Asumistuki
Dadka isku dheriga ah ee dakhligoodu yar yahay, waxay codsan karaan lacagta kaalmada ijaarka. Lacagta kaalmada ijaarka waxaa laguugu ogolaan karaa guri aad si joogto ah u deggan tahay oo Finland ku yaalla oo ijaar ah, ama guri aad leedahay xuquuqa degenaanshihiisa ama guri aad adigu leedahay. Isku dheriga waxaa loola jeedaa dadka isku guriga ku nool. Lacagta kaalmada ijaarka si wadajir ah ayaa loogu ogolaadaa dadka isku dheriga ah.
Waxyaabahan soo socda ayaa saamayn ku yeesha lacagta kaalmada ijaarka iyo ijaarka qaybta ay tahay inuu qofku isagu bixiyo.
- tirada dadka isku dheriga ah
- degmada uu gurigu ku yaallo, gurigu intuu le’eg yahay, sannadka guriga la dhisay iyo sida guriga loo kululeeyo
- dadka isku dheriga ah kharashka genaanshaha kaga baxa
- isugeynta caddadka dakhliga bishii intaan canshuurta weli laga goyn ka hor soo gala dadka isku dheriga ah
- hantida
Boggaga Hay’adda Hawlgabka Qaranka (Kela) ayaad ka heleysaa Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan lacagta kaalmada ijaarka oo ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.