Tervetuloa Helsingin seudulle!
Ku soo dhawow deegaanka Helsinki!
Deegaanka Helsinki wuxuu ka kooban yahay magaalooyinka Helsinki oo ay deggan yihiin (578 000 oo qof), Espoo oo ay deggan yihiin (241 000 oo qof), Vantaa oo ay deggan yihiin (195 000 oo qof) iyo Kauniainen oo deggan yihiin (8500 oo qof) iyo weliba 10 degmo oo kale oo ku yaalla agagaarka magaalooyinkaas. Dadka Finland oo dhan deggan marka shan qaybood loo qaybiyo hal qayb oo ah 1.3 milyan oo qof, waxay deggan yihiin deegaanka Helsinki.
Deegaanka Helsinki waa deegaannada metropoliga ah ee Yurub kan tirada dadka deggan sida ugu dhakhsaha badan u sii korodho marba marka ka dambaysa. Waxaa la saadaalinayaa, in marka la gaaro ugu dambayn sannadka 2025 dadka deegaanka deggan tiradoodu gaari doonto 1.5 milyan oo qof, dadka deegaanka ka shaqeeyana ay tiradoodu gaari doonto 800 000 oo shaqaale ah. Helsinki iyo degmooyinka deriska la ah waxay ka mid yihiin deegaannada magaalomadaxyada ee adduunka ku yaalla kuwa ugu nabadgelyada fiican.
Deegaanka Helsinki waa deegaan xagga shaqooyinka laga shaqeeyo isku xiran (waxaa dhici karta inuu qofku magaaladuu deggan yahay mooyee mid kale oo deegaanka ka mid ah ka shaqeeyo). Gaadiidka dadweynaha ee deegaanka ka shaqeeya nidaamka uu u shaqeeyo waxaa lagu abaal mariyey inuu yahay mid ka mid ah kuwa adduunka oo dhan ugu fiican. Deegaanka Helsinki wuxuu ku yaallaa meel deegaanka dabiiciga ah u dhow yahay, waana deegaan fiican oo la deggenaan karo, oo wax laga baran karo, oo laga shaqaysan karo, oo ganacsi lagu yeelan karo. Degmooyinka deeganka ku yaallaa waxay xoog saaraan sidii adeegyadu u noqon lahaayeen kuwo sidii loogu talagalay u shaqeeya, nadaafadda guud ee magaalooyinka deegaanka ku yaallana waa lagu dadaalaa.
Deegaanka Helsinki waa meel ay deggan yihiin dad waddamada adduunka ka yimi oo waa deegaan caalami ah oo la deggan yahay. Tirada dadka waddanka u soo guurey aad bay u korodhay laga soo bilaabo bilowgii sannadihii 1990-dii, wakhtigan hadda la joogana tirada dadka waddanka u soo guurey ee deegaanka magaalomadaxda deggan waa qiyaastii 90 000 oo qof. Saddexda kooxood ee ugu badan ee ku hadla luuqadaha ajnebiga ah waa dadka ku hadla luuqaha Ruushka, Istooniyaanka iyo Soomaaliga.
Boggan waxaa ku qoran warar ku saabsan Deegaanka Helsinki iyo gaar ahaan warar ku saabsan adeegyada guud ee ka dhexeeya afarta magaalo ee deegaanka magaalomadaxda oo ah kala ah Helsinki, Espoo Vantaa iyo Kauniainen. Adeegyada ay wararku ku saabsan yihiinna waa kuwo faa’iido u leh markuu qofku u soo guuro deegaanka magaalomadaxda. Magaalo walba oo ka mid ah magaalooyinka deegaanka magaalomadaxda, wararkeeda ku saabsan adeegyada magaaladaas laga helo waxay ku qoran yihiin bogga - Ku soo dhawow ee magaaladaasi leedahay.
Ku soo dhawow Helsinki
Ku soo dhawow Espoo
Ku soo dhawow Vantaa
Ku soo dhawow Kauniainen
Cinwaanka internetka ee Deegaanka Helsinki (HelsinginSeutu.fi) boggiisa wararka magaalada iyo istaatistikada (Kaupunkitietoa ja tilastot) ayaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah oo ku qoran af Finnish,
af Iswiidhish iyo af Ingiriis oo ku saabsan Deegaanka Helsinki. Boggaga cinwaankaas waxaa ku jira khariidadda (maabka) Deegaanka Helsinki oo ku qoran af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .
Warar af Ruush ah
Shebekadda internetka ee Helsinki.ru boggeeda waxaa ku jira boggag ka dhexeeya Xarunta Helsinki (Helsinki-keskus) ee ku taalla Saint Petersburg iyo magaalooyinka Helsinki, Tampere ja Kotka. Boggaga qaybta ay Helsinki ku leedahay (Helsinki-osuus) waxaa laga helaa macluumaad, istaatistikis, warar iyo waxyaabaha ka jira Deegaanka Helsinki. Boggagu waxay u adeegaan saxaafadda Ruushka iyo dadka safarka ku yimaada deegaankan iyo weliba dadka kale ee Ruushka ah ee xiisaynaya adeegyada ku saabsan nolosha ganacsiga, dhaqanka iyo waxyaabaha kale ee jira. Boggaga waxaa maamula Xarunta Helsinki ee ku taalla Saint Petersburg. Bogga shebekadda internetka ee Helsinki.ru oo af Ruush ah.
Adeegyada talosiinta ee loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey ee deggan deegaanka magaalomadaxda
In to Finland
In To waa meel dadka Finland shaqo darteed u yimaadaa ay ka helaan adeegyada Hay’adda Hawlgabka Qaranka (Kela) iyo adeegyada Maamulka canshuuraha (Verohallinto) . In To waxay dadka ajnebiga ah ee cusub ee u soo guura deegaanka magaalomadaxda kala talisaa arrimaha ay dadkaasi la kulmaan bilowga hore, wayna sii hagtaa . Dadka Finland shaqada u yimaada mooyee In To waxay kaloo adeegyo ku saabsan arrimaha la xiriira daryeelka iyo canshuuraha siisaa dadka Finland yimaada ee shaqoraadiska ah, ganacsadayaasha iyo ardayda iyo weliba shirkadaha waddanka dibediisa ka keensada dad shaqaale ah ama dilaalka ka ah.
Goobta dadka u adeegta ee In To waxaa jooga oo dadka Finland u soo guura talooyin siiya dad shaqaale ah oo luuqadaha yaqaan. Shaqaaluhu waxay dadka ka caawiyaan sidii foomamka loo buuxbuuxin lahaa, waxay qofka u sheegaan hay’adda saxda ah ee qaabilsan arrinta uu u socdo. Dadka macaamiisha ah waxaa loogu adeegaa af Finnish, af Iswiidhish, af Ingiriis, af Ruush iyo af Istooniyaan.
In To
Salomonkatu 17, albaabka A, dabaqa 2aad
E-mail: info(at)intofinland.fi
In To ma laha adeeg telefoon ah.
Waxay furan tahay Isniinta ilaa Jimcaha saacadah u dhexeeya 9–12 iyo 1duhurnimo – 4 galabnimo.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan In To oo ah af Finnish, af Iswiidhish, af Ingiriis, af Istooniyaan iyo vaf Ruush.
Qoysaska carruurta leh
Xarunta dhaqamada kala duban ama isku dhaxjiro xafiiskooda (Monikulttuurinen osaamiskeskus) ee Ururka dadka ayaa dadka waddanka u soo guurey telefoon ahaan iyo e-mail ahaan kaga caawiya oo siisa talooyin ku aadan arrimaha la xiriira nolosha qoyska , barbaarinta carruurta iyo waalidnimada. Dhaqamada kala duban ama isku dhaxjiro xafiiskooda wuxuu kaloo waalidiinta u qabanqaabiyaa meel ay isugu yimaadaan dad xaaladaha haysataa isku nooc yihiin. Monikulttuurinen osaamiskeskus wuxuu soo saaraa qoraallo tilmaanbixiyayaal ah oo luuqado kala duwan ku qoran oo taageeraya barbaarinta carruurta.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Dhaqamada kala duban ama isku dhaxjiro xafiiskooda oo ku qoran af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .
Go’aangaaridda deegaanka magaalomadaxda iyo siday dadka shacabka ah saamayn ugu yeelan karaan
Cinwaanka internetka ee Deegaanka Helsinki (HelsinginSeutu.fi) boggiisa Ka qaybqaadashada iyo dimuqraadiga (Osallistuminen ja demokratia) meelaha kugu ridaya ayey dadka deggan deegaanka magaalomadaxdu ka helayaan wararka ku saabsan siday suuragal u tahay inay ka qaybqaataan iyo inay saamayn ugu yeeshaan arrimaha magaalada ay deggan yihiin, wararku waxay ku qoran yihiin af Finnish iyo af Iswiidhish.
Gaadiidka deegaanka magaalomadaxda
Gaadiidka dadweynaha ee deegaanka magaalomadaxda
Gaadiidka dadweynuhu waa habka ugu raqiisan, uguna fudud ee loogu kala safri karo meelaha ku yaalla deegaanka magaalomadaxda. Sida ugu fiicani waa inaad samaysato kaarka baska (matkakortti), kaasoo aad ku isticimaali karto gaadiidka dadweynaha ee deegaanka magaalomadaxda oo dhan. Tikidhada keli kelida ah ee la gato waxaa ka raqiisan, haddii kaarka baska lacag lagu shubto oo markaas kaarka baska lacagta ku jirta laga bixiyo tikidhka qiimihiisa. Kaararka basku waa laba nooc: kaarka qofku shakhsi ahaan u leeyahay (henkilökohtainen kortti) waxaa isticimaali kara qofka kaarka iska leh oo keliya, kaarka haystaha (haltiakohtainen kortti) dad badan baa isla isticimaali kara.
Qofka gaadiidka dadweynaha raacayaa wuxuu gadan karaa tigidhka ka shaqaynaya hal magaalo oo ka mid ah magaalooyinka deegaanka magaalomadaxda gudeheeda oo keliya, ama wuxuu gadan karaa tigidh ka shaqaynaya magaalooyinka deegaanka magaalomadaxda oo dhan gudohooda (seutulippu). Tikidhka hal magaalo gudeheeda ka shaqaynaya (sisäinen lippu) waxaa la isticimaalaa, marka hal magaalo gudeheeda meel ku taalla laga tegayo ee la tegayo meel kale oo isla magaaladaas ku taalla. Tikidhka deegaankana (seutulippu) waxaa la isticimaalaa, marka loo kala gudbayo magaalooyin ku yaalla deegaanka magaalomadaxda. Tikidhka deegaanku (seutulippu) wuu ka qaalisan yahay tikidhka hal magaalo gudeheed ah (sisäinen lippu).
Kaarka baska (matkakortti) waxaa lagu shuban karaa wakhti (kausi), kaasoo noqon kara inta u dhaxaysa 14 maalmood ilaa hal sano. Wakhtiga kaarka baska lagu buuxsado markuu wakhti badan yahay, maalintii qiimeheedu wuxuu noqonayaa mid raqiis ah. Kaarka baska waxaa kaloo lagu shuban karaa qiimo lacag ah (arvo), oo sidaas baa safar walba qiimihiisa loogu bixin karaa lacagta ku jirta kaarka baska.
Kaarka baska ee qofku shakhsi ahaan u leeyahay waxaa laga soo samaysan karaa meesha adeegyada kaararka baska (matkakortin palvelupiste ) af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis . Kaarka baska ee qofku shakhsi ahaan u leeyahay (haltijakohtainen matkakortti) waxaa laga soo samaystaa goobaha adeegyada (palvelupiste) iyo R-kioskiyada ku yaalla deegaanka magaalomadaxda iyo weliba meelaha wax lagu iibiyo ee calaamadda kaarka basku ku taallo. Kaarka baska samaysashadiisa lacag baa la iska qaadaa. Deegaanka laga isticimaalo tigidhka HSL (Helsinki, Espoo, Kauniainen, Kirkkonummi, Vantaa iyo Kerava) dadka sida joogtada ah u deggan waxay kaarka ay shakhsi ahaanta u leeyihiin ku shuban karaan tigidh wakhti ah (kausilippu) oo ka raqiisan tigidhka wakhtiga ah ee guud ee laga gado dadka degmooyinka kale ka tirsan iyo tigidhka wakhtiga ah ee lagu shubto kaarka haystaha (haltijakohtainen kortti).
Marka kaarka la samaysto ka dib, waxaa kaarka qiimo lacag ah ama wakhtiga lagaga shuban karaa meel walba oo kaararka baska laga buuxsado. Meelaha kaararka baska laga buuxsadaa waxay ku yaallaan R-kioskiyada ku yaalla Helsinki, Espoo, Vantaa iyo Kauniainen, iyo kioskiyada kale ee ay ku taallo calaamadda kaarka basku, iyo meesha adeegyada kaararka baska (matkakortin palvelupiste ), meelaha otomaatigyada ah ee tikidhka laga goosto, meelaha lagu iibiyo tikidhada ee shirkadda tareemada (VR:n lipunmyyntipisteet) iyo dukaamada Stockmann.
Tikidhada waxaa lagu raaci karaa basaska, taraamyada (raitiovaunu), metrooga iyo tareemada meelaha dhow dhow taga (VR:n lähiliikenteen juna) iyo weliba doomaha Suomenlinna (tikidhka laguma raaci karo basaska JT-Line = JT-Linen vesibusseissa). Qofka weyn ee gaariga carruurta lagu riixo ku wada ilmo yar oo (0-6 sano jira) lacag la’aan buu ku raaci karaa gaadiidka dadweynaha ee magaalooyinka gudohooda iyo gaadiidka deegaankaba. Carruurta aan weli gaarin 7 sano lacag la’aan bay ku raacaan gaadiidka.
Gaadiidka mertooga ee Helsinki gudeheeda
Metrooga Helsinki iyadoo ay dhowr daqiiqo u dhaxayso ayuu u kala socdaa Ruoholahti iyo bartamaha magaalada iyo Bariga Helsinki. Jedwalka metrooga oo ku qoran af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Gaadiidka taraamka ee Helsinki gudeheeda
Helsinki gudeheeda waxaa ka shaqeeya 12 layn oo taraamka ah. Jidadka ay taraamyadu maraan iyo jedwalkooda oo ku qoran af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Faahfaahin dheraad ah oo ku saabsan gaadiidka Deegaanka Helsinki, tigidhada iyo jedwalka waxaa laga helaa boggaga shbekadda internetka ee Gaadiidka Deegaanka Helsinki (HSL) , boggagu waxay ku qoran yihiin af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .
Tilmaanbiyaha jidka (Reittiopas)
Tilmaanbiyaha jidku wuxuu kuu xisaabinaya jidka ugu dhakhsaha badan ee ugu fiican ee aad wakhtigaad dalbato mari karto, markaad u kala safrayso laba meelood oo ku yaalla deegaanka magaalomadaxda. Tilmaanbixiyaha jidka waxaa la isticimaali karaa isagoo ah af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .
La talinta gaadiidka oo telefoon ah
Xarunta warsiinta ee gaadiidka (Liikenneinfokeskus) adeegeeda telefoonka ah ee lambarka 0100 111 ayaa laga helaa warar ku saabsan Helsinki, Espoo, Kauniainen, Kerava iyo Vantaa jedwalka gaadiidkooda dadweynaha, jidadka ay maraan iyo tikidhada.
La talain shakhsi ahaaneed Isniin- Jimce saacadaha u dhexeeya 6 subaxnimo – 7 fiidnimo (6-19) iyo Sabti- Axad 9 subaxnimo – 5 galabnimo (9-17). Qiimuhu waa (0,98 euroa/telefoonkiiba + qiimaha telefoonka ee caadiga ah).
Otomaatiga jedwalka 24 h (0,49 euroa/ telefoonkiiba + qiimaha telefoonka ee caadiga ah). Lambarkan waxaa dadka loogu adeegaa af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Baarkinnada ku yaalla meelaha gaadiidka dadweynaha laga raaco agtooda (Liityntäpysäköinti)
Baarkinka baabuurta ee kugu xiraya macnihiisu waa baabuurkaaga ayaad dhigan kartaa baarkin ku ag yaalla meel laga raaco ama metro, ka dibna waxaa raacaysaa gaadiidka dadweynaha .
Baarkinnada ku yaalla meelaha gaadiidka dadweynaha laga raaco agtooda oo af af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis. Khariidad ay ku yaallaan af Finnish ah oo ay ku muujisan yihiin baarkinnada ku yaalla meelaha gaadiidka dadweynaha laga raaco agtooda oo af.
Sida deegaanka magaalomadaxda taksiga looga dalbado iyo sida hore loogu sii ballansado
Marka Helsinki la joogo taksi waxaa laga dalbadaa telefoon lambarka 0100 0700 (0,99€/wicidiiba + 0,08€ /10 sekenba + qiimaha telefoonka ee caadiga ah ), horena waxaa looga sii ballansadaa telefoon lambarka. 0100 0600
Marka taksi laga dalbanayo ama hore loo sii ballansanayo iyadoo la joogo Espoo, Vantaa iyo Kauniainen, tel. 0100 7300 (0,98€/wicidiiba + 0,082€/10 sekenba + qiimaha telefoonka ee caadiga ah )
Qiimaha hore u sii ballansashada taksiga ee waddanka oo dhan waa 6 euro.
Xisaabinta qiimaha taksiga oo ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis (qiimaha halkan kaaga soo baxaa waa qiyaas).
Gaadiidka fudud
Tilmaanbixiyaha jidadka gaadiidka fudud ayaa laga helaa talooyin ku qoran af Finnish, af Iswiidhish, af Ingiriis iyo af Ruush. oo ku saabsan baaskiil ku wadasahda deegaanka magaalomadaxda.
Khariidada elektoroonig ah oo muujinaysa meelaha bannaan ahaan loo aado ee ku yaalla deegaanka magaalomadaxda af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Hay’adaha dowladda ee muhiimka ah ee deegaanka magaalomadaxda ku yaalla
Hay’adaha dowladda ee muhiimka ah ee Helsinki ku yaalla
Hay’adaha dowladda ee muhiimka ah ee Espoo ku yaalla
Hay’adaha dowladda ee muhiimka ah ee Vantaa ku yaalla
Hay’adaha dowladda ee muhiimka ah ee Kauniainen ku yaalla
Booliska
Bangiga wararka boggiisa waddanka oo dhan ee Booliska (poliisi) waxaa ku qoran warar ku saabsan hawlaha uu boolisku u xilsaaran yahay Finland gudeheeda.
Hay’adda Hawlgabka Qaranka (Kansaneläkelaitos = Kela)
Hay’adda Hawlgabka Qaranka oo loo yaqaan Kela waxay dadka sida joogtada ah Finland u deggan ee xaqa u leh daryeelka bulshada siisaa noocyada dhaqaalaha ee daryeelka bulshada.
Hay’adda Hawlgabka Qaranka (Kela) xafiisyadeeda ku yaalla deegaanka magaalomadaxda meelaha laga xiriiro oo ku qoran af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis
waxaad heleysaa adigoo kaashanaya boggaga internetka ee Kela.
Hawlaha ay Hay’adda Hawlgabka Qaranku (Kela) u xilsaaran tahay waxaad ka akhrisan kartaa Bangiga wararka boggiisa Hay’adda Hawlgabka Qaranka (Kela).
Xafiiska diwaangelinta (Maistraatti)
Hawlaha uu xafiiska diwaangelintu qaabilsan yahay Finland waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Xafiiska diwaangelinta.
Xafiiska diwaangelinta ee Helsinki
Xafiiska diwaangelinta ee Espoo iyo Kauniainen
Xafiiska diwaangelinta ee Vantaa
Xafiiska shaqada iyo xoogsashada (Työ- ja elinkeinotoimisto)
Xafiisyada shaqada iyo xoogsashada ee ku yaalla deegaanka magaalomadaxda meelaha lagala xiriiro waxaad ka heleysaa degmo walba boggeeda Shaqada.
Shaqada Helsinki gudeheeda
Shaqada Espoo gudeheeda
Shaqada Vantaa gudeheeda
Shaqada Kauniainen gudeheeda
Xafiiska canshuuraha (Verotoimisto)
Bangiga wararka boggagiisa Xafiiska canshuuraha (verotoimisto) iyo Canshuuraha waxaa ku qoran warar ku saabsan canshuuritaanka Finland gudeheeda.
Laanta adeega ee In To (In To -palvelupiste)
Laanta adeega ee In To ee ku taalla Helsinki bartameheeda waa laan laga helo adeegyada Hay’adda Hawlgabka Qaranka (Kela) iyo Maamulka canshuuraha (Verohallinto ) oo loogu talagalay dadka Finland shaqo u yimaada.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan In To oo ah af Finnish, af Iswiidhish, af Ingiriis, af Istooniyaan iyo af Ruush.
Xafiisyada canshuuraha (Verotoimistot)
Deegaanka magaalomadaxdu wuxuu leeyahay xafiiska canshuuraha oo ka dhexeeya, kaasoo ku yaalla Vantaa. Xafiiska canshuuraha ee deegaanka magaalomadaxda qaybtiisa adeega macaamiisha ayaa talooyin laga siiyaa dadka xirfadooda iskood ugu shaqaysta iyo ganacsadyaasha. Qaybtaas waxaa kaloo laga helaa adeegyada aasaasiga ah ee loogu talagalay canshuuraha dadka.
Xafiiska canshuuraha ee deegaanka magaalomadaxda (Pääkaupunkiseudun verotoimisto)
Rajatorpantie 8 A
Vantaa (Myyrmäki)
Cinwaanka boostada: PL 400, 00052 Vero
Lambarka telefoonada laga gudbiyo (09) 7311 20
Faksi (09) 7311 2791
Wuxuu furan yahay Isniin-Jimce saacadaha u dhexeeya 9 subaxnimo – 4:15 galabnimo
saacadaha u dhexeeya 08.00−09.00 subaxnimo warqadaha uun baa la qabtaa.
Qaybaha kale ee adeegyada canshuurta ee ku yaalla deegaanka magaalomadaxda waxaa laga helaa adeegyada aasaasiga ah ee canshuurta dadka.
Laanta adeega canshuuraha ee Helsinki:
Laanta adeega ee Vuorikatu
Vuorikatu 14 (Dhismaha Fennia, dabaqa 1aad)
00100 Helsinki
waxay furan tahay Isniin-Jimce saacadaha u dhexeeya 9 subaxnimo – 4:15 galabnimo (9-16.15)
Laanta adeega ee Espoo: (Espoon palvelupiste)
Laanta adeega ee Tapiola
Länsituulentie 4
02100 Espoo
waxay furan tahay Isniin-Jimce saacadaha u dhexeeya 9 subaxnimo – 4:15 galabnimo (9-16.15)
Waxyaabo badan oo la xiriira arrimaha canshuuraha waxaa lagu dhammaysan karaa boggaga internetka ee Maamulka canshuuraha, iyagoo ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Diin
Warbixin ku saabsan xagata aad diintaada ku xoogsan leheed Finland gudeheeda bogga infopanki Ku soo dhawow Finland .
Espoo, Helsinki iyo Vantaa kaniisadahooda wexey u sameeyeen qaxootiga wadanka degan bogyaal internetka oo ayaka qaxootiga qaas u ah, iyo warbixin kale oo quseyso arrimaha kaniisadaha oo luuqado kale duwan lagu turjumay. Akhriso wax kale af Finnish , af Ingiriis , af Istoniya , af Shiines , af Carabi iyo af Hangari.