Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Oulu

Kriisitilanteet Oulussa

Xaaladaha dhibaatooyinka

Bangiga wararka boggiisa Xaaladaha dhibaatooyinka waxaa ku jira warar ku saabsan, meelaha Finland caawimo laga helo, markay jiraan xaalado dhibaato leh.

Jirrooyin degdeg ah iyo shilal

Jirrooyinka degdegga ah iyo kuwa nafta khatarta gelinaya markay jiraan lambarka 112 ayaad ka dalban kartaa ambalaas. Isla lambarkaas waxaad kaloo ka dalban kartaa baabuurka dabdemiska iyo baabuurka booliska.

Heeganka ka dhexeeya

Haddii ay timaado jirro u baahan in degdeg wax looga qabto, maalmaha shaqadu jirto waxaad tegi kartaa heeganka rugtaada caafimaadka. (Ka fiiri bogga Caafimaadka qaybtiisa Rugaha caafimaadka). Fiidadkii, habeenadii, Sabtiyada iyo Axadaha iyo maalmaha guud ee fasaxa ah rugaha caafimaadku way xidhan yihiin, adeegyada caafimaadkana waxaa laga helaa heeganka ka dhexeeya ee magaalada Oulu. Intaadan heeganka aadin ka hor, waxaa fiican inaad marka hore telefoon u dirto oo u sheegto dhibaatada. Telefoonada wakhti walba oo habeen iyo maalin ah waa laga jawaabaa. Dadka bukaanka ahna siday u kala daran yihiin baa loo kala hor daaweeyaa.

Heeganka xaafadaha oo dhan ka dhexeeya wuxuu ku yaallaa Isbitaalka Dhexe ee Jaamacadda ee Oulu, cinwaankiisuna waa
Kajaanintie 50, sisäänkäynti A1
Tel. 08 315 2655

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xanuunada u baahan in degdeg wax looga qabto daaweyntooda iyo kharashka daryeelka caafimaadka ee la iska qaado, waxaad ka heleysaa magaalada Oulu boggeeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis.

Dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda

Waxaa jira heegan u gaar ah oo loogu talagalay, markay jiraan dhibaatooyin caafimaadka maskaxda ah oo degdegga ah. Sida loola xiriiro sida ay tahay in la sameeyo, ka fiiri magaalada Oulu boggeeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis.

Qabatinka waxyaabaha maanka dooriya iyo khamaarka

Shaqada waxyaabaha maanka dooriya adeegyadeeda

Shaqada waxyaabaha maanka dooriya adeegyadeedu waxay talooyin bixiyaan, haddii aad rabto inaad iska joojiso sigaar cabbidda ama aad rabto inaad yarayso khamri cabbitaankaaga. Dadka Oulu deggen daryeelka lacag la’aan bay ku helaan. Dadka degmooyinka kale deggan waa inay wataan warqad caddaynaysa in kharashka laga bixinayo (maksusitoutumus), sida caadiga ahna warqadaas waxay dadku ka helaan xafiiska arrimaha bulshada ee degmadooda.

Dadka ka yar 29 sano daryeelka waxaa siiya Saldhigga waxyaabaha maanka dooriya ee dhallinyarada ee Redi64 (Nuorten päihdeasema Redi64), dadka 29 sano ka weyna Kiliniga A (A-klinikka). Looma baahna in wakhti la qabsado, laakiin dadka ka imaanaya degmooyinka Oulu deriska la ah waa inay wataan warqad caddaynaysa in kharashka laga bixinayo (maksusitoutumus). Sida loola xiriiro ka fiiri magaalada Oulu boggeeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis.

Qabatinka mukhaadaraadka

Oulun Vinkki ayaa taageera mukhaadaraadka xididka laga qaato dadka isticimaala iyo qoysaskooda. Faahfaahin dheeraad ah iyo sida loola xiriiro waxaad ka heleysaa magaalada Ouluboggeeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis.

Dembiyada

Haddii dembi lagaa galo ama aad aragto iyadoo dembi la samaynayo, boolis wac, si ay u yimaadaan oo arrinta baaraan. Waxaad kaloo wici kartaa lambarka guud ee dhibaatooyinka (yleinen hätänumero) 112. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida la sameeyo, markay xaalado dembiyo ah jiraan, ka fiiri Bangiga wararka boggiisa Dembiyada.

Saldhigga booliska ee Oulu (Oulun poliisiasema) wuxuu ku yaallaa xaafadda Raksila, cinwaanka
Rata-aukio 2
90101 OULU
Tel.  071 876 0211

Heeganka dhibanayaasha dembiyada ee Oulu (Oulun Rikosuhripäivystys)wuxuu ku yaallaa cinwaanka
Torikatu 16, dabaqa 2aad
90100 OULU

Lambarada telefoonada iyo faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa Heeganka dhibanayaasha dembiyada boggiisa internetka  www.riku.fi (luuqado badan: Finnish, Iswiidhish, Ingiriis, Serbokroati, Ruush, Turki, Isbeyn, Soomaali, Carabi).

Guriga hore iyo guriga ammaanka ee Oulu

Bangiga wararka boggagiisa Dhibaatooyinka carruurta iyo dhallinyarada iyo Xaaladaha dagaalka waxaa ku qoran warar ku saabsan nidaamka taageerada ee Finland, haddii aad ilmaahaga yar ku dhibtooto ama haddii aad ku nooshahay xiriir dagaal leh.

Guriga hore iyo guriga ammaanka ee Oulu (Oulun ensi- ja turvakoti) waxay caawimo bixiyaan, haddii aad dhibaato kala kulanto sidaad ilmahaaga u haysan lahayd ama haddii gurigaaga uu yahay mid dagaal leh.

Guriga hore iyo guriga ammaanka ee Oulu wuxuu ku yaallaa xaafadda Tuira cinwaanka: Kangastie 9, 90500 Oulu. Lambarka telefoonka ee heeganku waa (08) 561 5500, wakhti walbana waa la soo wici karaa.

Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa Guriga hore iyo guriga ammaanka ee Oulu boggiisa internetka af Finnish.