Koulutus Kauniaisissa
Waxbarashada Kauniainen gudeheeda
Bangiga wararka qaybtiisa deegaanka magaalomadaxda boggiisa Waxbarashada waxaa ku qoran warar ku saabsan xannaano maalmeedka carruurta, haynta carruurta ee ku meelgaarka ah, waxbarashada aasaasiga ah iyo waxbarashada heerka labaad iyo weliba sida deegaanka magaalomadaxada looga dalbado waxbarasho.
Xannaano maalmeedka
Aqoon guud oo ku saabsan nidaamka xannaano maalmeedka ee Finland waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Carruurta iyo dhallinyarada .
Kauniainen waxaa ka jira xannaano maalmeed magaaladu leedahay iyo xannaano maalmeed barayfit ah oo ah af Finnish iyo af Iswiidhishba. Boggaga internetka ee Kauniainen waxaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah oo ku qoran af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis oo ku saabsan xannaano maalmeedka, waxaad kaloo boggagaas ka heleysaa foomka lagu dalbado xannaano maalmeedka magaaladu leedahay oo ah af Finnish iyo af Iswiidhish . Foomka marka la soo buuxbuuxiyo waxaa la geeyaa xannaanada ama xafiiska sooshalka iyo daryeelka caafimaadka, cinwaanku waa:
Madaxa xannaano maalmeedka (Päivähoitopäällikkö)
Kauniaistentie 10
02700 Kauniainen
Markaad rabto inaad ilmahaaga boos xannaano uga dalabto xannaanooyinka magaaladu leedahay ee Kauniainen, waxaad la xiriiri kartaa qofka madaxda ah ee magaalada u qaabilsan arrimaha barbaarinta hore (kaupungin varhaiskasvatuspäällikkö).
Madaxa barbaarinta hore (Varhaiskasvatuspäällikkö), tel. (09) 5056 259
Xannaanooyinka barayfitka ah, isla xannaanada booska laga rabo ayaa toos loo boos looga dalbadaa. Xannaanooyinka barayfitka oo ku qoran af Finnish iyo af Iswiidhish .
Haynta carruurta ee ku meelgaarka ah:
Waxaa laga waraystaa
Ururka Caawimada dhow ee Grani (Grani Lähiapu ry )
Maalmaha shaqadu jirto waxaad wacdaa saacadda 9-13,
tel. 040 518 9281
cinwaanka E-mailku waa: granin.lahiapu.ry(at)kolumbus.fi
Waxbarashada hore
Bangiga wararka boggiisa waxbarashada aasaasiga ah waxaa ku qoran warar guud oo ku saabsan waxbrashada hore ee Finland gudeheeda.
Kauniainen waxbarashada hore waxaa lagu dhigaa xannaano walba oo ay soo codsadaan ugu yaraan todoba carruur ah oo ah da’da waxbarashada hore. Waxbarashada hore waxay jirtaa iyadoo af Finnish ah iyo iyadoo af Iswiidhish ah. Warar ku saabsan waxbarashada hore iyo sida waxbarashada hore Kauniainen looga dalbado oo ku qoran af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis waxaad ka heleysaa boggaga internetka ee magaalada.
Foomka lagu codsado waxbarashada hore oo af Finnish iyo af Iswiidhish ah. Foomka waxaa la keeni karaa xannaanadi ladoono ee ka mid ah xannaanooyinka magaaladu leedahay ee Kauniainen ku yaalla. Xannaanooyinka Kauniainen oo af Finnish iyo af Iswiidhish ah.
Waxbarashada aasaasiga ah
Wararka ku saabsan waxbarashada aasaasiga ah ee Finland gudeheeda waxaad ka heleysaa Bangiga wararka qaybtiisa Waxbarashada aasaasiga ah .
Wararka ku saabsan waxbarashada aasaasiga ah (dugsiyada hoose /dhexe) ee Kauniainen gudeheeda oo ku qoran af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .
Waxbarashada diyaarinta ah iyo waxbarashada luuqadda hooyo
Wararka ku saabsan waxbarashada diyaarinta ah iyo waxbarashada luuqadda hooyo waxaad iyagoo af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis ku qoran ka heleysaaxafiiska waxbarashada ee magaalada,
tel. (09) 50561
Waxbarashada dheeraadka ah ” Fasalka tobnaad”
Waxaa laga waraysan karaa xafiiska waxbarashada ee magaalada
Tel. (09) 50561
Dadka qaangaarka ah ee dhigta waxbarashada dugsiga hoose/ dhexe
Waxaa laga waraysan karaa xafiiska waxbarashada ee magaalada
Tel. (09) 50561
Waxqabadka subaxdii iyo gelinka dambe ee loogu talagalay iskuuleyda
(Koululaisten aamu- ja iltapäivätoiminta)
Kauniainen waxqabadka gelinka dambe (iltapäivätoiminta) ee iskuuleyda loogu talagalay waxaa hela ardayda dhigata fasallada 1aad-2aad, waxqabadkuna wuxuu ka jiraa qolal ku yaalla dugsiyada hoose, waana af Finnish iyo af Iswiidhish.
Bogga shebekadda internetka ee Kauniainen waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ah af Finnish (suomeks i), oo ku saabsan waxqabadyada subaxdii iyo gelinka dambe ee af Finnishka ah. Bogga waxaa kaloo ku qjira codsi af Finnish ah oo lagu dalbado waxqabadka gelinka dambe. Codsiga waxaa la keenaa ilmuhu iskuulka uu dhigto xafiiskiisa.
Haynta af Iswiidhishka ah waxaa qabanqaabiya Folkhälsan. Folkhälsan Mittnyland Ab, Maria Klemen, tel. 044 788 1054 .
Waxbarashada heerka labaad
Dugsiga sare
Wararka ku saabsan waxbarashada dugsiga sare ee Kauniainen gudeheeda oo af Finnish iyo af Iswiidhish ah.
Dadka waaweyn waxay waxbarashada shahaadada dugsiga sare lagu qaato ku dhigan karaan dugsiga sare ee dadka waaweyn. Faahfaahin dheeraad ah oo ku qoran af Finnish waxaad ka fiirsan kartaa boggaga internetka ee dugsiga sare ee Espoo.
Waxbarasahda xirfadaha ee heerka labaad
Kauniainen waxaa ku yaalla labo ah macadada sare ee xirfadaha (ammattikorkeakoulu), Macadka sare ee xirfadaha ee Diakonia oo lagu barto cilmiga sooshalka, iyo Akadeemiyada dadka waaweyn oo lagu barto cilmiga soo saaridda dhaqanka (kulttuurituottaja).