Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Luuqadda Finnishka iyo luuqadda Iswiidhishka

Suomen ja ruotsin kieli

"Qofka luuqadda yaqaannaa, meel walba oo uu joogo gurigiisay u tahay."
(Maahmaah Holandiis ah)

Tämä teksti siirretään kokonaan ruotsin kieli –sivulta

Finland waa waddan laba luuqadood leh

Finland waxay leedahay laba luuqadood oo sharci ah – Finnish iyo Iswiidhish. Dadka Finnishka ah waxaa af Finnishka luuqad hooyo ahaan ugu hadla boqolkiiba 91, af Iswiidhishkana boqolkiiba 5. Iswiidhishka waxaa ugu badan oo Finland lagaga hadlaa xeebaha galbeedka iyo koonfurta.

Finland waa suuragal in luuqadda wax lagu dhigtaa noqoto af Finnish ama af Iswiidhish.

Degmooyinku waxay u kala baxaan kuwo hal luuqad leh iyo kuwo laba luuqadood leh. Markaad dan ka dhammaysanayso shaqaalaha maamulka ee dowladda (tusaale ahaan xafiiska shaqada iyo xoogsashada), waxaad xaq u leedahay inaad isticimaasho af Finnish ama af Iswiidhish. Degmooyinka labada luuqadood lagaga hadlo, labada luuqadoodba waad isticimaali kartaa, markaad dan ka ledahay shaqaalaha maamulka ee degmada (tusaale ahaan xafiiska sooshalka).

Shaqooyinka qaar waxaa lagaaga baahan karaa, inaad caddayso inaad taqaanno luuqadda Finnishka iyo Iswiidhishkaba.

Wasaaradda caddaaladda boggeeda ayaad ka heleysaa warar ku saabsan sharciyada luuqadda ee Finnishka oo ah af Finnish iyo af Iswiidhish


Sida Finland gudeheeda luuqad loogu barto

Haddii aad rabto inaad waddanka Finland la qabsato, waxaa aad muhiim u ah inaad barato ku hadalka luuqadda.

Finland gudeheeda koorsooyinka luuqadda Finnishka iyo Iswiidhishka waxaa qabanqaabiya macaddo kal duduwan, ururro iyo mashruucyo.

Macaamiisha xafiiska shaqada iyo xoogsashadakoorsooyinka luuqadda Finnishka waxay ka dalban karaan xafiiska shaqada iyo xoogsashada. Waxbarashooyinka uu xafiiska shaqadu bixiyo ardayda lacag la’aan ayey u yihiin. Wararka ku saabsan koorsooyinka luuqadda Finnishka waxaa laga ogaan karaa boggaga Maamulka shaqada.

Sida caadiga ah koorsooyinku waxay macadada ka bilaamaan bisha ogoosto ama Sibteembar iyo Janaayo. Waxaa muhiim ah in koorsooyinka wakhti fiican laysa soo qoro, muddo ka hor inta aanay koorsadu bilaamin. Macadada weydii, wakhtiga ay tahay in laysa soo qoro.

Boggaga Guddiga waxbarashada (Opetushallitus) waxaad ka heleysaa wararka ku saabsan waxbarashada luuqadda Finnishka ee ardayda waddanka u soo guurtey ee dugsiga hoose/dhexe dhigata.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qolyaha koorsooyinka luuqadda qabanqaabiya waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa koorsooyinka dhinacyada Finland ee kala duwan.

Bangiga wararka boggiisa Luuqadda Finnishka ee internetka ku jirta waxaad ka heleysaa meelo kugu xiraya boggag shebekad internetka ah oo aad ka baran karto  luuqadda Finnishka.

Qalab laga barto luuqadda Finnishka (Suomen kielen oppimateriaaleja)

Ma raadineysaa buug daabacan oo wax laga barto, qaamuusyo ama qalab kale oo wax laga barto oo loogu talagalay barashada luuqadda Finnishka?

Xarunta caalamiga ah ee isweydaarsiga dadka ee Cimo boggageeda ayaad ka heleysaa warar af Finnish ah oo ku saabsan qalabka wax laga barto.

Ma u baahan tahay shahaado caddaynaysa aqoontaada luuqadda Finnishka ama Iswiidhishka?

Haddii aad dalbanayso dhalashada Finland, waa inaad luuqadda Finnishka ama Iswiidhishka hadal ahaan iyo qoraal ahaan aqoon kugu filan u leedahay. Sidoo kale way kugu filan tahay aqoonta luuqadda faraha ka hadalka ee Finland. Aqoontaada luuqadda waxaad ku caddayn kartaa, adigoo gala imtixaanka lagu qaato shahaadada guud ee luuqadda (yleinen kielitutkinto). Shahaadadana waa inaad ku heshaa adoo ku baasaya aqoonta guud ee luuqadda oo ah heerka saddex. Tan macneheedu waa heer dhexdhexaad ah. Xasuuso inaad shahaadadan dhakhso u qaadato. Inta badan imtixaanka shahaadadan gelidiisa saf dheer baa loogu jiraa sidaa darteed wakhti fiican ugu talagal boroseeska. Inaad imtixaanka geleyso isa soo qor, adoo toos u tegeya mid ka mid goobaha waxbarashada ee imtixaanka lagu qaado. Faahfin goobaha imtixaanka ku saabsan iyo wakhtiga imtixaanka waxaad ka heleysaa bogga guddiga waxbarashada.

Siyaabo kalena waad u muujin kartaa aqoontaada luuqadda. Shuruudaha layska rabo hore u sii akhriso. War tafatiran waxaad ka heleysaa bogga Xafiiska Ajnebiga ee sharciyada af Finnish (pdf)