Koulutus Vantaalla
Waxbarashada Vantaa gudeheeda
Bangiga wararka boggagiisa Waxbarashada waxaa ku qoran aqoon guud oo ku saabsan nidaamka waxbarashada ee Finland.
Bangiga wararka qaybtiisa deegaanka magaalomadaxda boggiisa Waxbarashada waxaa ku qoran warar ku saabsan xannaano maalmeedka carruurta, haynta carruurta ee ku meelgaarka ah, waxbarashada aasaasiga ah iyo waxbarashada heerka labaad iyo weliba sida deegaanka magaalomadaxada looga dalbado waxbarasho.
Xannaano maalmeed
Vantaa waxaa ka jira xannaano maalmeedyo magaaladu leedahay iyo kuwo barayfit ah. Magaalada waxaa ku yaalla xannaano maalmeedyo af Finnish ah iyo kuwo af Iswiidhish ah, waxaa kaloo ku yaalla xannaano maalmeed af Ruush iyo af Ingiriis ah.
Boggaga internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku qoran warar ah af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis oo ku saabsan xannaano maalmeedka magaalada Vantaa leedahay iyo boosaska xannaano maalmeedka. Foomka lagu codsado xannaano maalmeedka magaaladu leedahay waxaa la helaa isagoo ah af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .
Wararka ku saabsan sida loo dalbado xannaanooyinka barayfitka ahwaxaa laga helaa xannaano walba oo barayfit ah, meelaha xannaanooyinka lagala xiriira iyagoo ku qoran af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis waxay ku jiraa boggaga internetka ee magaalada Vantaa.
Waxbarashada hore
Bangiga wararka boggiisa Waxbarashada aasaasiga ah waxaa ku qoran warar guud oo ku saabsan waxbrashada hore ee Finland gudeheeda.
Boggaga internetka ee magaalada Vantaa waxaa laga helaa warar ku saabsan waxbarashada hore ee Vantaa lagu dhigto, wararku waxay ku qoran yihiin af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis . Foomka lagu codsado waxbarashada hore oo ah af Finnish iyo af Iswiidhish .
Carruurta ku jirta da’da waxbarashada hore ee ka soo jeeda luuqadaha kale iyo dhaqamada kale waxay (ugu horayn) dalban karaan gudoonka waxbarashada fasalladiisa diyaarinta hore, kuwaas oo ay ka helayaan waxbarashada diyaarinta iyo waxbarasahda luuqadooda hooyo. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waxbarashada diyaarinta hore iyo waxbarashada diyaarinta waxaad ka heleysaa xaafadaha iskudubaridayaashooda qaabilsan kooxaha ka soo jeeda dhaqamada iyo luuqadaha kale. Xaafadaha iskudubaridayaashooda meelaha lagala xiriiro waxaa laga helaa wararka lifaaqa ah ee af Finnishka ah ee la socda bogga waxbarashada kooxaha luuqadaha iyo dhaqamada kale ka soo jeeda.
Bogga internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku qoran warar ku saabsan waxbarashada hore ee luuqadaha ajnebiga ah ee ka jirta xannaanooyinka, wararkuna waa af Finnish iyo af Ingiriis .
Waxbarashada aasaasiga ah ee carruurta
Wararka ku saabsan waxbarashada aasaasiga ah ee Finland gudeheeda waxaad ka heleysaa Bangiga wararka qaybtiisa Waxbarashada aasaasiga ah .
Boggaga internetka ee magaalada Vantaa waxaa laga helaa warar ku qoran af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis oo ku saabsan waxbarashada aasaasiga ah ee ka jirta Vantaa gudeheeda.
Waxbarashada diyaarinta ah
Haddii ardayga aqoontiisa luuqadda Finnishku aanay ku filnayn waxbarashada lagu dhiganayo dugsiga hoose/dhexe, wuxuu ka qaybqaadan karaa waxbarashada diyaarinta ah. Waalidku waxay la soo xiriiri karaan xaafadda iskudubarideheeda qaabilsan kooxa luuqadaha iyo dhaqamada kale ka soo jeeda, kaasoo waalidka la buuxbuuxinaya warqadaha loo baahan yahay, qiyaasayana wakhtiga uu ardaygu diyaar u yahay inuu u wareego waxbarashada aasaasiga ah.
Xaafadaha iskudubaridayaashooda meelaha lagala xiriiro waxaa laga helaa wararka lifaaqa ah ee af Finnishka ah ee la socda bogga waxbarashada kooxaha luuqadaha iyo dhaqamada kale ka soo jeeda.
Waxbarasahda luuqadda Finnishka oo ah luuqadda labaad iyo waxbarashada luuqadda hooyo
Waxbarashada dugsiga hoose/dhexe marka lagu jiro, ardayda aqoontooda luuqadda Finnishku aanay gaarsiisneyn heerka luuqadda hooyo oo kale, waxbarashada luuqadda Finnishka waxaa la siiyaa iyadoo ah luuqadda labaad. Faahfaahin dheeraada oo ah af Finnish.
Boggaga internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku qoran warar af Finnish ah oo ku saabsan waxbarashada luuqadda hooyo. Foomka la isku soo qoro waxbarashada luuqadda hooyo oo ah af Finnish iyo af Ingiriis .
Waxbarashada luuqad ajnebi ah
Bogga kala doorashada dugsiyada hoose/dhexe ee Vantaa waxaa ku qoran warar af Finnish ah oo ku saabsan waxbarashada luuqad ajnebi ah ee Vantaa ka jirta.
Waxqabadka subaxdii iyo gelinka dambe ee loogu talagalay iskuuleyda (Koululaisten aamu- ja iltapäivätoiminta )
Waxqabadka subaxdii iyo gelinka dambe ee iskuuleyda waxaa loogu talagalay ardayda dhigata fasallada sannadka 1aad iyo 2aad iyo weliba ardayda waxbarashada khaaska ee dhigata fasallada sanadaha kale. Marka naadiyada iskuuleyda lagu hayo la dalbanayo mudnaanta kowaad waxaa la siiyaa ardayda dhigata fasallada sannadka 1aad. Waxqabadka subaxdii iyo gelinka dambe ee iskuuleyda loogu talagalay waxaa Vantaa laga fuliyaa isagoo u badan gelinka dambe oo keliya. Magaalada ayaa hagta waxqabadka, laakiin waxqabadka waxaa qabanqaabiya ururada (yhdistykset), ururada shacabka (järjestöt), bulshada diinta (seurakunta) iyo ganacsadayaal birifaati ah.
Naadiyada gelinka dambe (iltapäiväkerhot) waxay sida caadiga ah ka furan yihiin qolal ku yaalla iskuullada iyo bulshooyinka diinta (seurakuntien tilat). Waxqabadka gelinka dambe waxaa la qabanqaabiyaa iyagoo sida caadiga ah af Finnish iyo af Iswiidhish. Boggaga internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo af Finnish ah oo ku saabsan waxqabadka gelinka dambe ee loogu iskuuleyda. Waxqabadka af Iswiidhishka ah waxaa laga qabanqaabiyaa iskuullada af Iswiidhishka ah. Iskuulka Caalamiga ah ee Vantaa waxaa ka jira waxqabad gelinka dambe ah oo uu qabanqaabiyo ururka waalidiintu. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan iskuulka caalimiga ah oo ah af Ingiriis iyo af Finnish .
Dadka waaweyn ee dhigta waxbarashada dugsiga hoose/dhexe
Boggaga internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku qoran warar af Finnish ah oo ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn ee dhigta waxbarashada dugsiga hoose/dhexe.
Dugsiga sare
W ararka ku saabsan waxbarashada dugsiga sare ee Vantaa gudeheeda af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis . Dugsiyada sare ee Vantaa ku yaalla af Finnish .
Warar ku saabsan waxbarashada IB ee dugsiga sare ee Tikkurila af Finnish iyo af Ingiriis (waxaa kugu xiraya meesha IB-linkin kautta).
Warar ku saabsan dugsiyada sare ee aan fasalka la tegin af Finnish .
Warar ku saabsan Dugsiga Sare ee Dadka Waaweyn ee Vantaa af Finnish .
Waxbarasahda xirfadaha ee heerka labaad
Shebekadda internetka ee magaalada Vantaa boggeeda waxaa ku qoran warar ku saabsan waxbarashada xirfadaha ee heerka labaad ee Vantaa ka jira af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .
Waxbarashada dadka waaweyn
Shebekadda internetka ee magaalada Vantaa boggeeda waxaa ku qoran warar ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn af Finnish .
Caawimo sidii xirfad loo dooran lahaa
Bangiga wararka boggiisa Caawimo sidii xirfad loo dooran lahaa waxaa ku qoran warar ku saabsan xirfad doorshada.