Ku soo dhowoow Kainuu oo ah deegaan dhaqameed
Deegaanka Kainuu wuxuu ka kooban yahay labo magaalo iyo todobo degmo. Magaalooyinku waa Kajaani iyo Kuhmo, degmooyinkuna iyagoo siday u kala dad badan yihiin u kala horeeya waxay kala yihiin; Sotkamo, Suomussalmi, Paltamo, Vaala, Puolanka, Hyrynsalmi iyo Ristijärvi. Sannadkii 2006 dhammaadkiisa tirada dadka ee deegaanka Kainuu deggenaa isugeyntoodu waxay ahayd qiyaastii 84 350 qof. Dadkaas qiyaastii 1.25 % waxay ahaayeen dad waddanka u soo guurey (ajnebi). Dadkaasna qiyaastii 58 % waxay ahaayeen dumar. Dadka waddanka u soo guurey intooda badan sababo qoys ahaaneed ayey Kainuu ugu soo guureen. Dadka qaxootiga ah ee uu waddanku soo qaato, markii ugu horeysey waxaa deegaanka Kainuu la soo dejiyey bilowgii 1990-yadii. Kainuu waa deegaan ay deggen yihiin dad dhaqamo kala duduwan ka soo jeeda. Dadka ajnebiga ah ee deegaanka Kainuu deggan waxaa ugu badan Ruushka. Dadka kale ee ajnebiga ah ee halkan ku badan waa Suudaan, Iiraan, Afgaanistaan, Istooniyaan, Ciraaq, Eriteriya iyo dad qaxooti ah oo ka yimi dhulka hore loo oran jirey waddanka Yuguslaafiya.
Magaalo madaxda deegaanku waa Kajaani. Ilaha dhaqaalaha nolosha ee ugu muhiimsan waa wershadaha warqadaha iyo wershadaha elektrooniga iyo cilmiga wax soo saarka wararka (information technology). Kajaani waa magaalo waxbarasho, waxaana ku yaalla qayb ka mid ah Jaamacadda Oulu, iyo macadka tacliinta sare (aqoonta khaaska ah ee halkan laga helaa waa cilmiga tiknikada cabbiraadda). Kajaani waxaa kaloo lagu baran karaa cilmiyada lagu qaato shahaadooyinka aasaasiga ah ee xirfadahan hoos ku qoran: laamaha cilmiga dhaqanka (kulttuuriala), cilmiga ilaha dabiiciga ah (luonnonvara-ala), cilmiga wanaagga bulshada (hyvinvointiala) iyo cilmiga dhaqaalaha ganacsiga (liiketalouden ala), cilmiyada tiknikada (tekniikka) iyo gaadiidka (liikenne) iyo weliba cilmiyada dalxiiska (matkailuala) iyo nafaqada (ravitsemisala).
Kajaani waa magaalo ah xarun ciidan: halkan waxaa ku yaalla guutada Finland ugu weyn ee diyaarka ah oo la yiraahdo Guutada Kainuu (Kainuun prikaati) iyo Hay’adda Ilaalinta Xadka ee Kainuu (Kainuun Rajavartiosto).
Kajaani waxaa lagu imaan karaa baabuur, tareen ama diyaarad. Garoonka diyaaraduhu wuxuu ku yaallaa Paltaniemi oo qiyaastii 8 km u jirta bartamaha magaalada. Saldhigga tareemada iyo saldhigga basasku waxay ku yaallaan meel aad ugu dhow bartamaha magaalada.
Faahfaahin dheeraad ah www.kajaani.fi>>kaupunkitieto
La talinta iyo hagitaanka:
Adeegyada arrimaha bulshada ee loogu talagalay dadka magangelyada codsaday iyo dadka qaxootiga ah, Qaybta adeegyada dadka waddanka u soo guurey ee magaalada Kajaani (Kajaanin kaupungin maahanmuuttajapalvelut)
Lönnrotinkatu 3
Dabaqa 2aad
87100 KAJAANI
tel. (08) 615 52760
Caawimo iyo taageero ku saabsan arrimaha nolol maalmeedka:
www.monika.fi
La talinta magaalada Kajaani (Kajaanin kaupungin neuvonta):
Neuvokki
Dhismaha maamulka ee magaalada Kajaani (Kajaanin kaupungintalo)
Pohjolankatu 13
87100 KAJAANI
tel. (08) 6155 2345/ www.kajaani.fi>>muuttajalle
Dhaqanka
Kainuu waxaa lagu qabanqaabiyaa dhacdooyin dhaqanka ah oo aad u heer sareeya, kuwaas oo ay ka mid yihiin festifaallada muusiga ee Kuhmo (Kuhmon kamarimusiikkifestivaalit), Todobaadka Gabayada (Runoviikko), Kajaani Way Dhanseysaa!! (Kajaani Tanssii!) iyo Gu’ga Jazz-ka ee Kainuu (Kainuun Jazz Kevät).
Tiyaatarka Magaalada Kajaani wuxuu soo bandhigaa riwaayado noocyo badan isugu jira oo Kajaani gudeheeda lagu dhigo laba hool. Kooxdu waxay kaloo aadaa oo riwaayado ka dhigtaa meelaha ku yaalla Gobolka Oulu. Tiyaatarka Hiwaayadda ee Kajaani sannadka oo dhan ayuu riwaayado soo bandhigaa, Kajaani waxay kaloo caado dheer u leedahay tiyaatarka xilliga xagaaga (kesäteatteri). Kajaani waxaa ku taalla shineemada filimida ee BioRex,oo ka kooban saddex hool oo filimada lagu fiirsado. Shineemada waxaa lagu fiirsadaa filimada cusub ee ah kuwa ay markaas ugu horayso in Finland lagu soo bandhigo. Naadiga filimada ee Kajaani waxyaabaha uu soo dhigo waxaad ka heleysaa aqoon muhiim ah oo ku saabsan taariikhda filimada. Barnaamijka Ururka Horumarinta Dhansiga ee Kajaani ee Routa (Kajaanin tanssinedistämisyhdistys Routa) waxaa ka mid ah dhansi ay soo saaraan dad aqoonyahanno ah.
Kainuu waxaa lagu qabtaa munaasabado badan oo deegmooyinka deegaanku qabanqaabiyaan oo ah dhaqanka, dhacdooyin hidaha ah iyo muusigyo la soo bandhigo. Kainuu waxaa si firfircooni leh uga jira tiyaatarada xagaaga oo badan oo ay sameeyaan dadka tiyaatarku hiwaayadda u yahay. Tiyaataradaas waxaa daawada dad ka kala yimaadaa dhinacyada kala duduwan ee Finland.
Faahfaahin ku saabssan waxyaabaha Kainuu ka dhacaya: Kajaani Info
Deegaanka dabiiciga ah
Deegaanka dabiiciga ah ee Kainuu waxaa ku badan taagagga, kaymaha, meelo biyo ku jiraa iyo dhul dhoobo biyo leh ah (suot). Deegaanka dabiiciga ah baaxad buu leeyahay oo waa nadiif saafi ah. Xilliyada sannadku midabadoodu deegaanku ka muuqdaa. Xilliga Jiilaalka (qabowga) berefka dhulka yaalla wuxuu noqon karaa mid badan. Bilaha aad u qabow ee xilliga jiilaalka qabawga bannaanka ka jiraa wuxuu noqon karaa in ka badan -20 C digrii. Sidaas darteed waa inaad taxader gaar ah siisaa dharka aad xiranayso.
Qoraalka kala talinta qabowga ee ajnebiga loogu talagalay
(Kylmäpukeutumisen opas)
Soo gurashada miraha iyo mashruumiska iyo kalluumaysigu waxay xilliyada sannadka oo dhan kuu suuragelinayaan inaad deegaanka dabiiciga ah si faa’iido leh u dhex socoto, waxay kaloo kuu suuragelinayaan inaad hesho cunto dheeraad ah oo caafimaad leh.
Siyaasadda
Vaala mooyaane dhammaan degmooyinka kale ee deegaanka Kainuu ku yaalla waxay ka mid yihiin maamulka isutagga degmooyinka ee deegaanka Kainuu. Nidaamka maamulka Kainuu ee tijaabada ah waa barnaamij siyaasadeed oo waddanka oo dhan muhiim u ah, nidaamkani wuxuu soconayaa sannadaha u dhexeeya 2005-2012.
Faahfaahin dheeraad ah:
Deegaanka Kainuu – isutagga degmooyinka (Kainuun maakunta -kuntayhtymä)
Kauppakatu 1
87100 KAJAANI
tel. (08) 615 541
www.kainuu.fi
Qalcad taariikhi ah iyo niman taariikhda meel weyn kaga jira
Qalcadda Kajaani ee la dhisay qarnigii 17aad (1600- yadii) oo hadda burburkeedu weli meesha yaallo, waa waxa dalxiis ahaan ugu caansan deegaanka Kainuu oo dhan.
Nin dhulka xukumi jirey (kreivi) oo magaciisu ahaa Pietari Brahe ayaa aasaasay magaalada Kajaani sannadkii 1651.
Elias Lönnrot oo ahaa dhakhtar deegaanka Kajaani ka shaqeeya ayaa sannadihii 1800-yadii ururiyey warar badan oo ku saabsan suugaanta (gabayada) qaranka, suugaantii uu ururiyey waxay markii dambe noqotay buugga suugaanta qaranka ee Finland ee Kalevala (Suomen kansalliseepos Kalevala).
Gabayaaga taariikhda Finland oo dhan ugu caansan oo magaciisu ahaa Eino Leino wuxuu ku dhashay Paltaniemi sannadkii 1878, xitaa wakhtigan hadda la joogo, haddii aad booqato Guriga Eino Leino (Eino Leino-talo) ee meeshaas ku yaalla, waxaad arki kartaa Leino taariikh nololeedkiisa iyo gabayadiisa.
Urho Kekkonen oo muddo dheer ahaa madaxweynaha Finland wuxuu iskuulkiisa ka soo dhigtay Kajaani.
Faahfaahin dheeraad ah: www.kajaani.fi>>historiaa
Maalgeliyaha guud ee boggani waa Hay’adda Maalgelinta Arrimaha Bulshada ee Yurub (Euroopan sosiaalirahasto).