa gudoonka waxbarashada ee degmadaada ama machadka shacabka.

Finland waa suuragalin luuqadda wax lagu dhigtaa noqoto af Finnish ama af Iswiidhish.

Warar ku saabsan Sharciga luuqadda oo luuqadahan soo socda ku qoran:

Finnish
Iswiidhish