Kriisitilanteet Espoossa
Xaaladaha dhibaatada ah ee Espoo gudeheeda
Bangiga wararka boggiisa Xaaladaha dhibaatada ah waxaa ku qoran warar ku saabsan, meesha waddanka Finland laga helo caawimo markay yimaadaan xaaladaha dhibaatada ah.
Waxaad kaloo fiiriaa deegaanka magaalomadaxda boggiisa Xaaladaha dhibaatada ah.
Heeganka arrimaha bulshada iyo dhibaatooyinka degdegga ah
Dhibaatada jirta caawimadeeda degdegga ah waxaa laga helaa qaybta heeganka ee dhibaatooyinka iyo arrimaha bulshada ee Espoo, afar iyo labaatanka saacna waa heegan, waxayna dadka ugu adeegtaa af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis, tel. (09) 8164 2439. Haddii loo baahdana qofka shaqaalaha ah ayaa turjubaan dalbaya . Qaybtan heeganka waxaa lala xiriir karaa hadday jiraan tusaale ahaan dhibaatooyin la xiriira caafimaadka maskaxda, daalka waxqabsasho la’aanta ah (uupumus), arrimaha badbaadada carruurta iyo xaaladaha dagaallanka leh.
Adeegu waa mid aamminaad leh oo lacag la’aan ah. Xitaa adigoon magacaaga sheegin baad la xiriiri kartaa. Shaqaalaha qaybta heeganka ee arrimaha dhibaatooyinka iyo arrimaha bulshadu waxay wadahadal la yeeshaan qofka macaamiisha ah, waxay siiyaan talooyin, haddii loo baahdana qofka waxay u raacaan meeshay tahay inuu tago.
Cinwaanka tegiddu waa: Isbitaalka Jorvi, Turuntie 150.
Dhibaatooyinka caafimaadka
Boggaga internetka ee magaalada Espoo waxaad ka heleysaa warar af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis ah oo ku saabsan rugaha caafimaadka. Habeennadii iyo Sabtiyada iyo Axada rugaha caafimaadku way xiran yihiin. Wakhtiyadaas jirrooyinka degdegga ah iyo shilalka yimaada waxaa lagu daaweeyaa heeganka. Boggaga shebekadda internetka ee magaalada waxaa ku qoran warar af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis ah oo ku saabsan heeganka.
Rugaha la talinta qoysaska
Rugaha la talinta qoysaska ee Espoo gudeheeda
Dhibaatooyinka dhallinyarada
Guriga ammaanka ee dhallinyarada
Guriga ammaanka ee dhallinyarada ee Espoo (Espoon Nuorten turvatalo) waxaa loogu talagalay dhallinyarada da’doodu tahay 12-19 sano ee u baahan caawimada. Guriga ammaanka wakhti walba waa la soo wici karaa. Waxaana la imaan karaa wixii ka dambeeya markay saacaddu tahay 5 galabnimo oo waxaa la joogi karaa ilaa 10 subaxnimo. Guriga ammaanka ee dhallinyarada si nabadgelyo leh baa habeenkii loogu hoyan karaa. Guriga ammaanka si joogto ah looma deggenaan karo.
Guriga ammaanka ee dhallinyarada ee Ururka Laanqayrta Cas ee Finland ee ku yaalla Kivenlahti
Kipparinkatu 2 as 19
02320 Espoo.
Tel. (09) 819 55360
E-mail: turvatalo.espoo(at)redcross.fi
Luuqadaha adeegu waa Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis. Haddii turjubaan loo baahdo waxaa dalbaya shaqaalaha guriga ammaanka.
Saldhigga dhallinyarada
Saldhigga dhallinyarada ee Espoo (Espoon Nuorisoasema) waa meel daryeelka furan ah oo loogu talagalay dadka leh dhibaatooyinka la xiriira isticimaalka waxyaabaha maskaxda dooriya ama khamaarka ama wax kale oo la sameeyo qabatimay (adhigtidh) ku noqday ama leh dhibaatooyin la xiriira qoyska ama xiriirka dadka ka dhexeeya ama dhibaatooyinka da’da baaluqa ama madaxbannaanida ee Espoo deggan ee da’doodu tahay 13-22 sano iyo ehelkooda.
Tel. (09) 5259 720
Faahfaahin dheeraad ah oo ku qoran af Finnish, af Iswiidhish oo ku saabsan Saldhigga dhallinyarada ee Espoo.
Adeegyada dhibaatooyinka nimanka
Laynka wax ku dhufasho la’aanta ee Espoo gudeheeda (Lyömätön Linja Espoossa ) –waxqabadkiisa waxaa loogu talagalay nimanka isticimaala dagaalka ama ka baqaya inay dagaal isticimaalaan.
Tel. (09) 276 6280
Laynka Nimanka (Miehen Linja ) waa mashruuc ay maalgeliyaan Hay’adda Mishiinnada Khmaarka (Raha-automaattiyhdistys) iyo magaalada Espoo . Adeegan caawinta ah waxaa loogu talagalay nimanka ah dadka waddanka u soo guurey ee isticimaala dagaalka ama ka baqaya inay u isticimaalaan qofka ay isqabaan ama ama nool yihiin ama dadka qoyskooda ah.
Tel. (09) 276 62899
Xaaladaha dagaallamidda
Guriga Ammaanka ee Espoo ee Ururka Caawinta Dumarka ee Espoo (Naisten Apu Espoossa ry) waxaa lala soo xiriiri karaa markay dhibaato timaado. Guriga Ammaanka ee Espoo (Espoon turvakoti) heegan buu ku jiraa afar iyo labaatanka saac, tel. (09) 591 5130. Xitaa adoon magacaaga sheegin baa soo wici kartaa .
Telefoonka talosiinta ee Qaybta Arrimaha Qoysaska ee Espoo (Espoon perheasioiden yksikön neuvontapuhelin) waxaa la soo wici karaa maalin walba oo shaqo jirto saacadda 12-14.
Tel. (09) 816 83378
Dhibaatooyinka deynka
Dadka Espoo deggan hadday u baahdaan caawimo dhinaca deynka ah tusaale ahaan markay rabaan inay heshiis la galaan cidda deynka ku leh, waxay la xiriiri karaan laanta talosiinta arrimaha dhaqaalaha iyo deynta (talous- ja velkaneuvonta). Telefoonka talosiinta iyo wakhtiga la ballansanayaa waxay furan yihiin Isniin-Khamiis saacadda 10-12, tel. 0800-9-3488 (waa lacag la’aan).Marka qofka telefoonka talooyinka lagu siinayo ee ballanta loo qabanayo ayaa waxaa laga wada hadlaa waxyaabaa kala duwan ee suuragalka ah ee lagu xallin karo dhibaatada deynka. Waxaa wanaagsan, in qofku markuu telefoonka soo dirayo ku soo talagalo inuu xaaladiisa ka warramo oo awoodo inuu sheego dakhliga qoyska soo gala, kharashka guriga kaga baxa iyo deynka lagu leeyahay intuu yahay.
Faahfaahin dheeraad ah oo af Finnish iyo af Iswiidhish ah waxaad kaheleysaa bogga internetka ee magaalada Espoo.
Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Dhibaatooyinka deynka.
Talooyinka sharciyaqaanka
Xafiiska caawimada arrimaha maxakamadaha ee Espoo (Espoon oikeusaputoimisto) wuxuu furan yahay maalmaha shaqadu jirto saacadda 8-16.15, cinwaankiisuna waa Pihatörmä 1 A, 02240 Espoo. Luuqadaha uu xafiisku dadka ugu adeeggaa waaFinnish, Iswiidhish iyo Ingiriis.
Tel. 010 366 0060
Dhimashada
Wararka ku saabsan dhimasahda ka fiiri Bangiga wararka boggiisa Dhimashada.