Kriisitilanteet Vantaalla
Xaaladaha dhibaatada ah ee Vantaa gudeheeda
Bangiga wararka boggiisa Xaaladaha dhibaatada ah waxaa ku qoran warar ku saabsan, meesha waddanka Finland laga helo caawimo markay yimaadaan xaaladaha dhibaatada ah.
Waxaad kaloo fiiriaa deegaanka magaalomadaxda boggiisa Xaaladaha dhibaatada ah.
Heeganka arrimaha bulshada iyo dhibaatooyinka degdegga ah
Heeganka arrimaha bulshada iyo dhibaatooyinka degdegga ah waxaa lala soo xiriiri karaa markay jirto xaalad nolosha ah oo aad u adag. Sidoo kale qofka dhibaataysan ehelkiisu, ama qofka ay isku fiican yihiin ama saaxiibkiis wuu dalban karaa in la caawiyo.
Heeganka arrimaha bulshada iyo dhibaatooyinka degdegga ah ee Vantaa (Vantaan sosiaali- ja kriisipäivystys)
Peltolantie 2 B
01300 Vantaa
Tel. (09) 8392 4005 (maalinta 24-keeda saacba)
Dhibaatooyinka caafimaadka
Rugaha daryeelka caafimaadku waxay u xilsaaran yihiin daryeelka caafimaadka degegga ah ee dadka Vantaa deggan maalmaha shaqadu jirto saacadaha u dhexeeya 8-16 (8-da subaxnimo ilaa 4-ta galabnimo). Boggaga internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan siday rugaha daryeelka caafimaadku u qaabilaan dadka af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Bolikiliniga heeganka ee Peijas
Bolikiliniga heeganka ee Peijas (Peijaksen päivystyspoliklinikka) waxaa loogu talagalay dadka si degdeg ah u jirrada iyo dadka sida degdegga ah ugu baahan daryeel caafimaad.
Isbitaalka Peijas (Peijaksen sairaala)
Sairaalakatu 1
01400 Vantaa
Tel. (09) 471 67060
Dhibaatooyinka dhallinyarada
Guriga Ammaanka Dhallinyarada ee Vantaa (Vantaan Nuorten turvatalo) waxaa loogu talagalaydhallinyarada da’doodu tahay 12-19 sano ee caawimada u baahan. Guriga ammaanka wakhti kasta waa la soo wici karaa. Waxaana la imaan karaa wixii ka dambeeya saacadu markay tahay 17 (5-ta galabnimo), waxaana la joogi karaa ilaa tobanka subaxnimo. Guriga ammaanka dhallinyarada si nabadgelyo leh ayaa habeenkii loogu hoyan karaa.. Guriga ammaanka si joogto ah looma deggenaan karo.
Ururka Laanqayrta Cas ee Finland gurigiisa ammaanka dhallinyarada ee Vantaa
Rekolan kartano
Sairaalakatu 3
01400 Vantaa
Tel. (09) 871 4043
Kala talinta deynka
Bogga internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku qoran meelaha lagala xiriiro Kala talinta deynka, waana af Finnish.
Xaaladaha dagaallamidda
Guriga Ammaanka ee Vantaa
Guriga Ammaanka ee Vantaa wuxuu caawiyaa dadka waaweyn ee uu haysto dagaallan qoyska dhexdiisa ah iyo carruurtooda.
Guriga Ammaanka ee Vantaa (Vantaan turvakoti)
Karsikkokuja 17
01360 Vantaa
Tel. (09) 8392 0071 (maalinta 24-keeda saacba )
Ururka Naagaha Monika (Monika-Naiset Liitto)
Ururka Naagaha Monika laanteeda Vantaa adeegyadeeda waxaa loogu talagalay dumarka iyo gabdhaha ah dadka waddanka u soo guurey ee la kulma dagaalka qoyska dhexdiisa ah iyo dagaalka uu ku samaynayo qof ay saaxiib yihiin. Dadka waxaa loogu adeegaa luuqado badan.
Ururka Naagaha Monika
Myyrinki, Liesitori 1, dabaqa 3aad
01600 Vantaa
Tel. (09) 839 35013
Isniin-Jimce saacadaha 9-15 (9-ka subaxnimo ilaa 3-da galabnimo)
Talooyinka sharciyaqaanka
Xafiiska caawimada arrimaha maxakamadaha ee Vantaa (Vantaan oikeusaputoimisto)
Talvikkitie 37
01300 Vantaa.
Tel. 010 36 60160 iyo 050 4057923
Faksi 010 36 60179
Isniin-Jimce saacadaha 8.16.15 (Xafiiska caawimada arrimaha maxakamadaha markaad dan ka leedahay waad inaad ballan ka qabsataa. Ballan waxaad ka qabsan kartaa adigoo soo wacaya lambarada kor ku qoran ama xafiiskaad imaan kartaa)
Dhimashada
Wararka ku saabsan dhimashada ka fiiri Bangiga wararka boggiisa Dhimashada.